26/05/2026
Maamulka, macallimiinta, iyo dhammaan hawl-wadeennada Iskuulka Merca Primary And Secondary School MPSS waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, ardayda sharafta leh ee Iskuulka iyo waalidiintoodaba, munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxaa.
Maalintan weyn ee Ciidda waxay inoo tahay astaan midnimo, is-cafis, iyo u-samafalidda bulshada. Waxaan Alle (SWT) uga baryaynaa inuu acmaasheenna suuban nagala aqbalo, ciiddan ciiddeeda kalena nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad, barwaaqo iyo horumar waara oo dalkeenna u dhasha.
Ardaydeenna qaaliga ah waxaan u rejaynaynaa fasax ciideed oo farxad iyo reyn-reyn leh.
Kullu Caam Wa Antum Bikhayr! كُلُّ عَامٍ وَأَنْتُمْ بِخَيْرٍ
Ciid Mubaarak!