19/03/2026
Munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed, Dugsiga jubba waxa uu hambalyo u dirayaa ummadda Muslimiinta ah gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed. ALLAH ha naga aqbalo acmaasha wanaagsan.
Ciid Wanaagsan
Kani waa bogga rasmiga ah ee Dugsiga Hoose, Dhexe & Sare ee jubba, kaasoo ku yaallaa xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.
This is the official page of Jubba Primary and Secondary School that locates in Farjanno Village, Kismayo, Somalia.
19/03/2026
Munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed, Dugsiga jubba waxa uu hambalyo u dirayaa ummadda Muslimiinta ah gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed. ALLAH ha naga aqbalo acmaasha wanaagsan.
Ciid Wanaagsan
25/02/2026
Khamiis , 25 feb 2026 : waxa hoolka hotel Rotana lagu qabtay xaflada shahaado siinta ardayda 8aadka sanad dugsiyeedka 2024 / 2025.
Fariin ku socota dhammaan waalidiinta school-ka Jubba
29/12/2025
Waxaa galabta lagu qabtay xarunta iskoolka xafladda abaalmarinta fasalka 6B oo ah guuleystayaasha tartan aqooneedkii qeybta Galin ka dambe.
Hampalyo guuleystayaasha
27/12/2025
Sabti : 27/12/2025.
Waxaa saaka subaxnimadii iskoolka lagu qabtay xaflad lagu abaal mariyay fasalladii ku guuleystay tartan aqooneedkii .
Fasalka 10C(f2C) oo ku guuleystay tartan aqooneedkii qeybta dugsiga sare
Fasalka 7D oo ku guuleystay tartan aqooneedkii qeybta dugsiga dhexe
Fasalka 12A (F4A) oo ku guuleystay tartan aqooneedkii maadada physics ka ee fasallada dugsiga sare.
Sido kale waxaa shahaado sharaf la gudoonsiiyay foomastarradii (horjoogayaashii fadalada guuleystay)
Xafladdaan waxaa soo agaasimay guddiga ardayda iskoolka.
Hampalyo dhamaan fasallada guuleystay.
25/12/2025
Asbucaan , waxaa la soo gabagabeeyay Tartan aqooneedkii iskoolka qeybta Galin ka h**e.
Qeybta dugsiga dhexe waxaa ku guuleystay 7D
Qeybta dugsiga sare waxaa ku guuleystay 10C (F2C).
Tartankaan waxaa qabanaayay Guddiga ardayda iskoolka.
Hampalyo guuleystayaasha Labada dhinac.
11/12/2025
Waxaa gabo gabo maraayo tartanka kubbada cagta ee fasallada dugsiga dhexe kaas beri galab hadduu alle idmo ay ciyaarta final ka k**a dambeysta ah wada ciyaari doonan fasallada 8A vs 7A .
05/12/2025
Jimco:5/12/2025
Waxaa galabta la soo gabagabeeyay tartan ciyaareedkii kubadda cagta ee fasallada dugsiga sare u socday maalmihii lasoo dhaafay.
Waxaa ciyaarta k**a dambaysta wada ciyaaray fasallada F4B vs F1D, waxayna kusoo idlaatay 3:0
Halkaas oo ay guushu ku raacday fasalka F4B.
Hambalyo F4B oo ku guuleystay tartan ciyaareedkii kubadda cagta ee fasallada dugsiga sare 2025-2026.
05/12/2025
Arbaco, 03-12-2025
Waxaa xarunta iskuulka ka dhacday munaasabad ay soo agaasimeen guddiga ardayda iskuulka Jubba, taas oo lagu dhiirigalinayey macallimiinta gelinka dambe ee iskuulka Jubba.
Qeybo kamid ah ardada ayaa hadallo dhiiri galin iyo amaan isugu jira meesha kasoo jeediyay.
Ugu dambeyn waxaa abaalmarinno la gudoonsiiyay dhamaan macallimiinta iyo howl wadeennada kale ee iskuulka.
03/12/2025
Waxaa meel fcn maraayo tartanka fasalada dugsiga sare maadada physics ka kaas oo loo gudbay wareega labaad.
11 fasal oo dugsiga sare dhigato aya waxaa wareega labaad qori tuur ku aaday fasalka 9D, halka 10 ka fasal oo kalena ay wareega kowaad tartameen .
waxaa wareega labaad u gudbay shan fasal lagu daray fasalkii horay usii fadhiyay
Sidaas darteed wareega labaad waxaa isku arki doono 6 fasal oo dugsi sare .
02/12/2025
Waxaa meel fiican maraya ciyaaraha fasallada dugsiga sare ee iskuulka Jubba.
Fasallada 12B iyo 11B oo galabta wada ciyaaray ayaa 2- 2 ku kala baxay , kadhib fasalka 12B ayaa rigoorayaal ku soo baxay sidaas na ku aaday final ka .