Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mire

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mire

Share

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Ismaaciil Mire

Photos from Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mire's post 01/03/2024

Maamuus iyo Mahadnaq.

Qof walba oo bulshada door waxgal ah u gala waxa uu xaq u leeyahay in lagu maamuuso, looguna mahadnaqo shaqada uu qabtay, iyada oo bulshada la metelayo.

Barnaamijka MAAMUUS, waxa qabta Midawga Golaha Hal-abuurka Gobolka Sool iyo Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mire; doorkii KOOWAAD waxa loogu mahadnaqay laguna maamuusay Abwaan Cismaan Cabdinuur Xaashi oo ah qoraa, Abwaan iyo Cilmi baadhe Soomaaliyeed oo deegaanka u dhashay. Kalkan, waxa lagu maamuusay Maxamed Cabdiraxmaan X. Nuur (SHAGAXLE) oo ah qurbejoog deegaanka u dhashay. Maxamed, waxa uu ka qayb qaatay ilaalinta taariikhda deegaanka, kaydinta iyo ururinteeda, sidoo kale tayaynta waxbarashada iyo kor u qaadista wacyiga Akhriska iyo Qoraalka. Waxa kale oo uu halgan dheer galay sannadkii Saxal baxa, dhismihii dawladnimada iyo soo celinta bilicda deegaanka. Waxa uu sidoo kale in badan dhallinyarada deegaanka ka taageeray horumarinta iyo ka shaqaynta arrimaha bulshada.

Dhammaad.

20/12/2022

Maxamuud Jaamac Dalmar Buux wuxuu dhashay sannadkii 1945kii. Wuxuu ku dhashay magaalada Ceerigaabo. Isagoo yar ayey reerkoodu waxay u guureen magaalada Berbera oo markaa gumeystihii Ingiriiska gacanta ugu jirtay. Berbera ayuu Maxamuud dugsigiisii Quraanka ka bilaabay. Hooyadii waxaa la odhan jiray Faadumo Maxamed Aadan. Maxamuud Jaamac Dalmar wuxuu waxbarashadiisii hoose iyo dhexeba ku qaatay magaalada Berbera.

Dugsigiisii sare wuxuu ku qaatay magaalada Berbera. Waxaa dugsigaas la odhan jiray Alfallaax. Waxaa dugsigaas gacanta ku hayey dawladda Masar. Maamulihii dugsigaas waxaa la odhan Cismaan Busuri oo reer Laascaanood buu ahaan jiray. Maxamuud Jaamac Dalmar markuu waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe dhammeeyey ayuu galay kulliyaddii macallinnimada ee Berbera ku taallay oo loo yaqaannay T. T. C.

1964-1966kii wuxuu Maxamuud Jaamac Dalmar noqday macallin magaalada Xuddun wax ka dhiga. Sannadihii 1969-1970kii wuxuu bare ka noqday dugsigii hoose iyo dhexe ee magaalada Ceerigaabo. Sannadihii 1970-1974kii wuxuu bare ka noqday magaalada Laascaanood. Sannidihii 1974-1975kii wuxuu maamule ka noqday dugsi ku yaallay magaalada Burtinle.

Sannadihii 1975-1977kii wuxuu maamule ka noqday dugsiga hoose iyo dhexe ee Darwiish oo ku yaalla magaalada Garoowe. Sannadihii 1977-1979kii wuxuu ka qalin jebiyey kulliyaddii Lafoole oo uu heer jaamaceed ku soo qaatay. Sanndihii 1979-1980kii wuxuu bare ka noqday dugsiga sare ee Gambool oo Garoowe ku yaalla. Sannadihii 1980-1982kii wuxuu bare ka noqday magaalada Laascaanood.

Maxamuud Jaamac Dalmar Buux wuxuu noqday maamulihii ugu horreeyey ee uu yeesho dugsiga sare ee Muuse Yuusuf oo Laascaanood ku yaalla. Maxamuud wuxuu ka mid ahaa saddexdii aqoonyahan ee dhismihii dugsiga sare ee Muuse Yuusuf hormuudka u ahaa. Dugsigaas markii ugu horreysay waxaa lagu bilaabay labo qol. Labadaas qol markuu ahaa waxaa gacanta ku hayey Maxamuud Jaamac Dalmar. Sannadihii 1982-1985kii wuxuu noqday guddoomiyihii waxbarashada ee degmada Laascaanood.

Sannadihii 1985-1987kii wuxuu noqday guddoomiyihii waxbarashada ee gobolka Sool. Sannadihii 1987-1990kii wuxuu noqday guddoomiyihii waxbarashada ee gobolka Togdheer. Maxamuud Jaamac Dalmar wuxuu noqday guddoomiyihii waxbarashada ee ugu dambeeyey ee ay dawladdii Soomaaliyeed kaga dhacdo sannadihii 1990-1991kii.

Maxamuud Jaamax Dalmar wuxuu markii burburku dhacay uu Laascaanood dib uga bilaabay soo celinta waxbarashada oo uu ku guulaystay. Dadkii Koonfurta dalka ka soo qaxay ee reer Laascaanood ahaa ayaa waxay degeen dugsiyadii waxbarashada. Dadkaas intooda badani waxay degeen dugsiga sare ee Muuse Yuusuf. Maxamuud Jaamac Dalmar wuxuu guddoonka waxbarashada ee gobolka Sool ku gaadhay sannadkii 2021kii.

06/12/2022

Ismaaciil Mire Cilmi wuxuu dhashay sannaddii 1862kii, wuxuuna ku dhashay ceel la yidhaahdo Laasodaar oo u dhaw magaalada la yidhaahdo Widhwidh. Sida la sheegay hooyadii waxaa la odhan jiray Faadumo Cali Warsame. Ismaaciil Mire wuxuu ka dhashay qoys xoolo dhaqato ahaan jiray. Ismaaciil Mire isagoo ah 38 jir ayuu ku biiray dhadhaqaaqii Daraawiishta, wuxuuna markaa ahaa nin aan aad loo aqoon, laakiin markiiba Ilaahay jeclaysiiyey arrintii Daraawiisheed iyo figradihii Sayid Maxamed cariyey ee ahayd in gaalo lala dagaallamo.

Dhanka gabayga Ismaaciil Mire wuxuu ku helay hibo ee lama sheegin in uu aabbihii ama abtigiis ka hiddaystay, hadday jirtayna maahayn wax in yarna laga maqlay marka laga reebo war hadhqoodaal la iskaga sheegay. Ismaaciil Mire markuu Daraawiish ku biiray waxaa markiiba aamminay hoggaamiyihii Daraawiishta oo ka dhigtay mid uu laabta soo gashaday aadna ugu kalsoon yahay. Arrimahaasi waxay Ismaaciil Mire ku abuureen jacayl uu u qabay hoggaamiyihii Daraawiisheed Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Ismaaciil Mire wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii dagaalka ee Daraawiishtu aadka ugu kalsoonayd guulo badanna soo hooyey. Ismaaciil Mire wuxuu ka mid ahaan jiray ciidankii gaafwareegga ahaan jiray ee Maarraweyn weliba guutadii Shiikhyaale.

Goob kasta oo ay Ingiriiska iyo Daraawiishi isku faro saareen wuxuu ka ahaan jiray abbaanduule ama sarkaal aan maantaas hoggaanka haynin. Wuxuu ahaa gabyaa aad gabaygiisa loo jecel yahay oo gabayga ka dhawra cabbaaraynta iyo wax ka sheegga madaxdiisa. Markuu hoggaamiyaha yahay wuxuu ciidanka u marin jiray gabayo ay jidka ku sii maraan oo guubaabo iyo geesinimo gelin jiray. Ismaaciil Mire intii uu Darwiishka ahaa waxaa gacantiisa soo galay shan faras oo la wada hayo, waxayna kala ahaayeen sidan:

1. Tuurre
2. Looshane
3. Qadawcaleemeed
4. Ina qooqan iyo
5. Qaabbil

Labada faras ee ugu horreeya wuxuu ku sheegay gabayadiisa qaarkood, weliba faraska ugu horreeyaa wuxuu ahaa midkii uu watay markii ay gaalkii Koofil Daraawiishi dishay isna uu abbaanduulaha ahaa. Sida uu faraskaas u tilmaamay wuxuu ahaa midabka Xamarka loo yaqaanno welibana aad u dheereeya. Gabayga Ismaaciil Mire wuu fasaxnaa marka Daraawiish dhexdeeda la joogay, waxaana u fasaxay Sayidka oo ogaa in aanu waxba isku dirayn daacadna uu yahay.

Sida la hubo Ismaaciil Mire wuxuu dhintay sannaddii 1952kii isagoo sagaashanka galay oo wax badan dadkii uu markaa ka mid noqday ku guubaabiyey inay sidii Daraawiish gaalka la dagaallamaan, laakiin dhegehaa laga furaystay in badanna isagaa looga digay inuu gabayada guubaabada ah joojiyo. Waxaa gabayadaas loogu diiddanaa wuxuu ahaa nin caan ahaan jiray oo aad loo yaqaannay dhibna gabayadaas ku mudan kara. Ismaaciil Mire markii Daraawiishi jabtay waxaa lagu xidhay xabsi ku yaallay Berbera wax badanna lagu weydiiyey oo uu Daraawiish ka ogaa, laakiin aanu wax ka sheegin. Ismaaciil Mire intii uu xabsiga ku jiray waxaa la horkeenay rag badan oo uu yaqaannay oo Daraawiish ahaan jiray, laakiin markaa dafirsanaa dhibkii loo geystay dartiis!

Ismaaciil Mire arrintaas wuxuu kaga baxay aammus iyo in uu yidhi ‘’Nin fulay ahi maanta Daraawiish waxba uma aha.’’ Wuxuu kaloo raggaas ku diiddanaa beenta ay sheegeen iyagoo Daraawiish ahaan jiray oo ay beentu xaaraan ka ahayd. Meeriskii uu jawaabtaas kaga baxay wuxuu ahaa ‘’ Daraawiish ninkii soo anbaday eed ka gelimaayo .’’ Mar gaalkii Berbera haysatay xafiiskiisa loogu keenay laguna yidhi dhugo, wuxuu ku jawaabay ‘’Jaahaan Sayidkii ku arkay Joon ku dayimaayo’’.

Gaalka Joon lama odhan jirin ee inuu magac gaal yahay uun buu ogaa. Mar kale ayaa lagu yidhi war salaan oo waxaad ku tidhaahdaa inta loo laqimay ‘’Sir!’’ Kolkaasna wuxuu ku jawaabay ‘’Afkaan Sayidii ku idhi Saab ku odhan maayo.’’ Waxaa kaloo Ismaaciil Mire lagu yidhi salaan ciidan qaad, markaasuu yidhi ‘’Bartaa dhafoorkaa xabbadi kaag dhacday.’’ Askartii ayaa hadalkaa ku qososhay.

Ismaaciil Mire jeelkii waxaa ugu timid naag caddaan ahayd oo Ingiriis ka sii ahayd. Waxay ahayd saxafiyad, waxayna ka qaadday waraysi loo kala afqaaday. Aad ayuu wuxuu uga warbixiyey wixii dagaallo uu galay iyo sidii ay Ingiriis uga adkaadeen. Sida la sheegay wuxuu watay labadii duub ee cadcaddaa iyo ul dheer, waxayna ka qaadday sawir. Xilligaas waxaa lagu sheegaa inay taariikhdu ahayd 1943kii. Markay taariikhdu gaadhay 1952kii ayey naagtii iyadoo London joogta maqashay geerida Ismaaciil Mire waxay sawirkii iyo warbixintii oo isku liqaafan ku soo saartay wargeysyadii berigaas ee London ka soo bixi jiray. Sawirkaasi wuxuu noqday midka keliya ee Darwiishka laga hayo.

09/11/2022

Dhambaal Hambalyo.

Dhammaan hawlwadeennada kala duwan ee Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mire waxa ay hambalyo u dirayaan guddoomoyaha naadiga Marwo Farduus Aadam Maxamuud Farduus Aadan oo maanta difaacatay buuggii gebagebada geedigi waxbarasho ee shahaadada koowaad ee caafimaadka.

Hambalyo guddoomiye.

04/10/2022

Mahadsanid Khaliif Cismaan, waad istaahisha in lagugu maamuuso intan iyo ka badanba.

02/10/2022

Muuqaallo kooban oo ku saabsan wixii laga yidhi Halgamaagii weynaa ee Soomaaliyeed, abbaanduulihii duubcaddii Daraawiisheed ayaanu halkan idinkula wadqagaynaa.

Cabdilaahi Axmed Cawed ( Cabdalle Gaddiid) waxa uu ka mid yahay Qoraayada iyo hawlwadeennada Naadiga Akhriska Ismaaciil Mire waxa uu faallo kooban ka bixinayaa Ismaaciil Mire.

Photos from Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mire's post 30/09/2022

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mire iyo Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil Mire ayaa soo qabanqabaabiyye bandhigga buugga Halgamaagii weynaa, Darwiishkii abbaandulaha ahaa ee Ismaaciil Mire oo uu qoray Axmed Faarax Cali Idaajaa (Alle ha caafiyee). Buuggan oo ka hadlaya suugaantii Darwiishka ayaa waxa lafa guraya abwaanno iyo aqoonyahan ku xeel dheer suugaanta Soomaalida iyo taariikhda duubcaddiu Daraawiisheed.

30/09/2022

Caawa, waxa aynnu u madlannahay bandhiga buugga laga qoray maansooyinka Halgamaagii weynaa ee darwiishka ahaa, Abbaanduulihii mayalka adkaa ee Daraawiisheed, Darwiish Ismaaciil Mire oo uu qoray Axmed Faarax Cali Idaajaa.

Naadigu waxa uu idinku marti qaadayaa madashan qiimaha badan. Hoolka Hotel SKY, salaadda Makhrib kadib.

24/08/2022

Barnaamijkeennii ugu danbeeyay ee bandhiga buuga Wehel jacayl iyo laba jacayl wadaagay ma ka qaybgashay? Kaadhadhkii widhiidhka noqday ma calfatay? Haddii aanad helin muuqaalkan hoose waxa uu kaaga filan yahay nooca barnaamijkii dhacay habeenkaa.

Magaaladeennii Laascaanood ahayd oo jacayl ku lammaan yahay waxa ay idin soo tidhi "Laaska caanaha iyo jacayl waysku lammaan"

LEEGO HD, way mahadsan yihiin.

24/08/2022

Weli ma isweydiisay cida kala xusha ee kala haadisa barnaamijta xulka ah ee Naadiga? Cidda lafdhabarta u ah in ay hirgalaan? Ciidanka cagta fudud ee caqliga saliimka ah iyo xooggaba huray? Dadka deegaanka gashaday wax badan oo aan noole hadda neefsadaa kari karin?

Hoggaanka Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mire Guddoomiye Marwo Farduus Aadan, Guddoomiye kuxigeen Maxamud Nuur iyo Agaasime guud Nasra Xassan waxa ay u mahadcelinayaan hawlwadeennada naadiga ee xalaasha ah sida hagar la'aanta ahna u guta waajibaadkooda shaqo ee ay bulshada iyo deegaankaba u hayaan. Naadigu waxa uu tacab gelinayaa horumarinta aqooneed akhris qoraal iyo tabbabarka dhallinyaro ee hagaajinta hawlaha deegaanka. Tan iyo 2009kii aasaaskii Naadiga shaqada ugu badan ee la qabtay waa in qoraayada dunnida iyo kuwa dalkaba la baro magaalada iyo aqoonta dhallinyaradeeda. Dhawaan waxa uu naadigu idinla wadaagayaa buuggaag taariikheed, sheeko fanneed iyo dhacdooyin kaleba oo aanu qornay.

Hambalyo jallayaal.

Photos from Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mire's post 20/08/2022

Qaybta labaad ee sawirada. Lammaanayaal wada jooga iyo kuwa kala maqan oo farriin jacayla waadagay qaarna isu direen.

Photos from Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mire's post 20/08/2022

Warcelin, Mahadnaq iyo dhacdo Warran!

Xalay waxa magaalada Laascaanood lagu soo bandhigay buuga wehel Jacayl iyo laba Jacayl wadaagay. Buugga waxa qoray Qoraa Cabdisamed Sumcadda oo ka mid dhallinyarada qalinlayda firfircoon. Cabdisamed waxa uu h**e u qoray buuggii Hadyad Jacayl. Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ismaaciil Mire oo Alle SWC suure geliyey in ay kulmaan buugga wehel jacayl, lammaanayasha iyo dadka kala maqaniba waxa yoolashiisa ka mid ah in dhallinyarada lagu dhiirigeliyo horumarinta akhriska, qoraalka iyo kor u qaadista tayada waxbarasho iyo xirfadeed iyada oo lagala qayb qaadanayo soo bandhigista hibbooyinkooda nololeed. Waxa kale oo naadigu u dhisan yahay in waxyaalaha bulshada maskaxdooda nasashada u ah loo qabto loona diyaariyo oo bandhigii xalay ka mid yahay. Jacaylku waa farxad bandhigii xalayna farxad ayaa lagu kala dhaqaaqay.
Waxa aannu u mahadnaqaynaa guud ahaan hawlwadeennadayada si hagar la'aanta ah u soo bilciyay barnaamijka, ka soo qaybgalayaashii xiisaha iyo xamaadda gaarka ah siiyey, lammaanayashii wacdaraha dhigay, maamulka hoolka Casuura, Shirkadaha LEEGO HD iyo SKY PHOTO, kooxda ciyaaraha dhaqanka ee Sool, ciidanka nabadgelyada oo dhammaantood barnaamijka qayb ka ahaa.

Bandhigga oo xalay ka dhacay hotel Casuura waxa ka soo qaybgalay dhallinyarada mawduucan xiisaysa, qoysas jacaylka ka danbeeya iyo mudanayaal kale. Dad kor u dhaafaya 300 oo qof ayaa ay madashu qaabishay. In kasta oo aannu ka cudur daaranayno culayska dadka oo badnaa iyo barnaamijka oo xiiso gooni ah lahaa ka soo qaybgelayaashana badin kari waayey. Waxase muhiim ah in la xuso dhacdooyinkii xiisaha gaarka ah lahaa ee ay soo bandhigeen lammaanayaashii iyo weliba dadkii kala maqnaa ee isu boholyoobay. Laascaanood waa ay gaadhay heerkii laga filayey habeenkan.

Ugu danbayn, waxa uu barnaamijku ku soo idlaaday jawi qurrux badan iyo habeen jacayl la weyneeyay. Ha waaro jacaylku ayaanu leenahay .

Want your school to be the top-listed School/college in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Manhal Street
Laascaanood