Luuq Primary School

Directions

Luuq Primary School Waa bogga rasmiga ah ee Dugsiga Hoose/Dhexe ee Luuq

HAMBALYO IYO BOGAADINLuuq Primary School waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ardaydii fasalka 8aad ee si hee...
27/08/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN

Luuq Primary School waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ardaydii fasalka 8aad ee si heer sare ah ugu guuleystay imtixaankii fasalka 8aad.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynaynaa arday kasta oo muujiyay dadaal, dulqaad, karti iyo adkaysi, taas oo sababtay in dhammaantiin aad ku baasaan natiijo aad u sarreysa. Guushan aad gaadheen ma aha oo keliya farxad idiin gaar ah, balse waa sharaf iyo guul u soo hoyatay Luuq Primary School, waalidiintiinna, macallimiintiinna iyo bulshada oo dhan.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa waalidiinta sida joogtada ah u garab istaagay carruurtooda, iyo macallimiinta dadaalka iyo waqtiga ay geliyeen sidii ay ardaydu u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh.

Ardayda qaaliga ahow, guushani waa bilow cusub, ee ha noqon meel aad ku joogsataan. Waxaan idinku dhiirrigelinaynaa inaad sii waddaan dadaalka, aqoonta iyo akhriska, si aad mustaqbalka u noqotaan jiilka aqoonta leh ee dalkiisa iyo dadkiisa wax u tara.

Luuq Primary School waxay ku faanaysaa guushiinna, waxayna idiin rajaynaysaa mustaqbal ifaya, waxbarasho wanaagsan iyo guulo ka waaweyn kuwa maanta.

Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo! 🎓🏆
Dhammaan ardayda fasalka 8aad ee guusha gaadhay — waad mudan tihiin.

Luuq Primary School

“Waxbarashadu waa furaha mustaqbalka.”

25/08/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH
🏫 LUUQ PRIMARY SCHOOL
📚 SANAD DUGSIYEEDKA 2026/2027
Taariikh: 25/08/2026
Maamulka Luuq Primary School wuxuu dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bulshada ku wargelinayaa in uu bilaabanayo sanad dugsiyeedka cusub ee 2026/2027.

📅 Bilowga Waxbarashada

Schoolku wuxuu si rasmi ah u furmi doonaa 1-da September 2026. Sidaa darteed, dhammaan ardayda waxaa lagu wargelinayaa inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan bilowga waxbarashadooda, isla markaana ay schoolka yimaadaan waqtiga saxda ah.
Waxaan ku boorrinaynaa ardayda inay ilaashadaan waqtiga, anshaxa iyo diyaar-garowga waxbarasho si ay sanadkan uga faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho ee loo diyaariyey.

🎒 Qaadashada Ardayda Cusub

Luuq Primary School wuxuu sidoo kale qaadanayaa arday cusub, gaar ahaan fasallada hoose ee Grade 1 ilaa Grade 4.

📝 Diiwaangelintu waxay bilaabanaysaa:
📅 29/08/2026
⏳ Waxayna socon doontaa ilaa 1da bisha 9aad.

Dhammaan waalidiinta doonaya inay carruurtooda ku soo biiriyaan Luuq Primary School waxaa lagu soo dhaweynayaa gacmo furan. Fursaddan uga faa’iidaysta si aad carruurtiinna ugu diyaariso waxbarasho tayo leh iyo mustaqbal wanaagsan.

🌟 KU SOO DHAWAAW LUUQ PRIMARY SCHOOL
“Waxbarashadu waa furaha mustaqbalka.”

Luuq Primary School wuxuu ku dadaalayaa inuu ardayda siiyo waxbarasho tayo leh, anshax wanaagsan iyo jawi ku habboon waxbarashada. Waxaan rajaynaynaa in sanad dugsiyeedka cusub uu noqdo sanad guul, horumar iyo waxqabad wanaagsan.

☎️ Wixii Faahfaahin ah
Fadlan kala xiriir lambarrada hoos ku xusan:
📞 061 5500295
📞 061 6189049
📞0616171110

Mahadsanidiin.
Maamulka Luuq Primary School
📚 Ku soo dhawaada waxbarasho tayo leh!
🎓 Mustaqbalka wanaagsan wuxuu ka bilaabmaa waxbarashada maanta.

BismilaahWaxaa bilaabatay diiwaan galinta ardayda fasallada cusub ee 1aad ilaa 4aad horay u gaar yaan laga hormarin diiw...
22/08/2026

Bismilaah

Waxaa bilaabatay diiwaan galinta ardayda fasallada cusub ee 1aad ilaa 4aad horay u gaar yaan laga hormarin diiwaan galinta.
U door ubadkaada waxbarasho tayo leh iyo Macalimiin tayo sare leh ugu kaaley Luuq Primary School

01/07/2026

Maama Kaamila Mohamed Mire oo ka mid ah ururka hooyooyinka degmada Luuq ayaa ka soo qeyb galay xuska munaasabada 1da Luulyo ayada oo soo jeedisay taariikhda soomaaliya iyo halgankii xornimada soomaaliya.

Xuska munaasabada 66 aad ee 1da LuulyoWaxaa maanta munaasabada xuska midowga gobollada woqoyi iyo gobollada koonfureed e...
01/07/2026

Xuska munaasabada 66 aad ee 1da Luulyo

Waxaa maanta munaasabada xuska midowga gobollada woqoyi iyo gobollada koonfureed ee jamhuuriyada soomaaliya ee 1da Luulyo ka dhacday barxada dugsiga Luuq Primary School.

Qaar ka mid ah waxgaradka bulshada iyo ardada ayaa soo jeediyey muhiimada ay leedahay midnimada iyo wadajirka ummada soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah Keydka dugsiga Luuq Primary School Afar sano ka hor ayey aheyd marka ay u fadhiisanaayeen imtixaanka shah...
19/06/2026

Qaar ka mid ah Keydka dugsiga Luuq Primary School

Afar sano ka hor ayey aheyd marka ay u fadhiisanaayeen imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 8aad.

Maalinta berito haduu Alle idmo waxa ay u fadhiisan doonaan imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad ee dugsiga sare.

Luuq primary school waa warshad soo saartey jiil badan oo daafaha dalka iyo dacalada dunida joogaan.

Waxa aan idin rajeynaynaa in Alle sw idin fududeeyo imtixaanka Fasalka 12aad.

Luuq Ganane Secondary School - LGSS wax badan ayuu ka qabtay baahida waxbarasho ee degmada Luuq primary na waa warshadii aas aastay dugsiga sare.

BismilaahWaxaa maanta si nabad ah inoogu soo dhamaadey imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad taas oo ay u fadhiisteen...
16/06/2026

Bismilaah

Waxaa maanta si nabad ah inoogu soo dhamaadey imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad taas oo ay u fadhiisteen 107 ardey oo dhigata dugsiga Luuq Primary School.
Waa dufcadii 16aad ee ka qalin badalata dugsiga Luuq primary school.
Waxa aan idin rajeynaynaa natiijo wanaagsan iyo in aad kaalmaha ugu horeeya aad ka soo muuqan doontaan hadduu Alle idmo.

Shaacinta Jadwalka Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Sanad-dugsiyeedka 2025-2026.Natiijo wacan ayaan idin rajaynaynaa dhamaan ...
01/06/2026

Shaacinta Jadwalka Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Sanad-dugsiyeedka 2025-2026.
Natiijo wacan ayaan idin rajaynaynaa dhamaan ardada Jubbaland gaar ahaan ardada Luuq Primary School

Kulankii Finalka ee galabtaWaxaa cayaar qurux badan ay dhexmartay Fasallada 8T iyo Fasallada 7 ayaa cayaarta kuso idlaat...
29/05/2026

Kulankii Finalka ee galabta

Waxaa cayaar qurux badan ay dhexmartay Fasallada 8T iyo Fasallada 7 ayaa cayaarta kuso idlaatey 2:1 taas oo ay guushu ku raacday Fasllada 7aad.

Hambalyo Fasallada 7aad oo qaaday Tartankii cayaaraha ee sports ee loo qabatay Fasallada dugsiga Luuq Primary School

Bismilaah Cayaarta k**a dambaysta ee Finalka tartanka kubbadda cagta ee ka socdey barxadda dugsiga Luuq Primary School o...
23/05/2026

Bismilaah

Cayaarta k**a dambaysta ee Finalka tartanka kubbadda cagta ee ka socdey barxadda dugsiga Luuq Primary School oo ay u dhaxeysey Fasallada 4J iyo 5X ayey guushu ku raacdey Fasalka 4J.
Fasalka 4J ayaa dhashtey 4 gool halka dhigooda Fasalka 5X ay dhaliyeen 3 gool.

4J waa championka qeybta duhurkii.

Hambalyo Fasalka 4J.

Address

Luuq

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Luuq Primary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category