01/06/2026
Shaacinta Jadwalka Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Sanad-dugsiyeedka 2025-2026.
Natiijo wacan ayaan idin rajaynaynaa dhamaan ardada Jubbaland gaar ahaan ardada Luuq Primary School
Waa bogga rasmiga ah ee Dugsiga Hoose/Dhexe ee Luuq
01/06/2026
Shaacinta Jadwalka Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Sanad-dugsiyeedka 2025-2026.
Natiijo wacan ayaan idin rajaynaynaa dhamaan ardada Jubbaland gaar ahaan ardada Luuq Primary School
29/05/2026
Kulankii Finalka ee galabta
Waxaa cayaar qurux badan ay dhexmartay Fasallada 8T iyo Fasallada 7 ayaa cayaarta kuso idlaatey 2:1 taas oo ay guushu ku raacday Fasllada 7aad.
Hambalyo Fasallada 7aad oo qaaday Tartankii cayaaraha ee sports ee loo qabatay Fasallada dugsiga Luuq Primary School
23/05/2026
Bismilaah
Cayaarta k**a dambaysta ee Finalka tartanka kubbadda cagta ee ka socdey barxadda dugsiga Luuq Primary School oo ay u dhaxeysey Fasallada 4J iyo 5X ayey guushu ku raacdey Fasalka 4J.
Fasalka 4J ayaa dhashtey 4 gool halka dhigooda Fasalka 5X ay dhaliyeen 3 gool.
4J waa championka qeybta duhurkii.
Hambalyo Fasalka 4J.
17/05/2026
Bismilaah
Waxaa maanta barxada dugsiga Luuq Primary School ka dhqcdey cayaar aad u xamaasad badaneyd oo u dhaceysey Fasallada 2B iyo 3B cayaartaas oo ahayd mid k**a dambays ah ( Final) taas oo kuso idlaatey 6: 0 oo guushu ku raacdey Fasalka 2B.
Fasalka 2B ayaa nodey Championka Fasallada Dugsiga Hoose.
09/05/2026
Waxaa bilowdey tartanka kubbadda cagta ee u dhaxeeya fasallada dugsiga hoose iyo dhexe ee Luuq Primary School kaas oo ay ku tartamay Fasallada 2B iyo 2T.
Waxa ay ciyaarta kuso idlaatey 1:0 oo ay guushu ku raacdey Fasalka 2B.
05/05/2026
Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun
Maamulka Macalimiinta iyo shaqaalaha dugsiga Luuq primary school waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Macalin Aɓdiƙheƴr Ismail Mohamett oo ayeydiis hooyo ( Diyaaro Xandulle Cadow) oo geeriyootey.
Waxa aan Alle uga baryeynaa in uu Naxariista jano ka waraabiyo kitaabkeedana gacanta midig ka siiyo.
Aamin Aamin
29/04/2026
Shaacinta imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2025–2026.
Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee jubbaland ayaa shaacisey xilliga rasmi ah ee la qaadaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad.
Dhamaan ardada Luuq primary school waxa aan idin rajeynaynaa in aad ku pass taan imtixaanka hadduu Alle idmo.
21/03/2026
Ciid Mubaarak
Waxaa maanta oo ay sabti tahay ogeysiinaynaa waalidiinta iyo ardayda in uu dib inoogu furmay waxbarashadii mudo fasax gaaban ka dib.
09/03/2026
Qeybta duhurkii ( part 2)
Waxaa sido kale maanta soo dhamaadey tartan aqooneed u dhaxeeya Fasallada 4Kh iyo Fasalka 5B oo ay guushu ku raacdey Fasalka 5B.
Fasalka 5B waa markii labaad oo xiriir ah oo ay qaadayaan tartankaan waxa ayna soo qaadeen ayagoo afaraad ah waana sanadkii labaad oo xiriir ah ay champion 🏆 yihiin.
Hambalyo Fasalka 5B.
Luuq Primary School Hoyga aqoonta iyo tacliinta.
09/03/2026
Bismilaah
Qeybta subixii ( sawirada part 1)
Tartankii socdey bisha Barakeysan ee Ramadan ayaa maanta si nabad ah inoogu soo dhamaadey.
Waxaana tartamey Fasallada 3B iyo 3J oo ay guushu ku raacdey Fasalka 3B halkaas oo lagu gudoonsiiyey abaalmarino.
Fasalka 3B ayaa ah champion ka sanadkan.
Hambalyo 3B.
Luuq Primary School Hoyga aqoonta iyo tacliinta.