02/05/2026
Hambalyo dhammaan ardayda kaalmaha h**e ka galay imtixanka tafsiirka quranka ee machadka ubaya ibnu kacab .
القر ءا ن عليه مدا ر حيا تنا ،ومصدر شر فنا و عزتنا
02/05/2026
Hambalyo dhammaan ardayda kaalmaha h**e ka galay imtixanka tafsiirka quranka ee machadka ubaya ibnu kacab .
19/03/2026
Ciid Mubaarak dhamaan ummada muslimiinta ah, Allah ha inaga aqbalo soonkii iyo Acmaashii Wanaagsanayd
Ciidan ciideedana Allah ha ingu gaarsiiyo caafimaad, cimri dherar,cibaado iyo camal suuban.
كل عام وانتم بخير تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.
02/03/2026
Hambalyo Cabdinaasir Maxamed Khayr ayaa ku guuleystay kaalinta 1aad Tartanka Soomaaliya ee Qur’aanka kariimka 2026 .
20 kun Doolar ayuu abaal marin u helay Booqashada Baydka Allaah ayaa u dheer.
28/02/2026
Ifrax maxamed abshir oo ah ardayad dhigata madrasada ubaya ibnu kacab ayaa kuguuleysatay kalinta 5aad ee tartanka qur'anka kariimka ee jubaland.
23/10/2025
HAMBALYO HAMBALYO
_ __
Maamulka iyo Macallimiinta Machadka Ubaya Binu Kacab.
waxay hambalyo iyo bogaadin diiran u dirayaan dhammaan ardadii gabdhaha ahayd ee ka qeyb gashay imtixaankii Tafsiirka Qur’aanka Kariimka, kuwaas oo muujiyey dadaal dheeri ah iyo karti.
Fiiro Gaar ah (FG):
Maamulka iyo macallimiinta waxa ay si gaar ah ugu hambalyeenayaan saddexda kaalmood ee ugu saraysa , kuwaas oo natiijooyinkoodii aad u wanaagsanaa:
🥇 Kaalinta 1aad: Maryan Maxamed Xuseen .
🥈 Kaalinta 2aad: Nuurto Abshir maxamed iyo Cadey Cadow Maxamed .
🥉 Kaalinta 3aad: Asma Abshir Maxamed iyo Aamina Ali Xasan .
Aad iyo aad ayaan idiin hambalyeenaynaa gabdhahaas qiimaha leh, waxaana idiin rajaynaynaa guul iyo horumar .
Waxaa kale oo aan dhiirrigelinaynaa dhammaan ardayda kale ee dadaalka muujiyey in ay sii wadaan dadaalkooda ayna ku dadaalaan barashada kitaabka Alle .
Wabillaahi Towfiiq.
15/10/2025
Hadafkeenna waa in aan soo saarno arday aqoon iyo anshax leh oo anfaca naftooda, waalidiintooda iyo dalkoodaba.
waa mid ka mid ah ardadeena madarasada ubaya ibnu kacab allaha xifdiyo.
#ماشاءاللــّٰـــــه
با رك الله فيك
01/09/2025
بِسْمِ اللّٰهِ الرَّحْمٰنِ الرَّحِيْمِ
Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh
Waxaa sharaf weyn noo ahayd in maalintii shalay oo taariikhdu ahayd 31/09/2025 ay madarasadeenna soo booqdaan culimo qiimo badan oo ka timid magaalada Muqdisho.
Culumadu waxay ardayda ku dhiirrigeliyeen muhiimadda ay leedahay waxbarashada, iyagoo xusuusiyey in jiilka maanta uu yahay mustaqbalka berri, isla markaana looga baahan yahay dadaal iyo karti si ay u noqdaan dadkii beddeli lahaa bulshada kuna hoggaamin lahaa wanaag iyo horumar.
16/07/2025
OGAYSIIS OGAYSIIS
Dhamman waalidiinta iyo dhalinyarada waxa la ogeysiinaya
Caawa wxaa noo jirto Muxaadaro muhiim ah oo ku saabsan
1 التربية والتعليم في الاسلام،
2علوم الهمةفي التعليم،
3 دور الوالدين في تربية الاولاد،
Waxaa noo soo jeedin doonaa kheyr allaha siiye
.
🔻𝐖𝐀𝐊𝐇𝐓𝐈𝐆𝐀 : 𝐂𝐚𝐚𝐰𝐚 7:30 𝐩𝐦 Fiidnimo
🔻𝐆𝐎𝐎𝐁𝐓𝐀 : madarasatu ubay binu kacab oo kutaala xaafadda dalcadda .
Waxan rajeynaynaa in dhamaantiin aad ka soo qayb gashaan insha'allah .