مدرسة القاهرة لتحيط القرآن الكريم
page kan waa page-ka rasmiga ah ee dugsiga xifdinta Qur'aanka Kariimka ee QAAHIRA
توكلت في رزقي على الله خالقي.
25/08/2023
25/08/2023
الحكمة اليومي:
27/07/2023
Dawladda Ruushka oo lacag ka badan $684 Million ka dhaaftay Dawladda Soomaaliyeed.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Md. Timur Igorevich Maksimov la saxeexday heshiis ay Dawladda Ruushku kaga dhaaftay lacag ka badan $684 million.
Saxeexida Heshiiskan ayaa lafdhabar u ah dhammaystirka geediga dayn cafiska Dalka.
Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ka dhacay magaalada Saint Petersburg oo uu barri ka furmayo shir waynaha Afrika iyo Ruushka oo ay ka qeyb galayaan wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.
27/07/2023
RA’IISUL WASAARE XAMSA OO MADAXWEYNAHA KENYA RUTO KALA HADLAY FUDUDEYNTA DAL-KU GALKA KENYA IYO CIRIBTIRKA DAGAALAMAYAASHA AL SHABAAB.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Dar es Salaam kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha AS, oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dal.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay Madaxweyne Ruto fududeynta Dal-ku galka (visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay labada dhinac.
Iyadoo laga duulaayo tayeynta iyo awood siinta da’yarta iyo kor u qaadida waxbarashada, ayaa Madaxweyne Ruto waxa uu ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Kenya ay noo tababarto 1000 macallin oo wax ka dhigi doona heerarka kala duwan ee waxbarashada Soomaaliya.
26/07/2023
Berri dambe oo Jimco ah waa maalinka 10aad ee bisha Muxarram. Waa maalinkii uu Alle Nabi Muuse CS ka badbaadiyay Fircoon iyo ciidankiisii.
Nabi Maxamed ﷺ waxa uu soonkeeda ka yiri “Soonka maalinkan waxaan Alle ajir uga xisaabsanayaa in uu iigu dhaafo dambiga sannadii ka horreeyay.”
Waxaana sunno ah in aan soonka maalinkaan raacinno maalinka ka horreeya oo Khamiista ah ama maalinka ka dambeeya oo Sabtiga ah.
Aan ka faa'iideysanno fadliga maalinkaan barakeysan, aana xusuusinno ehelkeenna iyo asxaabteenna.
Media
26/07/2023
WARGELIN
UJEEDDO: WARGELIN LA XIRIIRTA WAX KA BEDDELKA SANNAD DUGSIYEEDKA 2023-2024
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, oo fulinaya warqadda summadeedu tahay WWH&TS/XW/114/07/2023 ee kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare, gudanayana waajibaadkiisa, waxa uu ku wargelinayaa maamullada dugsiyada iyo hay’adaha waxbarashada Gobolka Banaadir in wax ka beddel lagu sameeyay sannad dugsiyeedkan 2023-2024.
Sannad dugsiyeedkan ayaa furmi doona 2da Sebtembar 2023, waxa uuna xirmi doona 6da Juun, 2024.
Sidoo kale waxaa kale oo la kordhiyey maalmaha dhigashada casharada oo laga dhigay 6 maalmood (Sabti ilaa Khamiis) ee asbuuca si loo dhamaystiro Manhajka.
Haddaba, Agaasinku wuxuu ku wargelinayaa dhamaan maamullada dugsiyada, macallimiinta, waalidiinta, ardayda iyo bulshada Gobolka Banaadir inay dhaqan-geliyaan wax ka beddelka lagu sameeyey jadwalka Waxbarashada.
Wada Shaqeyn Wacan.
25/07/2023
Golaha wakiillada Puntland, ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meelmariyay ansixinta wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland, waxaa oggol ugu codeeyay 54 xildhibaan, waxaana diiday 6, cid ka aamustayna ma jirin.
25/07/2023
Ka faa'iideysi wacan.
25/07/2023
Ciyaar yahanka Caalamiga Ah ee usoo saftay Xulka Qaranka Soomaliya Yoonis Cabdi Risaq Farax Cumar Dhider ayaa Heshiis la Galay Kooxda kubadda Cagta ee Banbury United.
Yoonis Cabdirisaq Faarax, waxa uu ku dhashay London bishii September 1999-kii, waa 23-jir dambeedka bidix ka Ciyaara , wuxuuna h**ey uga tirsanaa naadiga Eskilstuna ee dalka Sweden.
Farah waxa uu xirfadiisa kubadda Cagta uu ka bilaabay Southend united isagoo ah ciyaaryahan akadeemiyad ah isla markaana tababar la qaatay xiddigihii h**e ee horyaalka Premier League Anton Ferdinand iyo Marc-Antoine Fortune.
Yonis ayaa la sii daayay bishii May 2018 wuxuuna muujiyay adkeysigiisa isagoo ka soo tagay gurigiisa kuna dhiiraday Norway si uu ugu biiro Trysil FK.
Kadib markii uu wacdaro ka dhigay Scandinavia 19 kulan iyo 1 gool, waxa uu yoonis ku hogaamiyay in uu markii h**e ku guulaysto abaal marinta qarankiisa. 5-tii Sebtembar 2019, Faarax ayaa u saftay Soomaaliya kulankiisii ugu horreeyay ee ay 1-0 kaga badiyeen Zimbabwe, taasoo u dhiganta guushii ugu horreysay ee Soomaaliya ay abid ka gaarto isreeb-reebka Koobka Adduunka ee FIFA.
Tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu h**eysay ee uu u safto dalka ku yaala bariga Afrika, Yonis waxa uu matalay 7 jeer, isagoo ka qeyb galay tartanka caalamiga ah ee Afrika 3 jeer.
Dadaal badan iyo Kooxo kala Duwan oo ka dhisan Norway England iyo Sweeden Manta wuxu heshiis Rasmiya la Galay Kooxda kubadda Cagta Banbury United
Da’yarkan ayaa kasoo jeeda Dhalasho ahaan Deeganka Somalida Gaar’ahaan Degmada Birqod..
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Sodonka Street
Mogadisho