Madasha Akhriska ee Dhigaal

Madasha Akhriska ee Dhigaal

Share

Madasha Akhriska ee Dhigaal, waa madal u aasaasan kobcinta iyo horumarinta akhriska. Sidoo kale, mad

11/12/2022

Soo koobidda buugga : Hantida Qaramada

Buugga: Hantida Qaramada
Qoraaga : Adam Smith
Turjume : Mustafe sharmaarke

Adam Smith
Adam Smith waxa uu ku dhashay deegaanka Kirkclady oo ku yaalla xeebta bari ee waddanka Scotland, sannadkii 1723. Wuxuu ka soo qalijabiyey dugsiga deegaankaas oo uu naxwaha luuqadda ka bartay , ka dibna wuxuu ku biirey Jaamacadda Glaskow , waxaana halkaa macalin ugu noqday barafasoor Francis Hutcheson oo jaamacadda ka dhigi jirey Falsafadda Damiirka , ahaana aabbihii falsafadda reer Scotland. Sannadkii 1740 wuxuu ku guuleystay deeq waxbarasho ee Snell Exhibilition ee Balliol College Oxford. 1746 ayuu dhammmeystay waxbarashadii Oxford , laba sannadood ka dibna wuxuu jaamacadda Glaskow u yimid khudbado uu bixinayey oo ku saabsanaa “ tayaxumada gudbinta hadalka ama suugaanta iyo tayawannaagga gudbinta suugaanta “ Arrimahaas oo Smith u arkayeykuna dooday hababka madaniga ah ee bulsho meel wada taalla ay wax isugu gudbiyaan. Khudbadahaasi waxay ahaayeen kuwii lagu bartay Aadam Smith magaciisa, 1751 waxa Smith loo doortay barafasoorka maaddada fekerka iyo suuragalnimada ee jaamacadda Glaskow , wixii intaa ka danbeeyeyna wuxuu wax ka beddelay aragtiyihii barafasoor Hutcheson ee Falsafadda Damiirka. Simth wuxuu halkaas joogay ilaa 1763.

Sannadkii 1764 ayuu iskaga tagay shaqadii barafasoornimada oo uu u safray waddanka Faransiiska , halkaas oo uu kula kulmay xeeldheerayaal falsafadda ah iyo mutacallimiin kale. Faransiiska ayay ahayd halkii koowaad ee uu kaga hawlgalay qorista aragtida “Hantida Qaramada “. Sannadkii 1777 Smith wuxuu toos u degay Edinburgh , wuxuu xubin ka noqday guddida cashuuraha ee deegaankaas . sannadkii 1787 waxaa loo magacaabay guddoomiyaha jaamacadda Glaskow oo ku taalla Scotland ahna mid ka mid ah jaamacaddaha ugu wanaagsan uguna caansan dunida. Smith wuxuu ku geeriyooday deegaanka Edinburgh taariikhdu markay ahayd 17 July 1790. Adam Smith waxa uu ahaa shkhsi ka mid ah kuwii ugu saaameynta badnaa fekerka iinsaanka , gaar ahaan arrimaha sayniska bulshada. Wuxuu allifay fekerka suuqa xorta ah ama nidaam dhaqaaleedka hantigoosadka , oo maanta dunida si xooggan uga hanaqaaday. Smith wuxuu wax badan ku darsaday falsafadaha dhaqaalaha , anshaxa, damiisrka, akhlaaqda , sharciga , siyaasadda iyo dawladnimada.
Hordhac

Daabacaaddani waa mid ugu asalsan , uguna ballaadhan dhinaca dhaqandhaqaaleed , caqliyeed iyo xaqiiqraadineed marka la barbardhiggo daabacaadihii ka horreeyey oo ahaa qaar aan tayo fiicnayan isla markaana aan mel ku urursanayn oo ilaa shan buug oo kala googo’an ahaa. Shantaas buug oo sharraxaad ballaadhan oo caqlisarreyna ku samaynaya hay’aadka bulshada iyo dhibaatooyinka dhaqandhaqaaleed ee dadka.

Arrinta oo looga dan leeyahay in kor loo qaado daraasaadka dhaqaaleed oo la abuuro mawjado raadinaya mashaakilkeena nafeeed iyo kuweena bulsheed. Buugga kooowaad wuxuu ku saabsan yahay Kalxadaynta shaqaalaha , kuwaas oo ka kooban mulkiilayaasha hantida maguuraanka ah, muruqmaalka , xoogsatada iyo hantiile , oo isku darka shaqooyinkoodu yihiin awoodda dhaqaajisa nidaamka horumarka dhaqaalaha.
Buugga labaad wuxuu khuseeyaa koruqaadista hawlaha ama sii kordhinta shaqada , oo macnaheeda dhaqaale ahaan noqonayo “ shaqaale waxsoosaar leh iyo mid aan waxsoosaar lahayn, tayaynta anashaxa shaqaalaha iyo yaraynta tiradalaga maarmi karo” macnaha tirada ugu habboon ee shaqada qaban karta iyo tayada ugu sarreysa. Isku darka labadan buug ayuu Adam Smith ku qeexay “ Hantida dhabta ah ee Qaranku uu lee yahay”.

Buugga saddexaad wuxuu koobayaa xidhiidhka sooyaaleed iyo ka juqraafi ee ka dhexeeya degmada iyo qaranka , gaara ahaan bilowgii yeeelashada hantida gaarka ah ilaa qarniyaddii dhexe . Smith halkan wuxuu hoosta kaga xariiqayaa xidhiidh nooceeya ayaa ka dhexeeya hay’aadka sharci dejinta iyo fulinta kuwaaas oo xukuma difaacana bulshada iyo xorriyadada shakhsiga ah aasaas u ah dhaqaajinta horuarka dhaqaalaha?

Bulshadu ma inay xukunka u hogaansanaataa mise inay danteeda u hogaansanaato? Yaa yeelanaya mudnaanta dheefta waxsoosarka qaranka? Haddii ay dawladdu yeelato xukunka, sharcidejinta, suuqa , ganacsiga , qaybinta adeegga iyo waxsoosaarka intaba , miyeyna suuragal ahayn in si fudud ay koox shufto ahi u maroorsato xukunka ummadda , awoodahaas dhanna u isticmaasho dahanooda baas? Xidhiidh caynkee ah ayaa ka dhexeeya dawladda iyo bulshada xorta ah?
Buugga afraad wuxuu si heer sare ah u naqdinayaa labada nidaam ee Meerkantaliisiyada ( Mercantalism ) iyo Fisiyoograasiyada( Physiocracy ). Sida caadiga ahna ku saabsan ganacsiga oo qudha oo ahaa nidaamyo siyaasadda dhaqaalaha ku saabsanaa kuwaasoo gaboobay.

Buugga shanaad waa midka ugu dhumucda weyn, wuxuuna ka hadlayaa doorka iyo waajibaadka ay dawladdu ku leedahay bulshada xorta ah. Buuggan wuxuu Smith dood ka keenayaa habsharciyeedka kharashaadka dawladda , macnaha dhabta ah ee dakhli ururinta iyo naqdinta sarreysa oo uu ku samaynayo daymaha dawladda , daynta dawladdu ha qaadato , cid ha siiso ama shuruucda lagu kala qaadanayo ha samayso’e – cidda gacanta ku qabanayso ama maamulaysa kharashaadka dawladda , daymaha iyo dakhliga wuxuu ku sheegayaa inay noqdaan saraakiil helaya mushaharaad iyo gunooyin ku filan noloshooda , ha ahaadaan saraakiisha fulinta ee soo ururinaysa, kuwa caddaalaadda iyo saraakiisha sida maalinlaha ah farsamo ahaan u socodsiinaysa shaqooyinka hay’aadka dawladda.

kuwaaas oo xaalaadaha qaar ay tahay inay ku jiraan saraakiil aqoon ahaan iyo farsamo ahaanba u dhisan oo keliya aan farsamo ahaan uun u dhisnayn. Dakhliga bulshada ay dawladdu ka ururinaysaa waa inay gashaa xero bangi oo ay maamulayan dad dhisan anshax ahaan , aqoon ahaan, akhlaaq ahaan iyo mushahar ahaanba. Mushahar baahidooda dabooli kara ay helaan marka loo eego nolosha dalkooda baahida taal ee qofku uu khasab ugu aahan yahay helistooda. Mushahar baahidaas u qabanaya waa inay helaan si aanay u lumin dakhligaa la ururiyey isla markaana waa inay aqoon yeeshaan , si meelaha adeegga loogu talagalay ay u qabtaan.

1: kalaxadaynta shaqaalaha

Koruqaadista horumarinta awoodda waxsoosaarka iyo awoodda qabashada adeega ee uu shaqaale yeelan karo iyo shayga ugu mudan ee xirfadda shaqaalaha, kobcinta aqoonta iyo waliba garsoorka kala xulashada shaqaalaha oo meel walba laga hirgaliyey, waxa sal u ah “Kala-xadaynta shaqaalah”
Kalaxadaynta shaqaaluhu waa aragti dhaqaaleed oo uu lahaa Adam Smit, oo ah in shaqaalaha loo kalaxadeeyo ama loo kala sooco qaybo-qaybo. Qaybhaas oo qayb waliba ay isugu xidhan tahaysida ay u yihiin isku khibrad, isku aqoon ama isku xirfad. Taas oo qayb walba loo dhiibo qayb gaar ah oo shaqada ka mid ah oo la xidhiidha aqoontooda, khibradooda ama xirfadooda. Wuxuu Adam Smith u arkayey in shaqadu ay sidan ku dhakhso badan tahay, kuna waxsoosaar badan tahay, kuna hawl yar tahay, kuna dheef badan yahay.

2 : Seeska kalaxadaynta shaqaalaha
Kalaxadaynta shaqaalaha oo aadanaha u keenta horumar badani ma’ahayn xikmad guud ii iinsaanimo , taas oo mar h**e lagu sii ogaaday baahida arrintan loo qabo iyo faa’idooyinkeeda. Se waxay ahayd arrin lama huraan noqotay markii la dareemay sida baahida loogu qabo in lakalaxadeeyo shaqaalaha, waxaana sababta u weyni ahayd abuurka iinsaanka asalkeeda uu ku jiro inay dhan u badan yihiin oo ayna wax walba ku wanaagsanaan karin, taasina ay keento dhacdhac badan oo sababay dib u dhac iyo asalka abuurka iinsaanka oo sidoodaba ku kala habboon qabashada shaqooyinka, oo muddona dheer soo jiitamaysay. Iyada oo ay tahay arrintani mid iinsaanku kula soo dhasho isaga oo dhinac u badan , u janjeedha ama shay si dabiici ah u wanaagsan shayna ku xun, isla markaana aynaan sharaxaad intaa ka sii badan ka bixin karin, iyo haddiba ay tahay mid aad suuro gal ugu ah uguna habboon doodan asalka dabeecada iinsaanku laamaha cilmiga iyo caqliga.taasi ma aha ta aynu innagu ka hadlayno , waxaynu ka hadlaynaa waa inay arrintan ahayd seeska gunta u dhigay in lakala xadeeyo shaqaalaha oo koox iyo qof walba loo diro shaqo aanu xadkeeda soo dhaafayn oo uu ku fiican yahay qabashadeeda.

3: Xaddiga baaxadda suuqa ayaa jaangooya xaddiga kalaxadaynta shaqaalaha, haddii awoodda wax kala beddelashadu ay sees ama sabab u ahayd kala xadeynta shaqaalaha, baaxadda suuqu waa in ay jaangooysaaa inta qaybood ee loo kala xadeynayo shqaalaha naftooda. Si kale aan u dhaho baaxadd guud ee suuqa iyo baahida taal inta ay le’eg tahay ayaa jaangoynaysa inta qaybood ama koox shaqeeddo ee loo qaybinayo shaqaalaha. Marka uu suuqu yahay mid koban oo yar, ma jiro qof shaqaalihiisa kordhin kara, waayo suuqa shaqada kooban leh ee aan baaxadda badnayn waxa uu sababayaa shaqaale kooban iyo koox shaqeeddo kooban, intaas ayaa ku filnaan karta, kolka se uu suuqu yahay mid baaxad weyn oo shaqooyin badani ay ka socdaan ayaa la kordhin karaa kooxda shaqaalaha iyo inta loo sii kala qayb –qaybin karo iyo inta ay qayb waliba ka sii koobnaan doonto.

4: Asalka iyo Adeegsiga Lacagta

Markii ay siwanaagsan u hirgshay kalaxadeynta shaqaaluhu, shaqada qofku ma ay jareyn wax ka badan waxa uu qofku u baahan yahay. Wuxuu qofku shaqada uu qabto ku doorsanayey kolba wixii uu u baahan yahay, mararka qaarna wixii uu u baahan yahay iyo wuxuu qabanayo ayaa kala badan jirey. Qof waliba waxa uu ku noolaa isku beddelashada ama isu doorinta alaabaha uu soo saaro, shaqada uu qabto iyo waxa uu u baahan yahay, bulshadii caynkaa u noolayd ayey ka soo farcameen noocyada ganacsiga ee jira. Muddo dheer ayaa loo ganacsan jirey habkaa wax la isu doorinayo ama lakala beddelanayo. Awoooddii uu habkaasi ku lahaa suuqa ayaa caajis noqotay, waaayo wax soo saarkii ayaa kordhay , tusaale ahaan nin ayaaa wax soo saar badan soo saaray, waxsoosaarkaasi oo intii uu u baahnaa ka badan, marka uu baahiyihiisa kusoo beddesho intii uu u baahnaa waxsoosaarkiisiina weli uu buuxo oo aanu dhammaan, muxuu samayanayaa ma in uu daadiyaa ?

5: Qiimaha Badeecadda ee asalka iyo qiimaha mala awaalka ah , Qiimaha shaqaalaha badeecada qabanaya iyo qiimaha lacageed ee badeecada

Qof walba hodannimadiisa ama saboolnimadiisu waxay ku xidhnayd waayadii h**e kolba inta uu haysto baahiyihiisa nololeed sida cunto ama hoy uu d**o. Se kelaxadeynta shaqaaluhu markay hannaqaaday, qofkasta oo shaqaale ah way u fududaatay helida baahiyihiisa, oo shaqada ayaa ka dabooshay. Sidaa darteed imika hodannimada qoflku waxay ku xidhan tahay inta shaqaale ah ee u shaqaysa iyo inta badeecadood ama adeeg ee uu iibiyo, markasta oo adeega uu bixiyo ama alaabaha uu iibiyaa ay bataan waxa toos u badanaya shaqaalaha uu qaadanayo taas oo hodannnimadiisa sii kordhinaysa se hodannimada qofku kuma xidhna daboolida baahiyihiisa aas aasiga ah, qofka baahiyisiia aas aasiga ah daboolaa imika waa shaqaale ee ma aha hodan, halka dadkii h**e qofka baahiyihiisa daboolaa uu ahaa hodan.

Dunnida maanta ee uu hanaqaaday nidaamka hangoosadka iyo suuqa xorta ahi, dadku waa saddex qaybood: kow loo shaqeeye oo ah qof hanti looga shaqeeyo leh. Laba shaqaale oo kaa h**e u sii shaqeynaya. Saddex darbi jiif aan haysan hoy iyo nolol toona. Kuwa koowaad ayaa hodannimada maanta haysta. Se ummaddihii h**e ee cawaanka ahaa, waxaa hodan ahaa qof walba oo qadhaabsi, kalluumeysi ama ugaadhsi tahli karayey oo si maalinle ah u soo hanan karayey quutul daruuurigiisa.
6:Waxyaalaha jaangooya qiimaha badeecadda
Wakhtiyadii h**e ee ummadihii cawaanku noolaayeen, intii aan la baran nidaaminta raasamaalka, qoondeynta dhulka iyo hagaajinta shaqaalaha, waxyaalaha jaangooya sicirka badeecada waxaa la rumaysnaa inay tahay hal duruuf oo ahayd sida kolba loo heli karayo badeecad ama adeeg kale oo lagu beddesho.

7: Qiimaha Aasalka ah ee badeecadda iyo Qiimaha suuga ay ku joogto Baceeddu.
Bulsho iyo deegaan walba waxaa ka jira qiime ah caadi ahama celcelisa , kaas oo laga arko mushaharka iyo faa’idada shaqooyinka kala duwan ee saamiyada suuqa. Qiimaha badeecad kasta oo aan ka badnayn kara yarayn sicir u dhigma kirada dhulka, musharka shaqaalaha iyo macaashka saamiyada loogu talo galay koruqaadista, diyaarinta, iyo keenista suuqa ee badeecaddu ay ku kacday, iayada oo la eegayo sicrkeeda asalka ah, badeecadaa waxaa markaa lagu iibiyaa waxa loo yaqaan “ sicirka asalka ah”, oo ah qiime ay u qalanto, ama qiimaha ku habboon ee cidda suuqa keentay ay u jarayso.
Waxa jira afar sicir oo badeecad kasta oo warshad ka soo baxda ay yeelato:

1) Natural price: sicirka asalka ah ee badeecadu warshada ay kaga soo baxdo.

2) Market price: sicirka suuqa ee ganacsatadu ay ku sii iibiso halka faa’idadeeda ayaa sii saaran sicirkii asalka ahaa.

3) Nominal price: sicirka mala awaalka ah, inta ayna soo bixin ayaa la sii mala awaalaa sicirka lagu iibin karo badeecadda iyada oo laga shidaal qaadanayo qiimaha alaabaha, wakhtiga iyo shaqaalaha gelaya.

4) Real price: sicirka dhabta ah waa sicirka marka ay badeecaddu soo baxdo lagu iibiyo. Waa in aan lagu iibin sicirka asalka ah ee badeecaddu ay ku soo baxday mid ka hooseeya si aan loogu khasaari.

11/12/2022

Soo koobidda buugga : Hantida Qaramada

Buugga: Hantida Qaramada
Qoraaga : Adam Smith
Turjume : Mustafe sharmaarke

Adam Smith
Adam Smith waxa uu ku dhashay deegaanka Kirkclady oo ku yaalla xeebta bari ee waddanka Scotland, sannadkii 1723. Wuxuu ka soo qalijabiyey dugsiga deegaankaas oo uu naxwaha luuqadda ka bartay , ka dibna wuxuu ku biirey Jaamacadda Glaskow , waxaana halkaa macalin ugu noqday barafasoor Francis Hutcheson oo jaamacadda ka dhigi jirey Falsafadda Damiirka , ahaana aabbihii falsafadda reer Scotland. Sannadkii 1740 wuxuu ku guuleystay deeq waxbarasho ee Snell Exhibilition ee Balliol College Oxford. 1746 ayuu dhammmeystay waxbarashadii Oxford , laba sannadood ka dibna wuxuu jaamacadda Glaskow u yimid khudbado uu bixinayey oo ku saabsanaa “ tayaxumada gudbinta hadalka ama suugaanta iyo tayawannaagga gudbinta suugaanta “ Arrimahaas oo Smith u arkayeykuna dooday hababka madaniga ah ee bulsho meel wada taalla ay wax isugu gudbiyaan. Khudbadahaasi waxay ahaayeen kuwii lagu bartay Aadam Smith magaciisa, 1751 waxa Smith loo doortay barafasoorka maaddada fekerka iyo suuragalnimada ee jaamacadda Glaskow , wixii intaa ka danbeeyeyna wuxuu wax ka beddelay aragtiyihii barafasoor Hutcheson ee Falsafadda Damiirka. Simth wuxuu halkaas joogay ilaa 1763.

Sannakii 1764 ayuu iskaga tagay shaqadii barafasoornimada oo uu u safray waddanka Faransiiska , halkaas oo uu kula kulmay xeeldheerayaal falsafadda ah iyo mutacallimiin kale. Faransiiska ayay ahayd halkii koowaad ee uu kaga hawlgalay qorista aragtida “Hantida Qaramada “. Sannadkii 1777 Smith wuxuu toos u degay Edinburgh , wuxuu xubin ka noqday guddida cashuuraha ee deegaankaas . sannadkii 1787 waxaa loo magacaabay guddoomiyaha jaamacadda Glaskow oo ku taalla Scotland ahna mid ka mid ah jaamacaddaha ugu wanaagsan uguna caansan dunida. Smith wuxuu ku geeriyooday deegaanka Edinburgh taariikhdu markay ahayd 17 July 1790. Adam Smith waxa uu ahaa shkhsi ka mid ah kuwii ugu saaameynta badnaa fekerka iinsaanka , gaar ahaan arrimaha sayniska bulshada. Wuxuu allifay fekerka suuqa xorta ah ama nidaam dhaqaaleedka hantigoosadka , oo maanta dunida si xooggan uga hanaqaaday. Smith wuxuu wax badan ku darsaday falsafadaha dhaqaalaha , anshaxa, damiisrka, akhlaaqda , sharciga , siyaasadda iyo dawladnimada.
Hordhac

Daabacaaddani waa mid ugu asalsan , uguna ballaadhan dhinaca dhaqandhaqaaleed , caqliyeed iyo xaqiiqraadineed marka la barbardhiggo daabacaadihii ka horreeyey oo ahaa qaar aan tayo fiicnayan isla markaana aan mel ku urursanayn oo ilaa shan buug oo kala googo’an ahaa. Shantaas buug oo sharraxaad ballaadhan oo caqlisarreyna ku samaynaya hay’aadka bulshada iyo dhibaatooyinka dhaqandhaqaaleed ee dadka. Arrinta oo looga dan leeyahay in kor loo qaado daraasaadka dhaqaaleed oo la abuuro mawjado raadinaya mashaakilkeena nafeeed iyo kuweena bulsheed.

Buugga kooowaad wuxuu ku saabsan yahay Kalxadaynta shaqaalaha , kuwaas oo ka kooban mulkiilayaasha hantida maguuraanka ah, muruqmaalka , xoogsatada iyo hantiile , oo isku darka shaqooyinkoodu yihiin awoodda dhaqaajisa nidaamka horumarka dhaqaalaha.
Buugga labaad wuxuu khuseeyaa koruqaadista hawlaha ama sii kordhinta shaqada , oo macnaheeda dhaqaale ahaan noqonayo “ shaqaale waxsoosaar leh iyo mid aan waxsoosaar lahayn, tayaynta anashaxa shaqaalaha iyo yaraynta tiradalaga maarmi karo” macnaha tirada ugu habboon ee shaqada qaban karta iyo tayada ugu sarreysa. Isku darka labadan buug ayuu Adam Smith ku qeexay “ Hantida dhabta ah ee Qaranku uu lee yahay”.

Buugga saddexaad wuxuu koobayaa xidhiidhka sooyaaleed iyo ka juqraafi ee ka dhexeeya degmada iyo qaranka , gaara ahaan bilowgii yeeelashada hantida gaarka ah ilaa qarniyaddii dhexe . Smith halkan wuxuu hoosta kaga xariiqayaa xidhiidh nooceeya ayaa ka dhexeeya hay’aadka sharci dejinta iyo fulinta kuwaaas oo xukuma difaacana bulshada iyo xorriyadada shakhsiga ah aasaas u ah dhaqaajinta horuarka dhaqaalaha?

Bulshadu ma inay xukunka u hogaansanaataa mise inay danteeda u hogaansanaato? Yaa yeelanaya mudnaanta dheefta waxsoosarka qaranka? Haddii ay dawladdu yeelato xukunka, sharcidejinta, suuqa , ganacsiga , qaybinta adeegga iyo waxsoosaarka intaba , miyeyna suuragal ahayn in si fudud ay koox shufto ahi u maroorsato xukunka ummadda , awoodahaas dhanna u isticmaasho dahanooda baas? Xidhiidh caynkee ah ayaa ka dhexeeya dawladda iyo bulshada xorta ah?
Buugga afraad wuxuu si heer sare ah u naqdinayaa labada nidaam ee Meerkantaliisiyada ( Mercantalism ) iyo Fisiyoograasiyada( Physiocracy ). Sida caadiga ahna ku saabsan ganacsiga oo qudha oo ahaa nidaamyo siyaasadda dhaqaalaha ku saabsanaa kuwaasoo gaboobay.

Buugga shanaad waa midka ugu dhumucda weyn, wuxuuna ka hadlayaa doorka iyo waajibaadka ay dawladdu ku leedahay bulshada xorta ah. Buuggan wuxuu Smith dood ka keenayaa habsharciyeedka kharashaadka dawladda , macnaha dhabta ah ee dakhli ururinta iyo naqdinta sarreysa oo uu ku samaynayo daymaha dawladda , daynta dawladdu ha qaadato , cid ha siiso ama shuruucda lagu kala qaadanayo ha samayso’e – cidda gacanta ku qabanayso ama maamulaysa kharashaadka dawladda , daymaha iyo dakhliga wuxuu ku sheegayaa inay noqdaan saraakiil helaya mushaharaad iyo gunnooyin ku filan noloshooda , ha ahaadaan saraakiisha fulinta ee soo ururinaysa, kuwa caddaalaadda iyo saraakiisha sida maalinlaha ah farsamo ahaan u socodsiinaysa shaqooyinka hay’aadka dawladda.

kuwaaas oo xaalaadaha qaar ay tahay inay ku jiraan saraakiil aqoon ahaan iyo farsamo ahaanba u dhisan oo keliya aan farsamo ahaan uun u dhisnayn. Dakhliga bulshada ay dawladdu ka ururinaysaa waa inay gashaa xero bangi oo ay maamulayan dad dhisan anshax ahaan , aqoon ahaan, akhlaaq ahaan iyo mushahar ahaanba. Mushahar baahidooda dabooli kara ay helaan marka loo eego nolosha dalkooda baahida taal ee qofku uu khasab ugu aahan yahay helistooda. Mushahar baahidaas u qabanaya waa inay helaan si aanay u lumin dakhligaa la ururiyey isla markaana waa inay aqoon yeeshaan , si meelaha adeegga loogu talagalay ay u qabtaan.

1: kalaxadaynta shaqaalaha

Koruqaadista horumarinta awoodda waxsoosaarka iyo awoodda qabashada adeega ee uu shaqaale yeelan karo iyo shayga ugu mudan ee xirfadda shaqaalaha, kobcinta aqoonta iyo waliba garsoorka kala xulashada shaqaalaha oo meel walba laga hirgaliyey, waxa sal u ah “Kala-xadaynta shaqaalah”
Kalaxadaynta shaqaaluhu waa aragti dhaqaaleed oo uu lahaa Adam Smit, oo ah in shaqaalaha loo kalaxadeeyo ama loo kala sooco qaybo-qaybo. Qaybhaas oo qayb waliba ay isugu xidhan tahaysida ay u yihiin isku khibrad, isku aqoon ama isku xirfad. Taas oo qayb walba loo dhiibo qayb gaar ah oo shaqada ka mid ah oo la xidhiidha aqoontooda, khibradooda ama xirfadooda. Wuxuu Adam Smith u arkayey in shaqadu ay sidan ku dhakhso badan tahay, kuna waxsoosaar badan tahay, kuna hawl yar tahay, kuna dheef badan yahay.

2 : Seeska kalaxadaynta shaqaalaha
Kalaxadaynta shaqaalaha oo aadanaha u keenta horumar badani ma’ahayn xikmad guud ii iinsaanimo , taas oo mar h**e lagu sii ogaaday baahida arrintan loo qabo iyo faa’idooyinkeeda. Se waxay ahayd arrin lama huraan noqotay markii la dareemay sida baahida loogu qabo in lakalaxadeeyo shaqaalaha, waxaana sababta u weyni ahayd abuurka iinsaanka asalkeeda uu ku jiro inay dhan u badan yihiin oo ayna wax walba ku wanaagsanaan karin, taasina ay keento dhacdhac badan oo sababay dib u dhac iyo asalka abuurka iinsaanka oo sidoodaba ku kala habboon qabashada shaqooyinka, oo muddona dheer soo jiitamaysay. Iyada oo ay tahay arrintani mid iinsaanku kula soo dhasho isaga oo dhinac u badan , u janjeedha ama shay si dabiici ah u wanaagsan shayna ku xun, isla markaana aynaan sharaxaad intaa ka sii badan ka bixin karin, iyo haddiba ay tahay mid aad suuro gal ugu ah uguna habboon doodan asalka dabeecada iinsaanku laamaha cilmiga iyo caqliga.taasi ma aha ta aynu innagu ka hadlayno , waxaynu ka hadlaynaa waa inay arrintan ahayd seeska gunta u dhigay in lakala xadeeyo shaqaalaha oo koox iyo qof walba loo diro shaqo aanu xadkeeda soo dhaafayn oo uu ku fiican yahay qabashadeeda.

3: Xaddiga baaxadda suuqa ayaan jaangooya xaddiga kalaxadaynta shaqaalaha.

Haddii awoodda wax kala beddelashadu ay sees ama sabab u ahayd kala xadeynta shaqaalaha, baaxadda suuqu waa in ay jaangooysaaa inta qaybood ee loo kala xadeynayo shqaalaha naftooda. Si kale aan u dhaho baaxadd guud ee suuqa iyo baahida taal inta ay le’eg tahay ayaa jaangoynaysa inta qaybood ama koox shaqeeddo ee loo qaybinayo shaqaalaha. Marka uu suuqu yahay mid koban oo yar, ma jiro qof shaqaalihiisa kordhin kara, waayo suuqa shaqada kooban leh ee aan baaxadda badnayn waxa uu sababayaa shaqaale kooban iyo koox shaqeeddo kooban, intaas ayaa ku filnaan karta, kolka se uu suuqu yahay mid baaxad weyn oo shaqooyin badani ay ka socdaan ayaa la kordhin karaa kooxda shaqaalaha iyo inta loo sii kala qayb –qaybin karo iyo inta ay qayb waliba ka sii koobnaan doonto.

4: Asalka iyo Adeegsiga Lacagta

Markii ay siwanaagsan u hirgshay kalaxadeynta shaqaaluhu, shaqada qofku ma ay jareyn wax ka badan waxa uu qofku u baahan yahay. Wuxuu qofku shaqada uu qabto ku doorsanayey kolba wixii uu u baahan yahay, mararka qaarna wixii uu u baahan yahay iyo wuxuu qabanayo ayaa kala badan jirey. Qof waliba waxa uu ku noolaa isku beddelashada ama isu doorinta alaabaha uu soo saaro, shaqada uu qabto iyo waxa uu u baahan yahay, bulshadii caynkaa u noolayd ayey ka soo farcameen noocyada ganacsiga ee jira. Muddo dheer ayaa loo ganacsan jirey habkaa wax la isu doorinayo ama lakala beddelanayo. Awoooddii uu habkaasi ku lahaa suuqa ayaa caajis noqotay, waaayo wax soo saarkii ayaa kordhay , tusaale ahaan nin ayaaa wax soo saar badan soo saaray, waxsoosaarkaasi oo intii uu u baahnaa ka badan, marka uu baahiyihiisa kusoo beddesho intii uu u baahnaa waxsoosaarkiisiina weli uu buuxo oo aanu dhammaan, muxuu samayanayaa ma in uu daadiyaa ?

5: Qiimaha Badeecadda ee asalka iyo qiimaha mala awaalka ah , Qiimaha shaqaalaha badeecada qabanaya iyo qiimaha lacageed ee badeecada

Qof walba hodannimadiisa ama saboolnimadiisu waxay ku xidhnayd waayadii h**e kolba inta uu haysto baahiyihiisa nololeed sida cunto ama hoy uu d**o. Se kelaxadeynta shaqaaluhu markay hannaqaaday, qofkasta oo shaqaale ah way u fududaatay helida baahiyihiisa, oo shaqada ayaa ka dabooshay. Sidaa darteed imika hodannimada qoflku waxay ku xidhan tahay inta shaqaale ah ee u shaqaysa iyo inta badeecadood ama adeeg ee uu iibiyo, markasta oo adeega uu bixiyo ama alaabaha uu iibiyaa ay bataan waxa toos u badanaya shaqaalaha uu qaadanayo taas oo hodannnimadiisa sii kordhinaysa se hodannimada qofku kuma xidhna daboolida baahiyihiisa aas aasiga ah, qofka baahiyisiia aas aasiga ah daboolaa imika waa shaqaale ee ma aha hodan, halka dadkii h**e qofka baahiyihiisa daboolaa uu ahaa hodan.

Dunnida maanta ee uu hanaqaaday nidaamka hangoosadka iyo suuqa xorta ahi, dadku waa saddex qaybood: kow loo shaqeeye oo ah qof hanti looga shaqeeyo leh. Laba shaqaale oo kaa h**e u sii shaqeynaya. Saddex darbi jiif aan haysan hoy iyo nolol toona. Kuwa koowaad ayaa hodannimada maanta haysta. Se ummaddihii h**e ee cawaanka ahaa, waxaa hodan ahaa qof walba oo qadhaabsi, kalluumeysi ama ugaadhsi tahli karayey oo si maalinle ah u soo hanan karayey quutul daruuurigiisa.
6:Waxyaalaha jaangooya qiimaha badeecadda
Wakhtiyadii h**e ee ummadihii cawaanku noolaayeen, intii aan la baran nidaaminta raasamaalka, qoondeynta dhulka iyo hagaajinta shaqaalaha, waxyaalaha jaangooya sicirka badeecada waxaa la rumaysnaa inay tahay hal duruuf oo ahayd sida kolba loo heli karayo badeecad ama adeeg kale oo lagu beddesho.

7: Qiimaha Aasalka ah ee badeecadda iyo Qiimaha suuga ay ku joogto Baceeddu.
Bulsho iyo deegaan walba waxaa ka jira qiime ah caadi ahama celcelisa , kaas oo laga arko mushaharka iyo faa’idada shaqooyinka kala duwan ee saamiyada suuqa. Qiimaha badeecad kasta oo aan ka badnayn kara yarayn sicir u dhigma kirada dhulka, musharka shaqaalaha iyo macaashka saamiyada loogu talo galay koruqaadista, diyaarinta, iyo keenista suuqa ee badeecaddu ay ku kacday, iayada oo la eegayo sicrkeeda asalka ah, badeecadaa waxaa markaa lagu iibiyaa waxa loo yaqaan “ sicirka asalka ah”, oo ah qiime ay u qalanto, ama qiimaha ku habboon ee cidda suuqa keentay ay u jarayso.
Waxa jira afar sicir oo badeecad kasta oo warshad ka soo baxda ay yeelato:

1) Natural price: sicirka asalka ah ee badeecadu warshada ay kaga soo baxdo.

2) Market price: sicirka suuqa ee ganacsatadu ay ku sii iibiso halka faa’idadeeda ayaa sii saaran sicirkii asalka ahaa.

3) Nominal price: sicirka mala awaalka ah, inta ayna soo bixin ayaa la sii mala awaalaa sicirka lagu iibin karo badeecadda iyada oo laga shidaal qaadanayo qiimaha alaabaha, wakhtiga iyo shaqaalaha gelaya.

4) Real price: sicirka dhabta ah waa sicirka marka ay badeecaddu soo baxdo lagu iibiyo. Waa in aan lagu iibin sicirka asalka ah ee badeecaddu ay ku soo baxday mid ka hooseeya si aan loogu khasaari.

08/12/2022

Maalin wanaagsan saaxiibbayaal. Galabta haddii Rabbi idmo Maxamed Cali Cabdillaahi oo ka mid ah xubnaha Madasha Akhriska ee Dhigaal ayaa inoo sookoobidoona buugga: Hantida Qaramada ee uu qoray Adam Smith, ee uu turjumey Mustafe Sharmaarke.

Haddii Alle idmo, intiinna aan joogin madasha ay ka dhacayso sookoobidda buuggu, halkan ayaannu idin kula wadaagaynaa ee la socod wanaagsan.

Mahadsanidiin.

09/09/2022

Soo koobidda buugga: Tilmaamaha Ardayga Guulaystay.

Qore: C/raxmaan Axmed G.soofe.

Baahinta: Hiil Press.

Daabacaddii labaad.
___________________________________________

Buugga: Tilmaamaha ardayga guulaystay, waa buug yare waxtar wayn u leh ardayda waxbarata, heer walba oo ay joogaan.

Waa buug ardayga tusaya kuna hagaya waddadii uu guusha ku hanan lahaa iyo dariiqii uu u mari lahaa.

Sidoo kale waxa uu buuggani tilmaan wanaagsan ka bixinaa ahmiyadda cilmiga iyo aqoontu ay u leedahay Aadanaha, iyo foolxumada jahliga iyo qofka jaahilka ah.

TILMAAMAHA ARDAYGA GUULAYSTAY.

waxa uu qoraagu inoo sheegayaa labaatan iyo dhawr tilmaamood oo ay tahay ardaygu in uu raaco si uu u noqdo arday guulaystay, oo waxbarashada ka gaadha heer wanaagsan.

Waxa uuna ku bilaabayaa tilmaamahaas:

1: Daacadnimo.
2:Cilmi ku dhaqan.
3: Waqti qorshayn.
4: Alle ka cabsi.
5: Macaasi ka fogaansho.
6: Ixtiraama macallimiinta
7: Xidhiidh la leh macallimiintiisa.
8: Dulqaadasho.
9: Wax akhrin
10: Hansare.
11: Dedaal
12: Talo qaadasho.
13: Boosaska h**e fadhiista.
14: Firfircooni.
15: Qaddariya bulshada.
16: Nadaafad badan
17: Aan jarjarin.
18: Joogteeya waxbarashada.
19: Alle barya.
20: Baarri u ah Waalidkiis.
21: Aan isla waynayn.
22: Wax xifdin.
23: Gaadhsiiya cilmiga dad kale.

QAABKA LOO MAAREEYO IMTIXAANNADA.

1: Ilaahay oo kaalmo la waydiisto.
2: Seexashada habeenkii xilli h**e, si loo soo koco subixii xilli h**e.
3: Diyaarsashada agabkii imtixaanka oo dhan.
4: Waa in uu soo ducaysto marka uu guriga kasoo baxayo.
5: Waa in uu iska ilaaliyaa qishka.

6: Fadhiisashada boos wanaagsan.

7: Bisinka qabso marka lagu soo hordhigo imtixaanka.

8: Inta aanad ka shaqayn, wada akhri imtixaanka oo dhan.

9: ku bilaw su'aalaha aad jawaabohooda garanayso.

10: Haddii jawaabaha qaar kugu adkaadaan Alle waydiiso in uu kuu fududeeyo.

11: ka fiirso jawaabaha.

12: Haddii ay jaawaabuhu yihiin (ka dooro), aad ugu fiirso midda aad dooranaysid.

13: Marka aad imtixaanka dhammayso, dib u akhri dhammaantii.

14: Wax niyad-jab ah yaanay kugu ridin haddii aad dib ka ogaatid jawaabo aad si khaldan uga jawaabtay.

WAAJIBAADKA KA SAARAN ARDAYGA DIINTA, DADKA IYO DALKA.

1:Waa in uu ardaygu gaadhsiiyaa cilmiga dad kale.

2: Waa in uu cilmigiisa ku difaaco Islaamka, uguna hiiliyo waddada xaqa ah.

3: Waa in uu bulshadiisa ka wacyi geliyaa caadooyinka xunxun.

4: Waa in uu ka sheqeeyaa isu keenista, iskaashiga iyo in ay dadku wada noolaadaan.

5: Waa in uu isku dayo in uu ummadda hoggaamiyo, si uu waddada saxda ah ugu rido.

6: Waxa uu qofka aqoonta lihi mas'uul ka yahay ilaalinta taariikhda ummadiisa iyo ta muslimiintaba.

7: Waxa uu aqoonyahanku ka ilaaliyaa ummaddiisa in ay qaadato dhaqan kale oo aan ku habboonayn.

8: Ardaygu waa aqoonyahanka ummadda.

9: Ardaygu waxa uu ummadda dareensiiyaa wixii dhib ah ee jira.

10: Aqoonyahanku waa qofka ay ummaddiisu hiigsato.

WADDOOYINKA LAGU KASBADO HIIGSIGA SARE.

1: In uu qofku hagaajiyo xidhiidhka uu Ilaahay la leeyahay.

2: Taariikhda dadkii h**e oo la akhriyo

3: In lala saaxiibo dadka hiigsiga sare leh.

4: Waqtiga oo la qorsheeyo.

5: Ka dheeraanshaha wax kasta oo hoos kuu dhigaya.

6: Shaqda oo uu qofku joogteeyo.

FURAYAASHA GUUSHA.

1: Rumaynta Ilaahay.
2: In hadaf la yeesho.
3: Go'aan.
5: Dulqaad.
6: Nidaaminta waqtiga.
7: Kalsooni.
8: Shaqo joogto ah.

CAADOOYINKA LAGU GAADHO GUUSHA.

1: Qofka oo naftiisa fahma.
2: In la yeesho hadaf gaar ah.
3: Waqtiga oo la nidaamiyo.
4: Dadka oo si wanaagsan loola dhaqmo.
5: In dadka kale khayr lala jeclaado.
6: In la samaysto koox kula shaqaysa.
7: Nafta oo la cusboonaysiiyo.

MAXAA KAA HOR TAAGAN IN AAD GUUSHA GAADHID.

1: Dayicidda Salaadda.
2: Nafta oo been loo sheego.
3: In waqtiga lagu lumiyo saaxiibbada xunxun.
4: In aad ka cararto dhibaatada ku hortaalla.
5: In lagu mashquulo ceebaha dadka kale.
6: In aad xaasid noqotid.
7: In aad dareentid caajis.
8: In aad ka baqdo in aad khalad ku dhacdo.
9: In aanad naftaada ku kalsoonaan.
10: In aad ku mashquusho wax horay u dhacay.

Intaa kaddib qoraagu waxa uu soo qaadanayaa qaar ka ka mid ah dadkii guusha hantay, oo aan ka xusi karno.

Nebi Muxammed SCW.
Imamu Bukhaari.
Ibnu Taymiya.
Maxamed ibnu abii Caamir.

Iyo kuwo kale..

DHAMMAAD. mahadsanidin.

Want your school to be the top-listed School/college in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Laascaanood