19/06/2026
Fariin iyo Duco ku Socota Ardayda Fasalka 12-aad
Maamulka iyo macalimiinta Mareergur primary and secondary school waxa ay dhammaan ardayda fasalka 12-aad ee u fadhiisanaya Imtixaanka Qaranka uga rajaynayaa guul iyo natiijo wanaagsan.
Jadwalkan hoose waa jadwalka rasmiga ah ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee si rasmi ah u bilaabanaya 20–25 Juun 2026.
Ilaahay ha idiin fududeeyo imtixaanka, ha idiin waafajiyo jawaabaha saxda ah, hana idinka dhigo kuwo ku guulaysta darajooyin sare oo dalkooda iyo dadkoodaba anfaca.”
Guul iyo Gobannimo ayaan idiin rajaynaynaa. 🌹📖✍️
18/06/2026
Sawirro Xusuus ah – Dhammaadka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad.
Maamulka Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Mareergur wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardaydii shalay usoo gabangaboobay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee ay qaadday Wasaaradda Waxbarashada Galmudug.
Ardaydeenna qaaliga ah, waxaad soo marteen bilihii ugu dambeeyay dadaal, dulqaad, feejignaan iyo diyaar-garow joogto ah. Maanta waxaad gaarteen marxalad muhiim ah oo ka mid ah safarkiina waxbarasho, taasoo mudan in lagu faano laguna farxo.
Waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa:
✅ Dadaalka iyo juhdiga ay ardaydu muujiyeen muddadii waxbarashada iyo diyaar-garowga imtixaanka.
✅ Waalidiinta iyo masuuliyiinta garab istaagay ardayda, kuna dhiirrigeliyay inay gaaraan himilooyinkooda waxbarasho.
✅ Macallimiinta iyo maamulka dugsiga oo waajibaadkooda u gutay si hufan, una huray waqti iyo tacab badan horumarinta ardayda.
Ardayda Qaaliga ah natiijadu waxay noqon doontaa mid ka tarjumaysa dadaalkii aad gasheen, haddii aad si wanaagsan uga faa'iidaysateen waqtigiinna iyo fursaddiinna waxbarasho, ku kalsoonaada in dadaalkiinnu aanu lumin doonin.
Waxaan idinku dhiirrigelinaynaa inaad sii waddaan barashada, akhriska iyo horumarinta aqoontiinna, maadaama guusha dhabta ahi aysan ku ekaan imtixaan keliya, balse ay tahay safar dheer oo aqoon iyo karti lagu dhisayo.
🤲 Alle SWT waxaan ka baryeynaa inuu idin waafajiyo natiijooyin wanaagsan, qalbiyadiinnana ku sugo guul iyo farxad.
🤲 Alle ha barakeeyo waalidiintii, macallimiintii iyo dhammaan intii ka qayb qaadatay waxbarashadiinna.
Ugu dambayn, waxaan mar kale hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda fasalka 8-aad, gaar ahaan ardayda Dugsiga Mareergur. Waxaan rajaynaynaa in sawirradani noqdaan xusuus qurux badan oo idinla socota safarkiinna waxbarasho.
"Dadaalku waa furaha guusha, aqoontuna waa iftiinka nolosha."
17/06/2026
📢 OGAYSIIS MUHIIM AH
Waxaan dhammaan ardayda Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ee Mareergur Secondary School la socodsiinaynaa in xarunta ay ku galayaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowladda sanad-dugsiyeedka 2025–2026 ay tahay:
🏫 Dugsiga Sare ee Galgaduud 📍 Dhuusamareeb, Galgaduud – Galmudug.
Sida ku cad diiwaanka Wasaaradda Waxbarashada, dhammaan ardayda dugsigeennu waxay imtixaanka ku geli doonaan xaruntan.
Waxaan ardayda kula dardaarmaynaa inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan imtixaanka, isla markaana ay la socdaan tilmaamaha iyo jadwalka rasmiga ah ee imtixaanka.
🎓 Guul iyo Gobannimo ayaan idiin rajaynaynaa dhammaan ardaydeena sharfta leh guulaysta.
30/05/2026
OGEYSIIS RASMI AH
Waxaan dhammaan ardayda Fasalka 8-aad, waalidiinta iyo bahda waxbarashada la socodsiinaynaa in Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug ay si rasmi ah u soo saartay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad sanad-dugsiyeedka 2025–2026.
Imtixaanku wuxuu bilaaban doonaa Axad, 14-ka Juun 2026, waxaana uu socon doonaa ilaa Arbaco, 17-ka Juun 2026, iyadoo maadooyinka lagu geli doono jadwalka rasmiga ah ee la shaaciyey.
Waxaan dhammaan ardayda kula dardaarmaynaa inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan imtixaanka, ilaaliyaan waqtiga, isla markaana u hoggaansamaan tilmaamaha iyo xeerarka imtixaanka.
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda guul iyo nasiib wacan. 📚✍️🎓
23/05/2026
OGAYSIIS KAYIMID Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug.
"Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Dowladda Galmudug, waxay ogaysiinaysaa Ardayda, Waalidiinta iyo Maamulada Dugsiyada, in Imtixaanka Fasallada aan Shahadiga ahayn uu bilaaban doono 6-da Juun kuna eg yahay 12-ka Juun 2026."
Hadaba dhamaan ardayda dugsiga waxaa lafarayaa inay udiyaar garoobaan imtixaanka Naqliga ah ee uu qaadayo dugsigu, dhamaan ardaydana guul baan urajaynaynaa.
21/05/2026
Sawirro: Kulanka Final-ka ee Tartanka Aqoon-Maal (Arbaco 20/05/2026)
Waxaa si rasmi ah loogu soo xiray Dugsiga Mareergur primary and secondary school ee Tartan Aqooneedkii xiisaha badnaa ee Aqoon-Maal. Kulankii kama-dambaysta ahaa (Final) ee dhacay Arbacadii shalay, waxaa foodda is daray labadii kooxood ee ugu adkaa tartanka, kuwaas oo kala ah Wadajir iyo Gaashaan.
Natiijada rasmiga ah ee kulanka:
🤝 Wadajir: 10 Dhibcood (Horyaalka Tartanka)
🛡️ Gaashaan: 7 Dhibcood
Waxaan u hambalyeynaynaa guusha weyn oo ay gaareen kooxda Wadajir oo muujiyay aqoon iyo dadaal dheeri ah oo kuu guulaystay koobkii tartanka aqoon-maal. Sidoo kale, waxaan bogaadin wayn u diraynaa kooxda Gaashaan oo soo bandhigtay loolan adag iyo tartan sareeya ilaa daqiiqadihii u dambeeyay.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Guddoomiyaha Magaalada Mudane Cabdiraxmaan Axmed Maxamed iyo Maamulihii h**e dugsiga ustaad Naciima Cabdullaahi Cabdiraxmaan, marti-sharaftii nala soo qaybgashay, maamulka, macalimiinta , waalidiinta Dugsiga, iyo dhammaan ardaydii kasoo qayb gashay barnaamijkan qiimaha badan. Taageeradiinna iyo dhiirrigelintiinnu waxay door weyn ka qaateen guusha iyo quruxda Tartanka Aqoon-Maal 2026. 💙
Halkan ka daawo sawirrada quruxda badan ee laga qaaday kulankii shalay iyo billad-guddoonsiintii.