05/08/2026
Jaamacadda Kismaayo waxay tacsi tiiraanyo leh ka diraysaa geerida Alle ha u naxariistee Xasan Cabdi Xaashi, Guddoomiyihii Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.
Marxuumku wuxuu ahaa Guddoomiyihii ugu horreeyey ee Golaha Fulinta ee Jamciyadda Towfiiq ee Jaamacaddu hoos tagto, sidoo kalena wuxuu hadda ka mid ahaa ardayda Jaamacadda Kismaayo, gaar ahaan Kulliyadda Maamulka iyo Dhaqaalaha.
Jaamacaddu waxay tacsi u diraysaa qoyskiisa, ehelladiisa iyo dhammaan shacabka uu ka baxay, iyadoo Eebbe uga baryaysa inuu naxariistiisa Janno ku mannaysto, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
02/08/2026
Jaamacadda Kismaayo waxay ogeysiinaysaa dhammaan ardayda jecel inay ku soo biiraan Jaamacadda sannad-daraaseedka 2026–2027 in ay si rasmi ah u bilaabatay isdiiwaangelinta.
Fadlan soo booqo xarunta jaamacadda qaybta Calanlay Campus si aad isu diiwaangaliso.
28/07/2026
Jaamacadda Kismaayo waxa ay soo dhaweysay Dr. Dennis Matanda, oo ah Cilmi-baare Sare oo ka socda Population Council (Kenya), booqasho shaqo oo laba maalmood ah, 28–29 Luulyo 2026.
Booqashadan waxa ay qayb ka tahay iskaashiga socda ee u dhexeeya Jaamacadda Kismaayo, Population Council, iyo Jaamacado dhowr ah oo ka howlgala Bariga Afrika iyadoo Barnaamijkan Cilmi-baarista Wadajirka ah (JARP) ay taageereyso hayadda GIZ isla markaana ay maal-galisay Wasaaradda Federaalka Jarmalka ee Iskaashiga Dhaqaale iyo Horumarinta (BMZ). Ujeedka iskaashiga ayaa ah in Jaamacaduhu sameyaan nooc cilmibaaris ah oo loo yaqaan “Action Research” taas oo lagu sameynayo howlgal socdo si loola xaliyo caqabada uu howlalkaas wajahayo.
Inta ay booqashadu socoto, Dr. Matanda iyo xafiiska cilmibaarista Jaamacadda waxa uu dib u eegis ku sameeyn doonaan qorshaha cilmi-baarista, nidaamka xog-uruurinta, iyo hab-maamulka xogta ee cilmi-baarista lagu sameynayo mashruuca Rajokaabo ee Jaamacadda Kismaayo la fulineyso Wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaan mowduuca cilmibaarista ee ah: "Siyaabaha sare loogu qaadi karo Soo-Xaadiridda Duruusta iyo Guud ahaan Waxbarashada Ardayda Dheddigga ee Barnaamijka Waxbarashada Sare ee Gabdhaha ee lagu magacaabo Rajo Kaaba, Jubbaland.”
Jaamacadda Kismaayo waxaa ka go’an in ay dadaal ku bixiso sidii loo xoojin lahaa cilmibaarista isla markaana la isaga kaashan lahaa horumarinta waxbarashada iyo sare u qaadida aqoonta iyo xirfadaha macalimmiinteeda iyo ardaydeeda intaba.
27/07/2026
Kulliyadda Culuumta Kombiyuuterka ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay koorsada Cybersecurity, oo ay iska kaashanayaan Cisco Networking Academy iyo Jaamacadda Kismaayo.
Barnaamijkani wuxuu ardayda siinayaa xirfado casri ah oo dhanka Cybersecurity ah iyo fursad ay ku heli karaan shahaadooyin caalami ah.
Tani waa tallaabo kale oo muhiim ah oo Jaamacadda Kismaayo ay ku xoojinayso tayada waxbarashada, kuna diyaarinayso arday leh xirfado la jaanqaadaya suuqa shaqada ee casriga ah.
15/07/2026
Hambalyo iyo Bogaadin!
Maamulka Jaamacadda Kismaayo waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Dr. Khadija Ahmed Hassan, oo si guul leh ugu gudubtay imtixaanka MRCS Part B.
Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaal, karti iyo adkaysi. Waxaan u rajaynaynaa guulo iyo horumar intaas ka sii ballaaran, waxaana Alle uga baryaynaa inuu cilmigeeda ka dhigo mid waxtar u leh bulshada, dalka iyo guud ahaan ummadda.
Hambalyo mar kale, Dr. Khadija!
09/07/2026
Prof. Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa kalmad dardaaran iyo dhiirrigelin isugu jirta u jeediyay ardayda sannadkan ka qalinjebinaysa Jaamacadda Kismaayo. Prof-ka ayaa la wadaagay ardayda talooyin iyo waayo-aragnimo qiimo leh oo taabanayay dhinacyo kala duwan oo nolosha iyo xirfadda ah, isaga oo ku boorriyay inay sii wataan barashada, horumariyaan xirfadahooda, isla markaana u diyaar garoobaan mas’uuliyadaha iyo fursadaha sugaya mustaqbalka.
Intii uu kulanku socday, ardaydu waxay Prof-ka weydiiyeen su’aalo kala duwan, kuwaas oo uu si qotodheer uga jawaabay.
08/07/2026
Sawirro: Difaacashada Buugga Qalinjebinta ee Ardeyda qeybta Xisaabaadka.