22/11/2025
Waxaa mahad iyo amaan mudan Allaah SW
Ardayda dugsiga fanoole galinka danbe ee galableey ayaa soo agaasimey xalfad ay ku maamuusayaan maamulka iyo macalimiinta dugsiga munasabadda maalinta macalinka Soomaaliyeed ee 21kaNovember.
Macalimiinteenna Alloow kaal
Mudanaan iyo maamuus qaran macalin baa leh
22/11/2025
Waxaa mahad iyo amaan mudan Allaah SW.
Ardayda dugsiga fanoole galinka h**e ayaa soo agaasimey xalfad ay ku maamuusayaan maamulka iyo macalimiinta dugsiga munasabadda maalinta macalinka Soomaaliyeed ee 21kaNovember.
Macalimiinteenna Alloow kaal
Milgo iyo maamuus qaran macalin baa leh
21/11/2025
Hambalyo Dhammaan Macalimiinta Soomaaliyeed gaar ahaan macalimiinta dugsiga faanoole.
Milgo iyo maamuus qaran macalin baa leh
29/10/2025
KULAN DUCO IYO QUR'AAN AKHRIS
Maamulha dugsiga, Macallimiinta dugsiga, Ardayada dhigata Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Faanoole ayaa kulan duco iyo qur'aan akhris ah u Sameyay Maamulihii ugu h**eeyay iyo kormeerahii guud ee dugsiga faanoole Marxuum Ustaad Maxamuud Kulmiye Samatar oo ka mid ahaa aasaasayaasha dugsiga.
Xaqiiqdii saakey waxay ahayd Subax ka duwan Subaxyada kale, Qalbiyadeenna ayuu weli ku weyn yahay Allaha u naxariisto, Jannadii Firdowsna ha ka waraabiyo kitaabkiisana Midigta Allaha ka siiyo Allahana u nuuriyo Qabrigiisa Marti la jecel yahay Allahaa kadhigo.
27/10/2025
TACSI:
إن العين لتدمع وإن والقلب ليحزن وإنا على فراقك لمحزنون ،ولا نقول إلا ما يرضي ربنا.
إنا لله وإنا إليه لراجعون.
Inaalilhi wa inaa illeyhi raajucuun tacsi tiiranyo leh.
Dhammaan eheladii, qarabadii macalinmiintii iyo ardaydiii uu ka geeriyooday Ustaad Maxamuud Kulmiye Samatar Alle ha u naxriisto qabrigana rabi ha u waasiciyo kitaabkiisana midigta haka siiyo Marti la jecel yahayna Allahaa ka dhigo su'aasha allah u fududeeyo samir iyo imaan hanga wada siiyo.
Allahaa unaxariisto Ustaad Maxamuud Kulmiye Samatar oo Saake ku geeriyooday magaalada Kismayo.
Ustaadku wuxuu ahaa Maamulihii ugu h**eeyay iyo kormeerahii Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Faanoole sidoo kale waxa uu ka mid ahaa aasaasayaasha Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Faanoole.
Ustaadka waxa uu barbaariye ahaa muddo ku dhawaad nus qarni, soona saaray jiilal badan oo aqoon yahanna ah.
Ustaadka Allahaa unaxariisto waxaa lagu tukanayaa salaadda Jannaasada Masjidka Xamza ee Xafadda Calanley (Dalcadda) magaalada kismaayo Salaadda Casar kadib insha allah.
إلى جنّات الخلد بإذن الله.
15/10/2025
Waxaa ka dhacay gudaha dugsiga faanoole xafladda xil wareejinta gudoomiyaha cusub ee ardadyda dugsiga.
30/09/2025
Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Maamulka, macalimiinta iyo dhammaan bahda dugsiga waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan labada guddoomiye ee ku soo baxay dorashadii maanta ka dhacday gudaha dugsiga faanoole ee kala ah
Yahaye Ahmed Farah oo ku guulaystay guddoomiyaha ardayda iyo idil Mohamed Ahmed oo ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka guddiga ardayda dugsiga faanoole sanad dugsiyeedka 2025-2026.
30/09/2025
Natiijada doorashada wareega 2aad ee guddoomiyaha ardayda.
30/09/2025
Wareega 2aad ee doorashada guddoomiyaha ardayda dugsiga faanoole.
Sanad dugsiyeedka 2025-2026.
30/09/2025
Waxaa wareega 2aad isula soo gudbay doorashada guddoomiyaha ardayda dugsiga faanoole labada musharax ee ugu codka sareeya ee tartamaya.