01/05/2026
Hambalyada Maalinta Shaqaalaha Aduunka: 1-da May 2026
Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da May, maamulka iyo shaqaalaha Iskuulka Ubayi Bin Kacab Primary & Secondary waxay hambalyo diirran u dirayaan dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.
Shaqadu waa laf-dhabarta horumarka, adkeysiga shaqaaluhuna waa waxa suurtageliya mustaqbal ifaya. Waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa macalimiinta iyo hawl-wadeennada iskuulkeena ee u hibeeyay waqtigooda iyo aqoontooda barbaarinta jiilka barito.
•Hadafkeena: Inaan dhisno aqoon iyo xirfad horseedda isbeddel dhab ah.
•Farriinteena: "Wadajir ayaynu u dhisaynaa mustaqbalka!".
Waxaan qof kasta oo shaqeeya u rajaynaynaa guul, barwaaqo, iyo horumar joogto ah.
19/03/2026
🌙 CIID MUBAARAK 🌙
Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan ardayda Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Ubaya Binu Kacab (Ex Kuwait) waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee Ciidda.
Ciiddu waa maalin farxad, midnimo iyo is cafis, waa maalin la xoojiyo xiriirka qoyska, deriska iyo bulshada. Sidaas darteed, waxaan idin rajeynaynaa in aad ku qaadataan maalmahan barakeysan farxad, nabad iyo jacayl.
Ciid Wanaagsan, Ciid Barakeysan
Meel kasta aad joogtaan, nabad ku ciida. Ok
17/02/2026
🌙 Hambalyo Bisha Barakeysan ee Ramadaan
Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Dugsiga Ubaya Bin Kacab waxay hambalyo diirran u dirayaan dhammaan ummadda Muslimiinta munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaan idiin rajaynaynaa cibaado suuban, caafimaad, nabad iyo barwaaqo.
Allaha naga aqbalo soonka, salaadda iyo camalka kheyrka ah, hana ka dhigo bishan mid keenta midnimo, naxariis iyo horumar bulsho. Ramadaan Kariim 🌙
20/12/2025
OGEYSIIS MUHIIM AH
OG:Maamulka Dugsiga Ubaya bin kacab ex Kuwait
KU:Dhamaaan bahda Waxbarashada dugsiga
UJEEDO: gaaban
Maamulka Dugsiga Ubaya Bin Kacab wuxuu ogeysiinayaa dhammaan ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta in la raacayo amarka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare oo amartay dhammaan howlaha waxbarasho ee dugsiga in la hakiyo muddo gaaban
Fasaxu wuxuu bilaabanayaa beri oo Axad ah taariikhdu tahay 21-12-2025, waxaana dib loo soo laabanayaa 27-12-2025, Insha’Allah.
Fasaxan wuxuu si rasmi ah u quseeyaa:qeebaha Kala duwan ee dugsiga sida 👉
•Qeybta Subax –
•Qeybta Galab –
•Qeybta Bareefadka –
•Qeybta Carruurta Soomaaliyeed ee maalmaha Khamiista iyo Jimcaha –
Go’aankan waxaa loo qaatay in loo hoggaansamo tilmaamaha Wasaaradda, isla markaana loo xaqiijiyo badqabka iyo habsami u socodka howlaha guud ee dalka.
Maamulka Dugsiga Ubaya Bin Kacab wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo macallimiinta wada-shaqeynta iyo fahamka ay muujiyeen.
Mahadsanidiin
20/11/2025
🎓 MACALINKU WAA IFTIINKA JIILKA BERRI ✍️
Hambalyo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed – 21 November ✍️✍️✍️
Bari oo ku beegan 21-ka November, waa maalin qiimo iyo maamuus gaar ah u leh macallinka Soomaaliyeed, oo ah halyeyga dhisa maskaxda, barbaariya anshaxa, kana shaqeeya horumarka jiilka mustaqbalka.
Macallinku ma aha oo kaliya qof wax dhiga, balse waa hagaha nolosha, dhiirrigeliyaha riyada iyo tiirka aqoonta. Dadaalkiisa, samirkiisa iyo naxariistiisa awgeed ayay ardaydu u gaadhaan yoolalkooda.
Dugsiga Ubaya Bin Kacab wuxuu hambalyo iyo mahadnaq ballaaran u dirayaa dhammaan macallimiinta sharafta leh ee nafhurnimada ugu adeega waxbarashada iyo kobcinta aqoonta jiilka Soomaaliyeed.
Hambalyo Macallimiin!
Waad ku mahadsan tihiin dadaalkiina aan kala go’a lahayn.
FG: ma xasuusataa Macalinkaada ugu horeeyay ee wax kusoo dhigay ?
17/10/2025
War Farxad Leh! 🎉
Maanta oo taariikhdu tahay 17-ka Oktoobar 2025, waxaa si rasmi ah loo doortay Guddoomiyaha Midowga Ardayda ubadka soomaliyeed ee dhigta dugsiga ubaya bin kacab ex Kuwait ee maalmaha Khamiista iyo Jimcaha.
Doorashadu waxay ku dhacday jawi degan oo ay ka muuqatay is-qaddarin, hufnaan iyo hoggaan ardaynimo.
Hambalyo guddoomiyaha cusub! 🏅
Noqo mid horseeda isbeddel, mideeya ardayda, una taagan cadaalad iyo horumar. 🇸🇴📚
25/09/2025
Dugsiga Ubaya bin kacab ex Kuwait qeebta ubadka soomaliyeed waxa uu Maalmaha khamiista iyo jimcaha fursad siiyay Caruurta soomaliyeed ee dhigata shanta maalin dugsiyada qur,aanka kariimka ah bal eeg quruxda iyo camirnaanta ka muuqato hoolka dugsiga