Dr. MOJ

Dr. MOJ

Share

Lacag, shaqo, gaari iyo waxwalboo kale waxaa hubaal ah in caafimaadka kaaga muhiimsan yahay. Waxaan

14/09/2021

Waa abbe heysta labba carruur ah. Waxa ay u dhigtaan mid kamid ah iskuuladda kuyaal KGS Gaar ahaan deegaan waynaha ceelasha biyaha. Hadda labbaddu waa isku fasal waana sannadkii ugu danbeeyey ee wax barashadda dusgsi sare. Waxa ay ku jirraan nolol adag se waa dhaantaa tii awal ay ku jirreen. Aabahood waxa uu geed dheer iyo mid dhow u koray innuu koriyo labbadaa carruur ee uu dhalay iyo hooyadood. Siddee ayuu heerkaan kusoo gaarsiiyey?

Aabahaan asalkiisu waxa uu ahaa xoola dhaqato, xoolahii ayaa is ruugay oo baaba'ay. Xaaskiisa ayeey tashteen waxa uuna u wacay subax. "Waxa uu ku yiri maryaneey saakay waxa aan rabaa inaan xamar iska celiyo, quudna innooga soo raadiyo ee ciyaalka ogoow". K**a aysan diidine haye ayeey tiri. Xamar ayuu yimid waxa uu raadiyey kuwa ay qaraabo kore ahaayeen oo magaalka joogay. Igarab qabta ayuu yiri, gaari gacan ayeey u gadeen tukaan oo alaab ka qaadana si joogto ah waa ay ku xirreen.

Xaaskiisa maryan iyo ciyaalkii waxa uu helo ayuu u diraa, meel uu jiiftana waxa uu ka heli jiray qaraabadii geysay meesha awal mid kamid ah. Hal sanno oo uu magaalka joogay waxa u suura gashay innuu reerkiisa yiraa gaari hala iisoo saaro. Ceelasha biyahana loogu keeno dajiyo xaafad la yiraa jabadgeelle. H**e ayuu dugsi qur'aan ka geeyey ciyaalkii awal miiga ayeey dugsi ku dhigan jireene h**e ayeey ka dhameeyeyn kalaamkii rabbi. Iskuul ayuu geeyey. Dhowr jeer ayaa laga soo buriyey darfuufo jirro awgood ciyaalka iskuulka. Ilaa ugu danbayn iskuulkii uu ka badalay, oo uu geeyey iskuul kale. Iskuulkaa kale maamulahiisa ayeey si kadis ah maalin isku barteen waxa ayna isku barteen. Si layaab leh tukaankii uu ka shaqeynayey ayuu maamuluhu adeeg u yimid gaarigiisana waa uu ku qaatay, jidka inta lagu jiray ayeeyna sheekadaa dhalatay. Baahidiisana waa uu uga waramay iyo sidda uu imminka wax yahiin. Ciyaalka keen ayuu yiri iskuulkeyga. Waxii aad heli kartana iska bixi.

Hadda iskuulkii hal sanno ayaa uga haray wiilka waa mid aan kaalinta fasalkiisa ka bixin sidaa ayuuna lacag la.aan ugu dhigtaa, gabadhana waxii uuhelo ayuu ka qadaa maamuluhu, gabadhah aabaheed kalifaad majirto.

Hadda waa mid kamid ah ganacsatadda dhuxusha waxa usoo degta qoryo laga keenay qansax dheere iyo dhulkaa ku teedsan. Kadibna halkaas ayuu ku dubtaa qoryaha si uu dhuxul uga sameeyo. Kadibna uu uggu maareeyo reerkiisa iyo naftiisaba. Tanni waa sheekadda aabe cali oo hardan adag usoo maray nolashaa soo cilfaafay ee uu hadda ku jiro.
Xigasho: Abdiqadir Farey

13/09/2021

Toddobaadkaan wax aan aqriyo ama aan daawado, waxaa iigu saamayn badnaa Sheekada nin Soomaaliyeed oo beryahaan heysatay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto. Ninkaas waxaa magaciisa la yiraahdaa Maxamed Jaamac, waana Dhaqtar. Waa nin Waxyeello aad xumi ka soo gaartay dab Shidaal ka kacay, oo si xun u gubay jirkiisa. In muddo ah ayaa uu yiillay guri ku yaal Kismaanyo oo uu ku dandarraysnaa. Muddo markii uu halkaas ku xanuunsanayay, ayaa markii dambe loo qaaday magaalada Mumbaasa. Waxaa looga sii gudbiyay Neyroobi; ka dibna Siyaaloow, halkaas oo la dhigay Isbitaal ku yaalla. Gabar ka mid ah Kalkaaliyeyaashii Isbitaalka, ayaa ula tacaashay si aad u wanaagsan. Wax walba oo wanaag lagu tilmaami karo ayay u samaysay, ilaa uu Isbitaalka ka soo baxay isaga oo faraxsan. Waxaa qalbigiisa ka go'i waayay wanaagga intaas la eg--Dadnimada huwan-- ee ay u gashay qof aan ku Diin, Dhaqan iyo Af toona ahayn.

Wixii intaas ka dambeeyay ninkii waxa uu Safar caafimaad u aaday dalka Maraykanka, halkaas oo uu caadi ahaanba Rasmiyeystay, markii dambena wax ku bartay. Si uu u galo wanaaggii loo galay oo kale ayuu billaabay Jaamacad, isagoo iska qoray Kulliyadda Caafimaadka; hubaal ahaanse waxa uu noqday dhaqtar jiitay oo aqoon ahaan buuxa.

Muddo 30 sannadood ah oo raadinayay Dr. Falooris Lintaare oo ahayd Kalkaalisadii sida wayn u caawisay; Toddobaadkii h**e ayay Neyroobi ku kulmeen; waxaana xusid mudan in uu Maraykan Diyaarad uga soo raacay; si uu ugu mahad-celiyo; dabcanna waa ay dhacday. Sheekadaan waxaa aad u wax-u-ga qoray Warbaahinta Keenya iyo Soomaaliya--Waxa ayna noqotay mid ay Wasaaradda Caafimaadka ee Keenya adeegsatay; si ay ugu dhiirri-geliso Shaqaalaha Caafimaadka ee Dalkaas.
Xigasho: Ceeryaamo

07/06/2021

Waa imisa qiimaha xagasha b?

21/05/2021

10 ๐˜ฟ๐™๐™–๐™ฆ๐™–๐™ฃ ๐™ค๐™ค ๐™ช๐™ช ๐™ข๐™–๐™–๐™ข๐™ช๐™ก๐™–๐™๐™– ๐™ฌ๐™–๐™ฃ๐™–๐™–๐™œ๐™จ๐™–๐™ฃ ๐™ก๐™š๐™š๐™ฎ๐™–๐™๐™–๐™ฎ:

1. Tabobare aad u wanaagsan, wuxuu baraa dadka uu maamulo xirfadda uu ku xalliyo qilaafaadka, sidoo kale wuxuu dadka uu maamulo ku tabobaraa sidii ay hawsha loo igmaday u qaban lahaayeen. Sidaa darteed maamulaha wanaagsan wuxuu qofka u kordhiyaa aqoon iyo xirfad.

2. Wuxuu kor u qaadaa shaqaalihiisa isagoo u tixgelinaayo fikirkooda, hal abuurkooda iyo nayadooda. Qalalaadka yaryar ee ay galaana runtii uma qabto. Wuxuu u ogolaadaa inay qaataan go'aano leh halistooda. Sababtoo ah go'aan qaadashads shaqaalaha haddii aanay caqabad kala kulmayn maamulahooda waxay ku dhiiradaan inay maskaxda tuujiyaan. Sidaa darteed maamulaha wanaagsan wuxuu shaqaalihiisa u ogolaadsa inay fikir iyo hal abuur ku soo kordhiyaan kambaniga.

3. Maamulaha wanaagsani wuxuu shaqaalihiisa u sameeyaa bay'ad ku haboon shaqada, deegaanka uu sameynaayo waa deegaan qofka shaqaalaha ah kalsooni gelinaya oo aanu baqayn, waa deegaan uu qofku ku cabbiri karo fikirkiisa, waa deegaan qofka shaqaalaha ahi aanu qalalaadka yaryar in lagu ciqaabo aanu ka baqayn, waa deegaan shaqaaluhu ay is garabsadaan iyagoo aan is xasdayn

4. Maamulaha wanaagsani waa tusaale dhanka shaqada ah oo isaga ayaa ah qofka 1aad ee looga daydo dhanka shaqada. Ma ahan qof shaqaalaha ku amra in ay shaqadabqabtaan isaguna iska fadhiyo.

5. Waa maamule wax dhagaysta oo dadkan la shaqaynaaya fikirada iyo talooyinka ay u soo gudbinyaan dhagaha u dhiga. Ma ahan qof dadka iskala weyn oo hadalka ku xira

6. Waa maamule kor u qaadaaya shaqada. Dadkan shaqaynaaya shaqadooda iyo mihnadooda shaqo waa mid kor u qaadaaya. Markii ay shaqaaluhu qabtaan shaqo wanaagsan wuxuu uga falceliyaa si fiican oo wuxuu ku dhahaa waxaad qabateen sshaqo wanaagsan, sidoo kale hadii shaqada ay dib u dhac ku yimaado wuxuu u naqdiyaa hab wanaagsan oo wuxuu ku dhiiri geliyaa in wixii ay shaqaaluhu ka gaabiyeen uu ku guubaabiyo inay ku dadaalaan.

7. Waa maamule shaqaalihiisu u kala soocan yihiin oo mid walba waxqabadkiisa wanaagsan ku umaan, kii ka gaabiyana ku caawiya sidii uu gaabiskaas uga bixi lahaa.

8. Waa maamule leh hadaf iyo isataraatijiyad. Waa maamule ay u caddahay barta uu u socdo, sidoo kale xaaladda uu ku jiro iyo halka uu taagan yahay waa maamule yaqaana. Sidoo kale waxaa u cad istaraatijiyadda uu bartuu u socdo ku gaari lahaana waa maamule yaqaan oo ay u jeexan tahay.

9. Waa maamule leh jadwal maalmeed, bileed, sanadle, isla markaan si joogto ah mar walba dib u eegid ugu sameeya sida jadwalkiisa iyo natiijada shaqo isula socdaan.

10. Maamulaha wanaagsan waxaa lagu gartaa in uu shaqaalihiisa si hoose mid walba xaaladiisa u gaarka ah ula socda, kana caawiya wixii duruufo ah ee u gaar ah ee haysta.

W/D: ๐— ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ ๐—ข๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐—๐—ฎ๐—บ๐—ฎ

20/05/2021

Sida loo furfuro is le egta quadratic-habka dhamaystirka laba jobbaar.

17/05/2021

Weydiin: Raadi number tiro idil ah oo labo jibbaarkiรฌsa oo laban laaban loona geeyey isla numberkaas aad helayso 10.

14/05/2021

Indices

06/05/2021

Baydkaan Akhri:
ู‚ุทุนู†ุง ุนู„ู‰ ู‚ุทุน ุงู„ู‚ุทุง ู‚ุทุน ู„ูŠู„ุฉ
*ุณุฑุงุนุง ุนู„ู‰ ุงู„ุฎูŠู„ ุงู„ุนุชุงู‚ ุงู„ู„ุงุญู‚ูŠ.
Markaad Akhrisay Kaddib, Dibnahaagu(bishimahaagu) ma is taabteen?

03/05/2021

Furfurista Saableeyda- JIDKA SAABLEEYDA

02/05/2021

Furfirida Saableyda Habka isiraynta. Solving quadratic equation by factorising.

29/04/2021

Xeerka Jibbaarada Xisaabta

Want your school to be the top-listed School/college in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Kismayo