22/08/2026
Xil-Magacaabis:
Maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka Agoosto 2026, waxaan magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Sahal ee Laascaanood.
Magacaabistan waxay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hoggaanka, maamulka iyo horumarinta Jaamacadda, si kor loogu qaado tayada waxbarashada iyo adeegga ay u hayso ardayda iyo bulshada.
Waxaan Guddoomiye Ku-xigeenka cusub u rajaynayaa guul, karti iyo hufnaan gudashada masuuliyadda loo igmaday. Waxaan sidoo kale rajaynayaa inuu aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa uga faaβiideeyo horumarka Jaamacadda, isla markaana uu si dhow ula shaqeeyo maamulka, macallimiinta, shaqaalaha iyo ardayda.
Masuuliyaddu waa amaano, hoggaankuna waa adeeg.
Alle ha u fududeeyo xilka iyo waajibaadka loo igmaday, hana ka dhigo mid miro wanaagsan u dhala Jaamacadda Sahal iyo bulshada ay u adeegto.
Hambalyo, hana kuu noqoto xil lagu guulaysto.
Gudoomiyaha Guud Jaamacada Sahal
Eng Mohamed Jama Sahal
20/08/2026
HAMBALYO IYO BOGAADIN
=======================================
Sawirrada Ardayda Kulliyadda School of Health Science, Semester 7, oo uu si rasmi ah ugu soo gabagaboobay Final Examination-kii.
Sahal University waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ardayda dadaalka iyo juhdiga ku bixisay waxbarashadooda.
Waxaan Alle uga baryaynaa guul, natiijo wanaagsan iyo mustaqbal waxbarasho oo wanaagsan.
Hambalyo dhammaan ardayda School of Health Science.
Sahal University
Laascaanood Campus.SahalUniversity
fans
19/08/2026
HAMBALYO IYO BOGAADIN
=======================================
Sawirrada Ardayda Kulliyadda School of Health Science, Semester 9, oo uu si rasmi ah ugu soo gabagaboobay Final Examination-kii.
Sahal University waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ardayda dadaalka iyo juhdiga ku bixisay waxbarashadooda.
Waxaan Alle uga baryaynaa guul, natiijo wanaagsan iyo mustaqbal waxbarasho oo wanaagsan.
Hambalyo dhammaan ardayda School of Health Science.
Sahal University
Laascaanood Campus.SahalUniversity
15/08/2026
Sahal University Laascaanood waxay hambalyo u diraysaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda reer Waqooyi Bari ee ku guulaysatay imtixaanka Fasalka Afraad ee Dugsiyada Sare.
Jaamacaddu waxay ardayda ku boorrinaysaa inay sii wataan dadaalkooda waxbarasho, waxayna u diyaarisay hagid iyo la-talin ka caawinaysa doorashada kulliyadda iyo takhasuska ku habboon.
Sahal University waxay bixisaa waxbarasho tayo leh iyo barnaamijyo cusub oo la jaanqaadaya baahiyaha suuqa shaqada.
Diwaan galintu waa Furantahay
Xafiiska Diwaanka Ardayda
0634683504
0634494330
0906717547
09/08/2026
Sahal University - Lasanod Campus
waxay qabanqaabinaysaa tababar Ku Saabsan
βIntegrated Management of Acute Malnutrition (IMAM)β
Tababarku wuxuu diiradda saarayaa fahamka iyo maaraynta SAM iyo MAM, MUAC, appetite test, OTP, SC, TSF iyo xirfadaha muhiimka ah ee maaraynta nafaqo-darrada.
Tababarka waxaa bixinaya:Mohamed Mohamoud Ali MSc Nutrition Specialist
Training kan waxaa Ka faaidaysan kara
Ardayda jaamacaddaha
Iyo Cidkasta Oo Danaynaysa
βGoobta: Sahal University, Lasanod
βMuddada: 7 Maalmood
βWaxa uu bilabanayaa 15 Aug 2026
Wixii Faahfaahin ah kala xiririr
0634494330
0634497279
Halkan kaga Soo Biir Group ka Jaamacadda
https://chat.whatsapp.com/KNNTwjSuJ3wHLEhfxzusma?s=cl&p=a&ilr=4
02/08/2026
Jaamacadda Sahal University - Lasanod Campus Ayaa Xalay Ka Qayb Galay Bandhiga Buugga Muranka Xuduudaha Ee Uu Qoray Dr Markus.
Maamulka Jaamacad Sahal ayaa Balan Qaaday Buugaag Intii Madashu Socotay
Alla Mahadle
fans
30/07/2026
Sawirada Qaybtii 1aad Ardayda Jaamacadda Sahal Campus yada Magalada Lasanod Oo Si Wayn Ugu Diyaar Garoobay Xuska Sanad Guurada Kasoo Wareegtay Dhismaha Maamulka Waqooyi Bari
29/07/2026
π Goobaha Waxbarashada
Waxaad si fudud isaga qori kartaa Labada Campus ee ay Jaamacadda Sahal ku leedahay magaalada Laascaanood.
π Is-diwaangeli Haddaba (REGISTER NOW)!
Si aad u xaqiijiso kursigaaga, nagala soo xiriir lambaradan hoos ku xusan ama nagala soco baraha bulshada:
π± +252 63 4497279
π± +252 90 6717547
π Facebook/Social Media: University
Ha moogaan fursaddan naadirka ah β Sahal waa Jidka Guusha iyo Aqoonta!