Dugsiga hoose dhexe ee degmada Dabataag.
Dabataag Primary and intermediate School
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dabataag Primary and intermediate School, Elementary School, Dabatag, Laascaanood.
Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Magaalada Dabataag Waxa Aad Ka helaysaa Macallimiin Aqoon iyo khibrad fiican leh WAALIDKA IYO DHAMMAAN DAD WEYNAHA UBADKOODKA LAJECEL WAXBARASHADA FADLAN H**E UGEE ILMAHA DUGSIG
QUDBADA MAAMULAHA DUGSIGA DEGMADA DABATAAG Mohamed Abdirisak Hussein
Baahiyaha kajira Dugsiga hoose dhexe ee Dabataag
1➡️Dhismaha oo aan dugsiga ku filnayn hawlaha waxbarashada iyo ardeyda.
2➡️Agabka waxbarashada iyo xafiiska oo kooban isla markaana aan daboolin baabkhaba ardeyda iyo shaqada.
3➡️Macallimiinta oo aan ku filnayn dugsiga loona baahi qabo macallimiin tayo sare keh.
4➡️Korontada taaso muhiim u ah waxbarashada casriga ah iyo adeegyada xafiiska dugsiga
6➡️Xuquuqda ay ku shaqayn lahaayeen macallimiinta ka hawl gasha dugsiga si ay ugu gutaan shaqadooda jawi dhiirranaan leh.
7➡️Dadka danyarta ah iyo agoomaha ee aan awoodin waxbarashada in laga garab istaago.
Sidookale waxaan halkan uga mahadcelineynaa qurbajoogta deegaanka oo ka qayb qaata horumarinta waxbarashada ardeyda iyo guud ahaan deegaanka , waxaanuna ka codsanaynaa waxqabado dheeraada.
Ugu dambeyn waxaan halkan mahadnaq ballaadhan uga jeedineynaa maamulihii h**e ee dugsiga mudane Feisal Abdi Yusuf oo dugsigan meel fiican soo gaadhsiiyey xil weyna iska saarey sidii uu udejin lahaa system kii lagu wada shaqayn lahaa guud ahaan bulshada iyo bahda waxbarashada taaso sahashay in waxbarashadu kor ukacdo waqti kooban.
05/09/2025
Sawiro: Xaflada dhiirrigelinta ardeyda kaalma sare ka galay imtixaanka sannad dugsiyeedka 2024/2025 ee Dugsiga Degmada Dabataag.
Hambalyo
Muuqaal: Xafladda abaalmarinta ardeyda kaalmaha h**e ka gashay Imtixaanka sannad dugsiyeedka 2024/2025 ee dugsiga degmada Dabataag .
Bulshada deegaanka ayaa door weyn ka qaatay qaban qaabada xafladda iyo dhiirrigelinta ardayda.
01/09/2025
HAMBALYO IYO DHIIRIGELIN
Anigoo ku hadlaya magaca maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Dabataag, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda sannad dugsiyeedkan ku guuleystay imtixaannadii, gaar ahaan 10-ka arday ee ugu sarreeyay natiijada.
Waxaad tihiin iftiinka mustaqbalka iyo hormuudka bulshada. Guusha aad gaadheen maanta waa mid ku timid dadaalkiinna, kartidiinna iyo adkaysigiinna. Waxaan idiin rajaynayaa inaad halkii ka sii waddaan, oo aad gaadhaan heerar waxbarasho oo ka sarreeya, si aad uga qayb qaadataan horumarinta bulshada iyo dalkaba.
Waxaan sidoo kale dhiirigelinayaa ardayda kale inay ku daydaan dadaalka iyo guusha ay saaxiibadood gaadheen, isla markaana ay xoogga saaraan waxbarashada, maadaama ay tahay furaha nolosha wanaagsan iyo mustaqbalka ifaya.
Hambalyo mar kale, guul iyo barwaaqo ayaan idiin rajaynayaa dhammaan ardayda Dugsiga Dabataag.
31/08/2025
Waxaan ku wargelinaynaa waalidiinta, ardayda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan in Dugsiga hoose dhexe ee Dabataag uu qaban doono xaflad abaalmarin ah oo lagu maamuusayo ardayda kaalmaha sare ka galay imtixaanka sanad-dugsiyeedka 2024–2025.
Xafladdu waxay ka dhici doontaa xarunta dugsiga, maalinta Khamiista, 04/09/2025, saacadda 4:00 Galabnimo.
Waxaa si sharaf leh lagu martiqaadayaa dhammaan waalidiinta iyo bulshada deegaanka inay kasoo qaybgalaan munaasabaddan muhiimka ah.
Waxaa soo saaray:
Maamulka Dugsiga Dabataag Primary & Intermediate School MD Mohmed Abdirisaaaq Xuseen
12/04/2025
Laascaanood, 12-April-2025.
Kulanka Xadhig Ka Jarka Xafiiska Shahaadoyinka.
Wasiirka Wasaaradda Waxabarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee JFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Maanta Xadhiga ka Jaray Xafiiska Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Maamulka SSC Khatumo, Kulankan waxaa ku weheliyey wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo biyaha, Abdullahi warsame bidhaan, Wasiiru dowlaha xafiiska Ra'isul wasaaraha, Xirsi jamac gaani, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada SSC Khatumo, Cabdixakiim Jaamac Dalmar.
Dabataag Primary and intermediate School
28/02/2025
Maamulka Dugsiga Dabataag Primary and intermediate Schooll,waxa uu ugu hambalyeynayaa macallimiinta , waalidka ardeyda & shacabka Degmada Dabataag-ba
Curashada Bisha Barakeysan Ee Ramadaanta
04/02/2025
HAMBALYO IYO BOGAADIN
Ku: 10-ka Arday ee ugu Sarreeya Dugsiga Dhexe ee Dabataag
Ka: Maamulka Dugsiga Hoose/Dhexe ee Dabataag
Dugsiga Hoose/Dhexe ee Dabataag wuxuu si kal iyo laab ah hambalyo iyo bogaadin u dirayaa 10-ka arday ee ugu sareeyay fasalada dugsiga dhexe, kuwaas oo dadaal, karti, iyo hufnaan ku muteystay guusha ay gaareen.
Guushiinnu waa sharaf u soo hoyatay idinka, waalidkiinna, iyo guud ahaan bulshadeenna. Waxaad tihiin tusaale wanaagsan oo ay ardayda kale ku dayan karaan. Maamulka iyo macallimiintu waxay idinku dhiirrigelinayaan inaad dadaalkiinna sii laba-jibaartaan, si aad u noqotaan hogaamiyaal aqooneed oo mustaqbal ifaya leh.
Waxaan idin leenahay: Hambalyo! Guul iyo horumar ayaa idiin rajeynaynaa, hana daalina!
Maamulka Dugsiga Hoose/Dhexe ee Dabataag
09/01/2025
Dabataag Primary and Intermediate School
Taariikh: 09-01-2025
War-Saxaafadeed: Gabagabada Imtixaanka Teeramka
Maamulka iyo macallimiinta Iskuulka Dabataag Primary iyo Intermediate School waxay halkan ku cadeynayaan in maanta uu si guul leh kusoo dhammaaday imtixaankii teeramka ee ardayda iskuulka. Waxaan hambalyo diirran u diraynaa dhammaan ardayda dadaalka badan ee ka qaybqaatay imtixaanka, anagoo u rajeynayna guul iyo horumar joogto ah.
Sidoo kale, maamulka iskuulka wuxuu ardayda ogeysiinayaa inay dib ugu soo laaban doonaan fasallada maalinta 01-da bisha Febraayo 2025, si loogu sii wado waxbarashada.
Waxaan mar kale ku boorinaynaa ardayda iyo waalidiintoodaba inay sii wadaan dadaalka iyo ka go’naanta waxbarashada, si loo gaaro natiijooyin wanaagsan oo ay ku faanaan.
Maamulka Iskuulka
Dabataag Primary and Intermediate School
21/11/2024
Maalinta macallinka soomaaliyeed awgeed Dugsiga Hoose/dhexe Ee Dabataag waxa uu hambalyo udirayaa dhammaan macallimiinta soomaaliyeed oo loo asteeyey maanta oo kale 21-ka Nofeembar in la xuso lana xusuusto kaalinta weyn ee ay bulshada kaga jiraan.
Maalintan oo muhiimad gaar ah leh, waxaa lagu weynaynayaa kaalinta lama illaawaanka ah ee macallimiintu ku leeyihiin nolosha bulshada iyo horumarinta dalka.
Maamulka Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Dabataag waxa uu u mahadcelinayaa dhammaan macallimiinta, kuwaas oo naftooda u huray iftiiminta mustaqbalka ardayda.
Dadaalkiinna iyo nafhurnimada ad muujiseen, waa mid aad ku ammaanan tihiin Dugsiguna uu idinkaga mahadcelinayo.
MAHADSANIDIIN
HAMBALYO
MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Dabatag
Laascaanood