20/11/2021
Join us on Clubhouse.
Qolka Ardayda
Qolka Ardayda is a Somali student community room. Students can come here to share their experience and offer help to other students. They also get advice from other experienced students, teachers and professors.
20/06/2021
Baro JavaScript
JavaScript Tutorial for Beginners: Learn JavaScript in 1 Hour
Watch this JavaScript tutorial for beginners to learn JavaScript basics in one hour. 🔥 Want to master JavaScript? Get my complete JavaScript course: http://...
20/06/2021
Baro sida loogu dhawaaqo English-ka iyo sida loo fahmo dadka kale.
Understand more and improve your English pronunciation with the BREAK& GRAB METHOD
Do you know what Active Listening is? I will show you how you can use Active Listening and my "BREAK & GRAB" method to improve your ability to listen and to ...
14/06/2021
Matahay qof jecel in uu ganacsi bilaabo. Waxaan maanta halkaan idin kugu soo bandhigi doona dhoor arimood oo muhiim ah, kuwaas oo looga baahan yahay in qof kasta ee doonaya in uu ganacsi sameeyo la yimaado.
- Marka h**e inta aadan ganacsi bilaabin waa in la timaado hal abuur ama fikir ganacsi.
- Marka xigtana waa in aad taabo galisaa fikirkaada ganacsi.
Hadii aan ku hor maro sidee loola yimaada hal abuur ama fikir ganacsi. Qofku inta uu san bilaabin ganacsi, waa in uu sameeya baaritaan ku aadan dalabaadka ka jirro suuqa ee aanan weli la buuxinin iyo baaxada ay la egyihiin dalabaadkaas.
1. Waxaad baaritaanka ka bilaabi kartaa qoyskaada iyo asxaabtada adiga oo weydiinayo wax yaabo ay jeclaan lahaayen in ay jirri lahaayen kuwaas oo xalinayo muskilado ayaga heeysato. Diyaarna ay u yihiin in ay gataan hadii ay waxaas jiri lahaayen. Ka dib waxaad liis ku qorataa waxyabahas ay ku sheegen ka dibna, liiska dib ugu noqo kana raadi mushkilad aad is leedahay waad xalin kartaa.
2. Sidoo kale waxaad dhax gali kartaa suuqa adiga oo si qota dheer ugu fiirsanaya waxyabaha lagu iibinayo si aad fikir uga qaadato dalabaadka aanan weli la buuxinin ama waxyaabaha suuqa ka jiro balse ubaahan in horumar lagu sameeyo.
Ka dib marka aad la timaado fikirga ganacsi ee aad rabto in aad abuurto, waxaa muhiim ah in aad isla markiiba ku dhaqaado in aad ganacsigaas abuurto. Sababto ah sida kaliya ee aad ku ogaan karto in fikirkaadu yahay mid soconayo iyo in kale waa in aad tijaabisaa. Marka waa muhiim in aadan dib u dhigin ama aadan ka labalabeyn oo aad isla markiiba ku dhaqaaqda bilaabida ganacsigada.
Mida kale waxaa muhiim ah in fikirkaga ganacsi uu yahay mid ku saleysan waxyaabo aad jeceshahay ama aad ka hesho sameyn tooda, sababtoo ah hadii ganacsiga aad rabto in aad bilaawdo uu yahay wax nafsiyan adiga aanan ku cajabinin waxa uu noqonayaa mid aad ku fashilanto.
14/06/2021
Ma doonaysaa in aad hesho waxbarasho dalka dibadiisa ah oo hadane bilaash ah ama scholarship. Hadii ay jawaabtaadu haa tahay waxaad gashaan website-kaan hoose.
for Somali Students
International Scholarships for Somali Students 2021 - 2022 , Postgraduate Scholarships for Somali Students, Undergraudate Scholarships for Somali Students, Best Scholarships for Somali Students, fully funded Scholarships for Somali Students, Scholarships abroad for Somali Students.
28/05/2021
Comment ahaan waxa u soo qortaa halka waxbarashada ka gaartay. Tusaale ahaan, dugsi sare ama jaamacad.
19/04/2017
6 waxyaabo oo aysan sameynin dadka horumarka jecel
1) Dib ugu noqoshada wax shaqeyn waayay
Dadka horumarka sameeya marnaba kuma fakiraan in ay waxyaabo waqtigoodi dhamaday dib ugu noqdaan, ha ahaato shaqo ama xiriir ay qof la lahayn, kuwaas oo waqtigoodi dhamaaday. Marka h**e waa in uu isbadal jiraa si waxyaabahaas waqtigoodi dhamaaday dib loo soo nooleyo, si loo helaa natiijo ka duwan kuri h**e.
2) Is ka dhigida qof aysan aheyn
Waxkasta oo aad sameeynayso, waa in aad isweydisaa "Waa maxay sababta aan u sameynayo waxaan?" Hadii aad si fudud uga jawaabi wayso su'aashas waa muhiim in aad joojiso waxaas aad qabaneyso.
3) Isku dayida in ay badalaan fikirka qof kale
Hadii aad qof ka dhaadicin wayso fikirkada ama ra'yigada waa muhiim in aad iska dhaafto oo aadan qasbin. Qofkasta waxa uu xor u yahay in uu sida uu wax u arkayo ama u fakirayo lagu xushmeeyo.
4) Isku dayida in ay raali ka dhigaan qof kasta
Marka aad si dhab ah u ogaato in aysan suurta gal aheyn in aad dadka oo dhan raali ka dhigto, waxaad si xor ah ugu noolaneysa noloshada.
5) Waqti ku dhuminta waxyaabo aan faa'iido badan laheyn
Dadka horumarka sameeyo marnaba waqtigooda kuma lumiyaan waxyaabo aan faaiido badan laheyn. Waxa ay markasta ku dadaalan in ay waqtigooda ku maal gashtaan waxyaabo laga helayo faaiidoyin badan.
6) Iloobida muhiimada noloshooda
Marka aad ogtahay muhiimada noloshada, waxaad noqoneysa qof si karti iyo firfircooni ku jirto wax kasta u qabta, oo si farxad leh ugu noolada nolashiisa.
Waad Mahadsan tihiin
17/04/2017
9 Faaido Oo Laga Helo Wax Akhriska
1) Akhrisku wuxu ka jarayaa dabaradda jahliga iyo gaajadda, marba marka ka danbaysa ee aad wax-akhridid waxa ka sii baxaysaa jaahilnimaddii aad maxbuuska u ahayd.
2) Hanashadda akhriska waxa ay qofka ka xoraysaa cidhiidhiga dhuleed iyo wakhti, oo qofka dhul badan oo uuna gaadheen ayuu akhris ku gaadhayaa, wakhti uuna noolayna ummaddii joogtay ayuu waayahooddii akhrisanayaa.
3) Akhrisku waxa uu kobciyaa xusuusta qofka, wuxuna daawo u yahay cudurka dadka waawayn ku dhaca “Asaasaqnimada ”
4) Akhriku waxa qofka ku abuuraa in uu wax mala-awaali karo.
5) Akhrisku wuu ku horumarinayaa wuxuna kaa caawinayaa in aad gaadhid guulo badan oo aad ku hammiyaysay.
6) Akhriska waxa aad kaga dhuuman kartaa walwalka iyo dhibaatadda inaggu lamaan, buug aad akhrido ayaa ku ilowshiisanaya wixii ku haystay oo kuu sawiraya duni kale oo xasiloon oo aad ku raaxaystid.
7) Akhriska waxa aad ka helaysaa macluumad badan oo aad kaga jawaabtid daruufaha nololeed ee ku haysta. Waxa uu ku siinayaa fikraddo cusub oo aad kaga baxdid daruufaha kolba ku haysta.
8) Waxa aad ka helaysaa caqli cusub iyo murti cusub oo aad wax ku abuurtid, buugta waxa ku kaydsan afkaaro iyo aqoon wixii dunidan soo martay.
9) Akhrisku waxa aan suuro-galka ahayn ayuu suuro-gal ka dhigaa, waxa uu ku fududaynayaa qabashadda waxyaabo aad lahayd suuro-gal maaha ama aan caqligaaga soo galin.