14/05/2026
Midowga Ardayda Jaamacadda Kismaayo
The Kismayo University Students Union (KUSU) is a student organization at Kismayo University committed to nourishing cultural, intellectual, and education
14/05/2026
14/05/2026
Day Five
Kismayo University Cultural-weak
14/05/2026
Day four Kismayo University Cultural-weak
14/05/2026
Day Three Kismayo University Cultural-weak
11/05/2026
Day two Cultural-weak
Kismayo University
10/05/2026
Day One Kismayo University
07/05/2026
Waxaa maanta kulan is xog-waraysi iyo isbarasho ah wada yeeshay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Mohamed noor Ali iyo qaar ka mid ah hoggaanka Midowga Ardayda Jaamacadda.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda, Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maaliyadda ee Midowga Ardayda.
Wasiirka ayaa la wadaagay masuuliyiinta ardayda talooyin iyo dardaaranno muhiim ah oo la xiriira hoggaaminta, wada shaqeynta iyo doorka dhalinyarada ee horumarka bulshada iyo dalka. Sidoo kale kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo dhiirrigelin leh.
Guddoonka Midowga Ardayda Jaamacadda Kismaayo ayaa si heersare ah u fuliyey dib-u-habayn iyo dayactir lagu sameeyey taallada Jaamacadda, taas oo ah astaan muhiim u ah bilicda iyo muuqaalka guud ee xarunta.
Kismayo University
27/04/2026
Qeyb ka mid ah ardayda Kulliyadda Barashada Kombiyuutarka ayaa ka qeybgalay barnaamijka Taxanaha Doodaha Ardayda, oo ah madal aqooneed loogu talagalay gorfeynta iyo falanqeynta mowduucyada muhiimka ah.
Doodda waxaa sidoo kale ka qeybgalay Xafiiska Arrimaha Ardayda ee Jaamacadda iyo Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda, Mudane Nimcaan Weli Cali.
Ardaydu waxay si qotodheer u falanqeeyeen mowduuca “Saameynta togan iyo tan taban ee AI-ga”, iyaga oo soo bandhigay aragtiyo kala duwan iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sida ugu habboon ee loo adeegsan karo Garaad Gacmeedka.
18/04/2026
Sabti, 18 April 2026
Maanta waxaa sharaf noo ahayd in aan ka qaybgalno casuumad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaaladda.
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Kismaayo iyo qaar ka mid ah ardayda Kulliyadda IT, gaar ahaan Semester 8, ayaa soo bandhigay systems cusub oo muujinaya dadaalka, hal-abuurka iyo heerka ay gaareen ardayda jaamacadda.
Waxaa si gaar ah loo dhageystay warbixin ku saabsan apps-ka cusub ee ay ardaydu diyaariyeen, kuwaas oo muhiim u noqon kara horumarinta xabsiyada iyo guud ahaan goobaha shaqo ee casriga ah. Tani waxay caddeyneysaa in deegaanka uu leeyahay aqoon iyo karti la jaanqaadi karta waqtiga la joogo.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane Cabdilewali iyo Agaasimaha Waaxda Xabsiyada Mudane Sharmaarke ayaa si weyn u bogaadiyey ardayda, iyagoo ku dhiirrigeliyay in ay sii wadaan dadaalkooda, isla markaana ballan qaaday in ay garab istaagi doonaan.
Waa guul u soo hoyatay ardayda Jaamacadda Kismaayo iyo mustaqbal ifaya oo la taaban karo.
Shalay oo ku beegnayd 16-04-2026, waxa Jaamacadda Kismaayo ka qabsoomay barnaamij aad u qiimo badan oo ku saabsanaa “Tech Day”.
Ardayda Kulliyadda IT-ga ayaa soo bandhigay systems iyo fikrado casri ah oo muujinaya hal-abuur, dadaal iyo horumar ay gaareen. Waxaa runtii la arkay mustaqbal ifaya oo ay dhalinyaradu ka leeyihiin dhanka technology-ga.
Hambalyo ardayda iyo macallimiinta dadaalka muujiyey
Waa bilow wanaagsan oo horumar lagu sii socon doono Insha Allah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Kismayo