20/08/2026
OGAYSIIS MUHIIM AH
....................................
Dhammaan Ardayda waxaa lagu Wargelinayaa in Diwaangalinta Ardayda Cusub ay Toos ubilaaban doonta Maalinta Sabtida ah:
Fadlan yay kaa buuxsamin Diwaangalinta.
Waxii Faahfaahin ah kala soo xiriir Numberada Hoose.
.
16/08/2026
Qaybta 2aad: Shahaada Bixinta
Lasoco Qaybta 3aad
15/08/2026
Qaybta 1aad: Sawiro
Xafladda Qalin jabinta Ardayda Qaybta Computer-Ka .
Waxaa maanta oo ay Taariikhdu ahayd 15/08/2026 noo qabsoomay Xaflad heerkeedu sareeyay Taas oo ay ku Qalin jabinayeen Arday Dhamaysatay Barashada Computer . Xafladdaas oo Ardayda Dugsiga iyo waalidiinta iyo marti sharaf kale ay kasoo qayb galeen.
Waxaana Maanta wajiga 1aad Qalin jabiyay Arday 55 Arday ah.
Lasoco Qaybaha Xiga.
Baabu Rayaan Primary & Secondary School- Luuq .
03/08/2026
Waxaa Maalinta Berri ah Taariikhduna tahay 04/08/2026 Lasoo gabagabayn doonaa Tartan ciyaareedkii udhaxeeyay xaafadaha Degmada Luuq.
Kaas oo soo bilowday 01/07/2026 ayna ku Tartamayeen dhammaan xaafadaha Degmada Luuq.
Waxaana Maalinta Berri final Ciyaari doona Xaafadaha Shiikh mahad iyo Horseed.
Tartankan oo maalgalintiisu ay leeyihiin maamulka Dugsiga Baabu Rayaan.
Nasiib wacan.
09/07/2026
WARGELIN MUHIIM AH
........................................
Dhammaan Ardayda Dugsiga Sare waxaa lagu Wargelinayaa in Maalinta Berri ah la shaacin doona Imtixaanka Finalka Sanad dugsiyeedka 2025-2026.
FG: kala soco Natiijadaada Adigoo Gurigaaga Jooga. Appka Barbaariye.
.
04/07/2026
Maalinta Berri ah waxaa la shaacin doonaa Imtixaanka Fasallada Dugsiga Hoose.
Fadlan Natiijadaada Lasoco Adoo gurigaaga jooga.
.
01/07/2026
Maamulka Dugsiga Baabu Rayaan Primary & Secondary School- Luuq ayaa Galabta Si Qurux badan u daahfuray Tartan Ciyaareedka Xaafadaha Degmada Luuq.
Kaas oo ay ku loolami doonaan Dhammaan xaafadaha Degmada Luuq.
Waxaana Sanadkan Taabagalinaya Dugsiga Baabu-Rayaan Maamulkiisa.
Waxaana Galabta Lagu daahfuray Xaafadaha Cakaare iyo Kormari.
Dhaammaan waxaan Rajaynaynaa in aad soo bandhigi doontaan Cayaar wanaag.
24/06/2026
Waxaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/06/2026.
si habsami leh Ushaqo bilaabay Baska Dugsiga Baabu Rayaan Primary & Secondary School- Luuq
kaas oo Ardayda Hadda waxii ka danbeeyo ay ka baxayaan Lugta Maadaamaa ay kakala imaanayaan Meela fogfog.
Waxaa xusid mudan in Sanad dugsiyeedkii 1aad Gudihiisa Uu noogu yimid Baska Taasna waxaa ku mahadsan Allaah.
Dugsiga Baabu-Rayaan waxaa ka go'an Hormarinta Waxbarashada Degmada iyo Deegaanada Ku xeeran.
21/06/2026
Waxaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 21/06/2026 si nabad ah noogu soo gabagaboobay Imtixaanka Finalka ah ee sanad dugsiyeedka 2025-2026.
Ee Dugsiga Baabu Rayaan Primary & Secondary School- Luuq .
Waxaan Ardayda urajaynaynaa Natiijo quruxbadan. Iyo Hormar wacan.
06/06/2026
Kulankii soo socday muddo Kaas oo ay kuwada cayaareen fasallada:
, , , Iyo .
Tartankan oo ay ugu danbayn maanta oo ay taariikhdu tahay 06/06/2026.
isugu imaadeen Fasallada iyo .
Ugu danbayn Waxa ay guusha Ku raacday
Fasalka .
Waxaana sanadkaan Tartankii Cayaaraha Lawada sugaayay Qaaday fasalka 4aad B
Hambalyo Hambalyo.