Sheikh Ali Maye School

Sheikh Ali Maye School

Share

male & female

19/03/2026

CIID WANAAGSAN🎉🌙

Dhammaan Ummadaha Muslimiinta ah gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeyneynaa farxadda Ciidul Fidri.
Waxaan Alle ka baryeynaa in ciiddan teeda xigta uu innagu gaarsiiyo nabad iyo caafimaad.

Maamulka iskuulka hoose, dhexe, iyo sare ee Sheekh Cali Maye wuxuu si gaar ah hambalyo u leeyahay hawlwadeennada, macallimiinta, waaliddiinta iyo ardayda iskuulka guud ahaan farxadda Ciidda awgeed.
كل عام وانتم بخير
تقبل اللّٰه منا ومنكم صالح الاعمال

18/02/2026

Qaar Ka Mid Ah Ardeyda Sheikh Ali Maye
uu Bulashada La Wadaagey Hampalyada Farxada Curashada Bisha Barakeysan ee Ramaadan

Ramadan Kareem


# Ramadan_Kareem

17/02/2026

Ramadaan Kariim 🌙

Maamulka iyo macalimiinta Dugsiga Hoose, Dhexe, Sare ee Sheekh Cali Maye waxay hambalyo diiran u
dirayaan dhammaan ardayda, waalidiinta, iyo guud ahaan umadda Muslimiinta curashada bisha
barakeysan ee Ramadaan.

Waxaan Alle ka baryeynaa inuu bishan nooga dhigo
bishii khayrka, naxariista, iyo dembi-dhaafka. Alle ha inaga aqbalo soonka iyo cibaadada. Aamiin.

16/02/2026

“ 30 Sano oo Tacliin, Tarbiye iyo Tayo Aqooneed ”


Photos from Sheikh Ali Maye School's post 26/12/2025

Tartan Aqoonedka Ardeyda Duhurleyda Iskuulka Sheikh Ali Maye


Photos from Sheikh Ali Maye School's post 19/12/2025

Halgamaayasha Vs Wadajir
Tartan Aqoonedka Ardeyda Duhurleyda Iskuulka Sheikh Ali Maye


10/12/2025

🌿 Bandhiga Geediga Isbeddalka & Marko Caddey 🌿

Waxaa soo jeedin doona Dhiirageliye : Ustad Abdifatah Khasim
Soo qabanqaabiyey Machadka TechGrow Training & Innovation Center 💡

Ku soo biir Bandhig cajiib ah oo ku saabsan Geediga Isbeddalka & Marko Caddey, halkaas oo aad ka heli doonto:
✨ Fahan qoto dheer
✨ Sharaxaad faahfaahsan
✨ Suaallo Badano Kaa Dhax guuxaya Jawaabtoda
✨ Wacyigelin wax tar leh

📍 Goobta: Sheentarka Hawlawadag ee xafada sheikh Abarone – Marka
🕒 Waqtiga: ( 03 : 30 Galabnimo )
💸 Kharashka Waa Bilaash Wax Lacag Ma Jirto – FREE ENTRY!

Waa fursad weyn oo Yaan la seegin!
Ka soo qaybgal oo ka faa’iidayso! 🌟





09/12/2025

TechGrow Training & Innovation Center

Bandhiga Geediga Isbeddalka, & Marka Cadeey
Munaasabad lagu soo bandhigi doono aragtida cusub ee horumarineed, hal-abuurka bulshada, iyo waddada ay ku socoto jiilka maanta.
Abdifitah Kasim
Communication Coach and the founder of Gooni Institute in Mogadishu

For more Information
61 5424416




05/12/2025

🌿 Bandhiga Geediga Isbeddalka & Marko Caddey 🌿

Bandhiga Geediga Isbeddalka, munaasabad lagu soo bandhi doono aragtida cusub ee horumarineed, hal-abuurka bulshada, iyo waddada ay ku socoto jiilka maanta.

Bandhiggan waxaa si qurux badan u soo jeedin doono Ustad , oo bulshada u gudbin doono fariin ku dhisan wacyigelin, dhiirrigelin, iyo isbeddel wax-ku-ool ah.

Machadka TechGrow Training and Innovation Center 💡, kuwaas oo hormuud u ah tababarka, hal-abuurka, iyo kor u qaadista aqoonta dhallinyarada.

Bandhigu wuxuu muujinaya

✨ Aragti cusub oo horumarineed
✨ Doorka muuqda ee dhallinyarada
✨ Muhiimadda iskaashiga bulshada
✨ Himilo cusub oo Marko Caddey u iftiiminaysa

Geediga Isbeddalka waa safar ay bulshada Marko ka mideysan tahay, kuna saleysan horumar, aqoon, iyo hal-abuur waara.



20/11/2025

Iskuulka Sheekh Cali Maye waxuu u hambalyeynayaa dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed.

munaasabadda Maalinta Macallinka oo ku beegan berri, 21-ka November.
Sidoo kale, waxaan ogaysiinaynaa ardayda iyo macallimiinta, in maalinta Sabtida ah ee ku beegan ( 22/11/2025 ) uu Iskuulka fasax yahay, si loo weyneeyo maalintan qiimaha badan.

Hambalyo iyo mahadcelin gaar ah dhammaan macallimiinta Iskuulka Sh.Cali Maye iyo kuwa
Soomaaliyeed oo dhan.



17/11/2025

MUNAASABADDA MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED 21-ka November 2025

Si aan u muujinno qiimaha, dadaalka iyo doorka aan la soo koobi karin ee Macallinka Soomaaliyeed, waxaa maalintan gaarka ah Ku Weyneynaa Kulan Sports oo heer sare ah ⚽

Waxaa nooga go’an in aan caafimaadka, wadajirka iyo qiimeynta macallinka ku muujinno isboorti iyo is–faham bulsho.

Maxaa Inoo Rajeyneysaan Sheikh Ali Maye Funs




Want your school to be the top-listed School/college in Merca?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Merca
252