Gateway Schools

Gateway Schools

Share

Education is powerful

05/05/2026

Iskuullada Gateway oo Soo Dhaweeyey Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Waqooyi Bari Soomaaliya

Maamulka Iskuullada Gateway waxa uu si kal iyo laab ah u soo dhaweynayaa Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Mukhtar Mohamed Culujoog,

Waxaan ku hambalyaynaynaa kalsoonida lagu siiyey hoggaaminta Wasaaradda, anagoo ku faraxsan in uu yahay shaqsi muddo dheer ka tirsanaa bahda waxbarashada, isla markaana si qoto dheer u fahamsan baahiyaha dhabta ah ee ardayda, macallimiinta, iyo guud ahaan nidaamka waxbarasho.

Maamulka Iskuullada Gateway waxa uu diyaar u yahay wada-shaqayn dhow oo miro dhal ah, si loo xoojiyo tayada waxbarashada, loona gaaro horumar waara oo ka hirgala guud ahaan Waqooyi Bari Soomaaliya.

Ugu dambayn, waxaan u rajaynaynaa Agaasimaha cusub guul, horumar, iyo inuu Alle ku garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

03/10/2025
Photos from Gateway Schools's post 27/09/2025

Sawiro: Xafladda Abaal marinta Ardaydii Kaalmaha sare ka gashay Dawlad Goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya

Photos from Gateway Schools's post 27/09/2025

Xafladii Abaal marinta ardaydii kaalmaha sare ka gashay imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Fasalka 8aad ee Dawlad Goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya.

Iskuulka Gateway waxa uu ku maamuusay ardayda waxbarasho bilaash ah oo afarta sano ee dugsiga sare ah, Laabtoobyo, Manhajkoodii oo dhamaystiran, Lacag iyo shahaado sharafyo.
Waxaan u rajaynayaa mustaqbal ifiya iyo horumar.

17/09/2025

📢 OGAYSIIS MUHIIM AH

Waxaa la ogeysiinayaa bulshada waxbarashada iyo cid kasta oo danaynaysa in uu buuxiyo booskaas macallinnimo ee Physics-ka and Maths-ka.

Cidii danaynaysa, fadlan la soo xidhiidh maamulka iskuulka Gateway, ama keen codsigaaga iyo CV-gaaga Xarunta Dugsiga Sare ee Gateway ugu dambayn [20/9/2025].

Iskuulka Gateway wuxuu dhiirrigeliyaa waxbarashada tayada leh, wuxuuna soo dhawaynayaa macallimiin karti iyo himilo leh.
Allaa Mahad leh.
Mahadsanidiin..

03/09/2025

Maamulka guud ee iskuulada Gateway oo ka hadlay iskuulka Gateway Qaybtiisa shacabka, soo dhaweeyey furitaanka Iskuulka, kana jawaabay baahidii ay xaafadu u qabtay in looga furo iskuulka.

03/09/2025

OGEYSIIS MUHIIM AH

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan bulshada ku nool Caasimadda Laascaanood, iyo guud ahaan bahda jecel waxbarashada, in Dugsiga Gateway laga furay Xaafadda Shacabka.

Iskuulkan wuxuu ku yaal meel u dhow Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Is diiwaangelinta ardayda waxay si rasmi ah uga socotaa xarunta iskuulka

Faahfaahinta iyo wixii warbixin ah, fadlan kala xidhiidh

Maamulaha Dugsiga Gateway – Xaafadda Shacabka
Tel: 0634921543 ama 0906878787

21/08/2025

Maamulka guud ee iskuulada Gateway ayaa fariin hambalyo ah u diray dhaman 10-kii kaalmood ee ugu sareeyey Dawlad Goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya, garaah waxay hambalyo iyo bogaadin u direen Maamulayaasha Iskuulada Gateway, Macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta.

Dhamaan bahda Gateway waxaan u rajaynaynaa guulo kaloo fara badan.

Photos from Gateway Schools's post 21/08/2025

Alxamdulillaah.. Alxamdulillaah.....
HAMBALYO....HAMBALYO....

Maamulka guud ee iskuulada Gateway wuxu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ardaydii kaalmaha sare ka gashay imtixaankii Shahaadiga ahaa ee fasalka 8aad ee Dawlad Goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya, maaha markii kowaad ee uu iskuulku kaalmahan galo.

Waxbarashadu waa furaha guusha, Gateway-na waa gacanta kuu furaysa.
Guushu maaha dhacdo, waa dadaal joogto ah, ardayduna waa hanti, Gateway-na waa hagaha hantidaas."

Macalimiinta qaaliga ah ee Gateway:-
Macalimiin dadaalkiinu waa iftiin aan damayn. Samir iyo dulqaad ayaad u hurtaan carruurta, mustaqbalka iyo ummadda. Waxaan rabaa inaad ogaataan in bulshada oo idil ay aragto, dareemayso oo qadarinayso dadaalkiina.

Maamuleyaasha sharafta leh ee Gateway :-
Maamulayaal hoggaamintiina iyo qorshihiina joogtada ah waxay noo caddaynaysaa in marka madaxda iyo macalimiintu isku duubnaadaan, guusha ay noqoto mid dhab ah oo joogtaa mahadsanidiin Maamulayaal.

Ardayda geesiyaasha ee Gateway:-
Ardaydayada qaaliga ah, guusha aad gaadheen sanadkan waa mid ka tarjumaysa dadaalkiina adag, go’aankiina adkaysiga leh iyo rabitaankiina aqoonta. Kaalmaha aad ka gashaan imtixaannada Dawlad Goboleedka Waqooyi-Bari waxay caddeynaysaa in dadaalka iyo dulqaadka ay mar walba keenaan guul.

Waalidiinta Gateway garabka guusha:-
Waalid sharafta leh, kaalintiinu waa mid aan la qiyaasi karin. Taageeradiina joogtada ah, hagitaankiina aqooneed iyo dhiirrigelinta aad siiseen carruurtiina ayaa sabab u noqotay guulaha maanta.

Gateway Schools wuxu sii adkaynayaa ballanqaadkiisa ah:-
“Inaan soo saarno arday aqoon iyo akhlaaq leh, himilo sare leh, karti iyo hufnaan leh, kuna diyaarsan inay u horseedaan isbeddel wax ku ool ah oo ka dhex hirgala bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Dawlad Goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya.

Mahadsanidiin Dhamaantiin...

13/06/2025

Maamulka, macallimiinta iyo dhamaan bahda Dugsiyada GATEWAY waxay Ardayda dugsiga, SSC-Khaatumo iyo dhamaan ardayda soomaaliyeed ee berri u fadhiisanaysa imtaxaanka shahaadiga ah u rajaynayaan GUUL.

Want your school to be the top-listed School/college in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Laascaanood