05/11/2025
Muhiimadda uu leeyahay kormeerka, qiimeynta iyo ka warhaynta buugga qoraalka ardayga (sudent's Notebook).
-------------------------- ----------------- ----------------------
Waxa hubaal ah in buugga qoraalka ee ardaygu, ka warbixiyo hannaanka togan ee waxbarasho. Buugga ardaygu waxa uu iftiimiyaa qodobadan hoose;
1. Casharada manhajka ee baruhu qoraal ahaan u gudbiyey iyo casharka maalinlaha ah ee uu dhigay.
2. Qiimeynta joogtada (Formative assessment) ah ee baruhu ardayga siiyo.
3. Hannaanka saxa shaqada ardayga ee baruhu saxay.
4. Hagidda, toosinta iyo tilmaanta baruhu siiyo ardaygiisa.
5. Daba-galka wanaagsan ee baraha iyo sida uu ula socdo baahiyaha waxbarasho ee ardayga.
6. Qaar ka mid ah dhibaatooyinka waxbarasho ee haysta ardayda, sida qaladaadka higgaada( misspellings) iyo dhibaatada qoraalka (Disgraphia) ayaa laga ogaan karaa buugga.
7. Xog-celinta ama faallooyinka ( Feedback or comments), uu baruhu siiyey ardayga ama waalidkiisa.
8. Adeegsiga qoraalka tolmoon( Good writing skills) ee ardayga.
9. In kormeerka dugsiga ama maamulkuba wax door ah ku yeeshay buuga qoraalka ardayga.
10. Ugu danbayn, waxa buugga ardayga laga ogaan karaa, sidaa waalidku uga warhayo doorna ugu leeyahay waxbarashada ilmihiisa, isaga oo mararka qaar faallooyin ugu gudbiya baraha ilmihiisa.
Xigasho : Ustaad Said Dhunkaal
16/10/2025
Macallinku ma aha uun xog gudbiye, hase ahaatee waa sameeyaha wacyiga iyo naqshadeeyaha nafaha.
1. Aqoonta Macallinka:
Macallinka guuleystay iskuma koobo uun takhasuskiisa, balse wuxuu isku hubeeyaa aqoomo kala duduwan; waayo ardaygu ma weyddiiyo manhajka oo keliya, ee waxyaabo badan oo kala gedgeddisan ayuu ku jirrabaa.
2. Muuqaalka Macallinka:
Qaabka nadiifta ah iyo muuqaalka dhexdhexaadka ahi ma aha israaf, balse waa farriin barbaarineed oo aamusan. Ilmaha yari isaga oo aan dareensanayn ayuu kugu dayanayaan, sidaas awgeed u noqo tusaale uu ka dheegto nadaafadda iyo ixtiraamka.
3. Kalsoonida Macallinka:
Isku kalsoonaantu ma aha qab iyo isla weyni, balse waa asaaska guusha. Macallinka isku kalsooni xaaladda la joogo ayuu hagaa, qanciyaa oo maamulaa, balse macallinka aan lahayn astaantani fasalka ayuu khalkhal geliyaa, ardayduna kuma kalsoonaadaan hadalkiisa.
4. Macallinka iyo Fadhiga:
Ma habboona in uu macallinku joogteeyo fadhiga; waayo in uu dhex socdo fasalku casharka ayay xiise u yeeshaa, ardayda ayay dhiirrgelisaa, waanay isu soo dhowaysaa, waase haddii aysan jirin xaalad caafimaad; waayo markan oo kale fadhiga ayaa u fiican baraha.
5. Macallinka iyo la dhaqanka ardayda:
Ixtiraamka waa la shaqaystaa ee la iskuma waajibiyo, sidaa awgeed noqo dulqaad iyo fahan badane, kana dheerow cadhada iyo ka falcelinteedaba. Ardaygu inta uusan weelayn xogta aad u tebinayso wuxuu u baahan yahay ammaan nafsadeed.
6. Macallinka iyo xifdinta magacyada ardayda:
Goorta aad ardayga ugu yeedhayso magaciisa, waxaad ku leedahay: "waan ku arkayaa, waanan ku qaddarinayaa.β
Barashada magacyada waxa ka dhasha isu soo dhowaansho, is xidhiidhin, iyo wax wada wadaag. Waxa lagu taliyaa in uu baruhu magacyada ardayda u adeegsado tusaalayaasha, su'aalaha iyo dhiirrgelintaba.
7. Ixtiraamka iyo Cabsida:
Cabsidu caqliga ayay damisaa, hal'abuurkana way fadhiisisaa. Ardayga cabsanayaana ma fikiro, waxba iskuma dayo, shay cusubna lama yimaaddo; sidaa awgeed isku day in aad ku abuurto ixtiraam halkii uu kaa cabsan lahaa, waxbarashaduna waxay ku bullaashaa deegaanka ammaanka ah.
8. Macallinka iyo dhex socodka fasalka:
Socodka qorshaysani casharka ayuu wanaajiyaa, caqliyada ardaydana wuu soo jeediyaa. Dhex wareeg ardayda, lana soco oo caawi adiga oo aan shaki gelinayn, ama aan buuq ku furayn.
Macallinka dhabta ahi cashar uun ma dhigo, balse wax buu hagaa, wax buu barbaariyaan, waxna wuu beddelaa.
~Turjumaad
17/08/2025
Ardayda Dugsiyada dhexe Fasalka 8aad Imtixaanka u fadhiisatay oo gobol gobol ah.
17/08/2025
*Dugsiga H/Dhexe EE Altawba *
*Altawba Primary Schools *
*Ogeysiis Ogeysiis*
Dugsiga H/dhexe ee Altawba waxa uu ogeysiinayaa in isdiiwaangelinta fasallada 1aad - 6aad ee sannad-dugsiyeedka *2025β2026* ay furantahay.
*Isqoristu waxay ka socotaa xafiiska dugsiga.*
*Sannad-Dugsiyeedka: 2025β2026*
Wixii faahfaahin ah nagala soo xidhiidh:
*0634206935*
*0636036420*
*Admission is Open*
10/07/2025
Ardayga iyo Fasaxa
________________
Muddada fasaxu, waa wakhi gaar ah oo loogu talagalay in ardayda iyo bareyaashuba kaga nastaan hawsha waxbarashada. Waa dib-u-isu-soo cusboonaysiin iyo tamar-qaadasho.
Waxa uu ardaygu soo dejinayaa niyadda, beddelayaa deegaanka, isla markaana uu kansho u helayaa ehelka iyo asxaabta.
Si kastaba ha ahaatee, muddada kooban ee fasaxa lagu jiro, waxa ardayga laga doonayaa in uu uga faa'idaysto wax anfacaya oo aqoon iyo aragti cudub ku soo biirinaya.
Waxa aynu halkan ku soo gudbin doonnaa, dhawr qodob oo ay lagama maarmaan tahay in uu ardaygu uga faa'idaysto amminta uu jaaniska iyo firaaqada ka haysto ee uu fasaxa ka yahay waxbarashada:
1. Is qiimayn; ardaygu waa in uu dib isu qiimeeyaa, isla markaana doontaa meelihii uu ka korodhsan lahaa maaddooyinka uu ku hooseeyo.
2. Aqoon koridhsi; ardaygu waa in uu ku bixiyaa wakhtigiisa waxbarasho kale oo uu wax ka dheefayo. Waxa uu daalacan karaa kitaabbo diini ah, waxa uu baran karaa xirfad ama luuqad cusub.
3. Deegaan barasho iyo dalxiis; waxa ardayga iyaduna muhiim u ah inta uu fasaxa yahay in uu deegaan, dad iyo dabci cusub soo barto, taasoo aqoon cusub iyo niyad dejinba u noqon karta.
4. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah, caawinta waalidka iyo la shaqaynta xubnaha qoyska oo ardaygu ku qaadan karo wakhtigiisa.
Adigu ardayoow qodobkee baad uga faa'idaysatay fasaxaaga?
-tawba school
20/06/2025
ππππππΌ ππππππΌπΌπππΌ