Beder Primary And Secondary School

Beder Primary And Secondary School

Share

Kani waa bogga rasmiga ah ee Dugsiga Hoose, Dhexe & Sare ee Beder, kaasoo ku yaallaa xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

This is the official page of Beder Primary and Secondary School that locates in Farjanno Village, Kismayo, Somalia.

15/08/2026

Maamulka, macallimiinta, ardeyda iyo dhammaan bahda Dugsiga Beder waxa hambalyo u dirayaan dhammaan ardeyda Soomaaliyeed ee ku guuleystay imtixaanka qaranka ee fasalka 12aad, sanad dugsiyeedka 2025-2026, gaar ahaan ardeyda dugsiga Beder.

Alle mahaddii dhammaan ardeydii Sanadkan u fadhiisatay imtixaanka qaranka ee ka socday dugsiga Beder way gudbeen waliba natiijo aad u qurux badan.

Tirada guud ee ardaydu waxa ay ahayd 79 arday(46 wiil iyo 33 gabdhood), kuwaas oo dhammaantoos ku baasay imtixaanka qaranka ee fasalka 12aad.

15/08/2026

إنا لله وإنا إليه راجعون
Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan bahda dugsiga Beder waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ehelka iyo qaraabada uu ka baxay Sheekh Xasan Cabdullaahi Daahir (Gargaduud) oo kamid ahaa waalidiinta ay ardeydu u dhigato dugsiga Beder.
Sheekha ayaa shalay u timid ajashii, waxaana la aasay maanta.
Waxaan Alle uga baryeynaa sheekha in uu naxariistiisa siiyo, qabrigana u waasiciyo, sidoo kale ku abaalmariyo janada Fardowso ee sare.

15/08/2026

Daawiingalintu way socotaa, tirada ardeyda ee la qaadanaya way xididantahay ee fadlan horey u gaar xarunta dugsiga yaanay kaa buuxsamine.

03/08/2026

Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Maamulka, macallimiinta, ardeyda iyo dhammaan bahda dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Beder, waxa ay hambalyo aad u weyn u dirayaan Mudane Mahad Abdisalam Ciiraale oo kamid ah bareyaasha dugsiga, kaasoo oo maanta loo magacaabay gudoomiyaha jaamacadda Caalamiga ah ee Daha faraceeda Kismaayo.

Waxaan ugu duceynaynaa Gudoomiyaha Cusub in Alle ku asturo masuuliyadda una fududeeyo xilka loo magacaabay.

Guuleyso Gudoomiye.

30/07/2026

Waxaa la ogeysiinayaa waalidiinta iyo ardeyda dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Beder in maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahau 31 July 2026, la shaacin doonaa natiijada imtixaankii k**a dambaysta ahaa ee sanad dugsiyeedka 2025-2026.

Dhammaan ardeyda waxaan u rajaynaynaa guul iyo kaalmo sare inshaa Allaah.

Photos from Beder Primary And Secondary School's post 21/07/2026

Hambalyo Hambalyo Hambalyo.
Bahda dugsige hoose, dhexe iyo sare ee Beder waxa ay hambalyo u dirayaan ustaad Tamaam Cabdi Xuseen oo kamid ah bareyaasha dugsiga kaasoo maanta soo afmeeray waxbarashada heerka 1aad ee jaamacadda.
Bahda Beder waxa ay u rajaynayaan ustaadku in cilmiga uu bartay Alle uga yeelo mid anfaca isaga iyo ummada muslimka ahba.
.

Photos from Beder Primary And Secondary School's post 21/07/2026

Guul iyo kaalmo sare baan idiin rajaynaynaa inshaa Allaah.

20/07/2026

Maamulka iyo dhammaan bahda dugsiga Beder ayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, bahda Waxbarashada iyo guud ahaan shacabka Jubaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare ee Jubbaland Marxuum Mukhtaar Kaamil.

Waxaan Alle SWT uga baryaynaa Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, dambigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, bahda Waxbarashada iyo guud ahaan shacabka Jubaland.

Photos from Beder Primary And Secondary School's post 20/07/2026

Qeybta 2aad ee sawirradii ardeyda fasalka 8aad ee dugsiga Beder

Photos from Beder Primary And Secondary School's post 20/07/2026

Maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Beder waxay si diirran oo kalgacal leh u sagootinayaan ardayda dufcaddii sideedaad ee fasalka 8aad, kuwaas oo dalxiis iyo damaashaad u aaday deegaanka Yoontooy ee duleedka Kismaayo.
Ardayda waxaa wehliyay qaar ka mid ah macallimiinta dugsiga.

📸 Maalin xasuus mudan, sawirro qurux badan iyo farxad lagu xardhay qalbiyo da’yar ah, oo rajo iyo riyooyin weyn ku tallaabsanaya.

Bahda Beder – Maamul iyo Macallinba – waxay idiin rajaynayaan:
✨ Inuu Ilaahay idinka dhigo kuwa ku liibaana labada daaroodba.
✨ Inuu cilmigiinnu noqdo mid waxtar iyo iftiin u noqda ummadda.
✨ Inuu dadaalkiinna ka dhigo mid la arko mirihiisa.

Dugsiga Beder - Hoyga Horumarka iyo Waxbarashada tayaysan.





Want your school to be the top-listed School/college in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Siinaay Street
Kismayo

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:20
Tuesday 07:00 - 17:20
Wednesday 07:00 - 17:20
Saturday 07:00 - 17:20
Sunday 07:00 - 17:20