SSC Post

SSC Post

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from SSC Post, Education, Main Road LA, Laascaanood.

04/10/2025

Shirkadaha ka shaqeeya DGWB Somalia waxaa xaq sharci ah loogu leeyahay oo keliya wixii cashuur ah ee ku waajibtay.

Ma aha sax in shirkado cashuur bixiyayaal ah ay xidhnaadaan oo weliba aan WAARAN maxakamadeed lagu xidhin, taas bedelkeeda lagu xidhay amar shaqsi ah ama digreeto madaxweyne.

Sharci waa sharci wixii ka soo hadhayna waa sharci daro.

11/09/2025

😂

16/07/2025

Maanta oo ay taariikhdu tahay 16 july 2025 Waxaa magaaladda lagu soo dhamaystiray Ergadda ka qayb gelaysa dhisidda dawlad goboleed cusub.
Ergadaas oo ka koobnayd guud ahaan 301 ergay ayaa loo qaybsaday sidan soo socota

1. Siciid Harti. 138
2. Maxamuud harti. 135
3. Fiqishini. 19
4. Axmed harti. 2
5. Siwaaq roon. 4
6. Kaskii Qabe. 2
7. Madhibaan. 2
8. Geri. 3
9. Dir. 1
10. Ogayslabe. 4

12/07/2025

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dawlad goboleedka oo hadda warbaahinta la hadlay.

12/07/2025

Shirweynaha loogu dhisayo dawlad goboleed ay ku midaysan yihiin bulshadda ku dhaqan goboladda SOOL, SANAAG iyo TOGDHEER ayaa maanta furitaan-kiisii dib u dhacay.

Dibudhacaas baa lagu sababeeyay inay la xidhiidho arimo farsamo oo ku saabsan turxaan bixinta dhanacyadda mucaaradka oo hadda gabogabo ku dhow.

Waxaa la rajaynayaa beri oo axad ah taariikhduna ku beegan tahay 13 July 2025 inuu si rasmi ah u furmo shirwaynahaasi.

SSC Post

11/07/2025

: Baarlamaanka SSCKH oo goordhoweyd u fadhiistay kulan aan caadi ahayn ayaa soo saaray go'aano masiiri ah oo ay kamid tahay in shirka Dhamaystirka SSC uu yahay mid sharci ah.

Go'aanada Goluhu soo saaray:

1- in Doorashada xiligeedii lagu qabto.

2-In Hay'adaha Dawladuna ay shaqaynayaa inta Laga Soo dhisayo Dawladii bedelo lahayd.

3-In shirka lagu dhaymaystirayo SSC-khatumo uu yahay Sharci Baarlamankuna uu taageeero.

SSC Post

01/01/2024

Heshiiska damaca guracan ee Itoobiya ku dooonayso dhul iyo bad ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyey dareenka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed, waana mid mudan in aan la dhayalsan khatarta ka dhalankarta haddii lagu soo xadgudbo madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Heshiiskan waxa uu baal marsan yahay shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah iyo kan midwoga afrika, waxa uuna dhaawac ku yahay wadajirka iyo xasilloonida dalalka gobolka, sidaas awgeed waxaan caddaynaynaa in cid kasta oo ku lug leh ay ka galeyso taariikhda baal madoow, qaadanaysana masuuliyadda cawaaqib xumida ka dhalan karta.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantowdo damacaan gurracan oo wiiqaya heshiisyadii is-dhexgalka bulsho iyo iskaashiga heer gobol, kaas oo ay aas-aas u ahayd ilaalinta madaxbannaanida iyo dowladnimada shucuubta gobolka, si waafaqsan xeerarka gaarka u ah dal kasta iyo shuruucda caalamiga ah.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay degdeg ugu istaagaan gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan xadgudubka ka dhanka madax-bannaanida iyo gobanimada dalkeenna, anigoo xasuusinaya guushii aynu ka gaarnay kiiskii dacwadda Badda ee nagala dhexeeyey Kenya uu saldhig u ahaa qaraarkii dhaxal-reeb ee uu soo saaray Baarlamaankii 8-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh waxaa waajib ku ah ilaalinta midnimada dhuleed, badeed iyo umadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la dhawrayaa go’aammada masiiriga ah iyo tallaabooyinka qaran ee u qalma jiilasheenna danbe.

Dadka Soomaaliyeed, shacab iyo masuuliyiinba waxaan ugu baaqayaa in aynu u midowno qadiyaddan halista ah, innagoo meel iska dhigayna kala fikir duwanaanshaha iyo khilaafkasta oo dhexdeenna ah. Una midowno ilaalita badeenna, dhulkeenna iyo ummaddeenna.

Mohamed Abdullahi Farmaajo

Photos from SSC Post's post 01/01/2024

Waa wax lala yaabo aadna looga xumaado ficilka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia kaas oo xadgudub cad ku ah Qaranimada Soomaalliyeed sidoo kalena xasillooni darro ka abuuraya Gobolka Geeska Afrika.

Ilaalinta Gobonimada iyo Siyaadada Qaranka Soomaaliyeed waa Mas’uuliyad Dastuuri ah oo Dadka Soomaaliyeed ay u Wakiisheen Dowladdooda.

Ficil kasta oo halis galinaya mabaadi’daas waa in dowladdu ka qaaddo talaabo cad oo u dhiganta falka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia.

Go’aannada masiiriga ah ee taabanaya Madaxbanaanida Qaranka waa in aan meel uga soo wada jeesanno isla markaana ka hortagno damaca Ethiopia ay ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya taas oo ah dhaxal ay leeyihiin ubadkeennu.

Waxaan rajeynayaa in Xukuumaddu ay qaadato go’aan u qalma ficilka xadgudubka ah ee kasoo yeeray Adis-ababa.
Dadka Soomaaliyeed waxaan u rajeynayaa in ay muujiyaan isku duubni xilligan adag.

Mohamed Hussein Roble

Wabillaahi Towfiiq

01/01/2024

Warqadan waxay kasoo baxday xafiiska Raisalwasaraha Ethopia sidaan ayayna u qorantahay .erayada la deegsaday si fiican u dhuux.🇸🇴🇸🇴🇸🇴💪💪

👉🏾Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis taariikhi ah.

Heshiiska iskaashiga iyo ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Somaliland, ayaa loogu talagalay in uu noqdo qaab-dhismeedka iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dhinac.

Heshiiska is-afgaradku waxa uu u gogol xaarayaa in la xaqiijiyo hamiga Itoobiya ee ku aaddan sugidda gelitaanka badda iyo kala-duwanaanshaha dekedaha.

Waxa kale oo ay xoojinaysaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Intaa waxaa dheer, Heshiiska Is-afgaradku wuxuu sidoo kale tilmaamayaa waddada lagu xoojinayo xiriirkooda siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed.

Heshiiska Is-afgaradku wuxuu dib u xaqiijinayaa mawqifka mabda'a ah ee Dawladda Itoobiya si loo horumariyo danaha labada dhinac iyada oo loo marayo iskaashi ku salaysan is-dhaafsi.

Heshiiska Is-afgaradku waxa uu keenayaa cutub cusub oo wada shaqayn ah oo muhiimad wayn u leh is dhexgalka gobolka ee geeska. Waxa kale oo ay Itoobiya u sahlaysaa in ay kor u qaado doorkeeda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo ammaanka gobolka.

01/01/2024

Maamulka Abiy Axmad ee dawladda Itoobiya wuxa uu ku xadgudbay gobanimada iyo madaxbannaanida qaranka Soomaaliya. Wuxuu kaloo ku xadgudbay xeerarka Qaramada Midooobay, Midowga Afrika iyo urur Gobaleedka IGAD oo dhamaantood adkeynaya dhowridda madaxbannaanida iyo gobanimada dawladaha xubnaha ka ah ururrudaas.

Anigoo ku kalsoon in laanta fulinta, labada aqal ee Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliya ay ka bixin doonaan jawaab u qalanta xadgudubka maamulka Abiy Axmad, ayaan waxaan adkaynayaa in daqiiqadani ay tahay tii midnimada iyo wadajirka lagu wajihi lahaa halista qaran iyo damaca gurracan ee Itoobiya.

Hadalladii hanjabaadda ahaa ee maalmihii danbe ka soo baxayey Raysalwasaaraha Itoobiya waxay ahaayeen kuwo walwal leh, tilaabta uu maanta qaaday ee qar iska tuurka ahna waa mid halis ku ah deris wanaagga labada dal, gobolkana u horseedaysa xasilooni darri.

Abdirahman Abdishakur Warsame

Want your school to be the top-listed School/college in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Main Road LA
Laascaanood
NA