21/09/2026
BARNAAMIJKA OLOLAHA WAXBARASHADA
Tan iyo markii la aas-aasay JAMCIYADDA SOHEDA bishii Maarso 2013, sanad kasta oo dugsiyeed waxay si joogto ah uga qayb qaadataa Barnaamijka Ololaha Waxbarashada, kaas oo lagu taageero carruurta iyo ardayda danyarta ah, gaar ahaan agoonta iyo kuwa aan awoodin kharashaadka waxbarashada.
Sanad dugsiyeedka 2026 wuxuu noqonayaa sanadkii 13-aad ee ay SOHEDA fuliso barnaamijkan. Waxaa sharaf iyo farxad weyn u ah SOHEDA in qaar ka mid ah ardaydii ugu horreysay ee ka faa’iideystay barnaamijkan ay maanta yihiin aqoonyahanno bulshada Soomaaliyeed u adeega, waxbarashadoodana ku soo dhammaystay jaamacado ku yaalla gudaha Soomaaliya iyo dalal ay ka mid yihiin Suudaan, Masar, Bangladesh, Turkiga iyo Uganda.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan walaalaha Muslimiinta iyo muxsiniinta sida joogtada ah ugu garab istaaga SOHEDA, gaar ahaan Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, oo kaalin mug iyo miisaan leh ka qaadatay taageerada iyo horumarinta howlaha SOHEDA.
Ugu dambeyn, waxaan baaq taageero u diraynaa dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, ganacsatada, muxsiniinta iyo hay’adaha samafalka, in ay si wadajir ah uga qayb qaataan Ololaha Waxbarashada SOHEDA, si loo garab istaago carruurta agoonta ah iyo kuwa danyarta ah ee aan awoodin kharashaadka waxbarashada.