09/06/2026
Hambalyo Nasra Sadiiq Axmed .
Nasro waxay dhameysay Qur,aanka kariimka ah , bari ayaan la qeybsaneynaa farxadeeda insha,allaah .
Rabi haka yeelo midii ku camal fasha dadkana sii barta
waxbarasho tayeysan iyo Akhlaaq wanaagsan ugu imow markazka cabdullahi cosoble Ee barashada Qur,aanka iyo culuumtiisa.
09/06/2026
Hambalyo Nasra Sadiiq Axmed .
Nasro waxay dhameysay Qur,aanka kariimka ah , bari ayaan la qeybsaneynaa farxadeeda insha,allaah .
Rabi haka yeelo midii ku camal fasha dadkana sii barta
Maanta iyo Maalintii C/rashiid Cabdi Aadam ( qar-iskatuur ) oo Ah mid ka mid ah ardayda ugu yar yar Ee wax ka barta
Xassan waa arday aan uga tagin barashada qoraalka iyo aqrinta in uu weynyahay.
Maanta wuxuu maraayaa in uu iskiisa u qoro qur,aankii loo yeeriyo , xassan wuxuu maraayaa yeeriska سورة العصر waxaa loo diyaarinaayaa in uu noqdo maclim bara ardayda qoraalka iyo aqrinta isagoo sii baranaaya qur,aanka.
Baashaal ka Galab-kasta oo arbaco ah waa farxada Ardayda .
Lakiin waa in uu waajibaadkiisa laga soo bilaabo Sabti ilaa Arbaco meel soo saaro !!
Balanteenu waa farxada caruurtiina Iyo waxbarashadooda.
31/03/2026
Saakay iyo subax roobaad
29/03/2026
Aroorya suuban
Maalintii 2,aad fasaxa kadib
19/03/2026
Sida fadliga badan Zakaatu-fidhriga waxay bilaabmeysaa marka caawa lagu dhawaaqo bilashada bisha shawaal oo la qaado takbiirta ciida ilaa laga gaaro wax yar ka hor inta aan la galin salaada ciida.
Waxay ku waajibtaa qof kasta oo muslim ah haysta maalinkaas iyo habeen-keeda wax uu cuno wax ka badan.
Waxaa la siinayaa masaakiinta iyo fuqarada
Sababta loo bixinaayo waa nadiifin khaladaadkii naga soo dhacay bisha ramadaan.
25/02/2026
Arday kasta isagoo faraxsan oo hadiyad qaali ah wata ayuu gurigiisa aaday Al-Xamdullillaah.
25/02/2026
Maanta waa maalintii Maama Saafi Xassan Xuseyn
Mama saafi waxay go,aansatay 8 bil ka hor in ay hingaada barato wayna ka dhabeysay al- Xamdulillaah.
Maama saafi saakay wixii ka dambeeyo fasalka qur,aanka ayay bilaabi doontaa , waxay soo dhameysay qoraalka iyo aqrinta si buuxda oo ay imtixaan ku gashay.
waa dhiira-galiyaha dadka waaweyn iyo kuwa yar-yar ka.
Muuqaal ka mid ah imtixaankii shalay aan soo gaba-gabeynay iyo Ardayga codka maxaan Muxamed Amiin c/llaahi Abshir allaah habarakeeyee Hana xifdiyee