Dugsiga Hoose Dhexe sare ee kismaayo

Dugsiga Hoose Dhexe  sare ee kismaayo

Share

waa Dugsi ahli oo Bulshada leedahay waa hooyga aqoonta

Photos from Dugsiga Hoose Dhexe  sare ee kismaayo's post 05/11/2025

Waxay inoo ahayd Maalin qiimo iyo farxad leh oo nooga qabsoontay Dugsiga Hoose Dhexe sare ee kismaayo taas oo ahayd xafladda caleema-saarka guddoonka cusub ee ardayda. Xafladdan ayaa si weyn loo soo agaasimay, waxaana ka soo qayb galay maamulka dugsiga, macallimiin, Marti sharaf kale , iyo ardayda dugsiga oo aad u Farxsanaa

Waxaa sidoo kale hadallo soo dhoweeyn iyo dhiirigelin ah jeediyay macallimiinta iyo guddoomiyihii h**e ee ardayda, iyo marti sharaf kale kuwaas oo la wadaagay talooyin iyo waayo-aragnimo ku saabsan hoggaaminta iyo wada-shaqeynta.

Intaa kaddib, waxaa si rasmi ah xilka loogu wareejiyay guddoonka cusub, iyadoo ay ka muuqatay kalsooni, karti iyo ballanqaad ay si hagar laโ€™aan ah ugu adeegayaan dugsigooda iyo saaxiibadooda.

Xafladda ayaa ku soo dhammaatay jawi farxad leh, waano dhiirigelin ah, iyo sawirro xusuus leh oo ay ardaydu Muujiyeen

Xafladda caleema-saarka guddoonka ardayda waxay ahayd munaasabad muujisay isku duubnida, hoggaaminta wanaagsan, iyo rabitaanka ardayda ee horumarinta dugsigooda.

Photos from Dugsiga Hoose Dhexe  sare ee kismaayo's post 22/10/2025

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 22/10/2025 ayaa si Nidaam iyo Badqab ah uga dhacday dugsiga Kismayo doorashadii Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka Midowga Guud ee Ardeyda.

Doorashadan ayaa lagu qabtay nidaam Digital casri ah (Online System), taas oo qayb ka Hanaanka lagu horumarinayo hannaanka maamulka iyo codbixinta ardayda Si ay ula Qabsadaan Tiknoolajiyada casriga Ee Qarniga 21aad.

Nidaamkaasi waxaa si xirfad leh inoogu diyaariyay Arday kamid ah Arday Ardaydii ka qalinjabiyay Dugsiga sare ENG Garsame M. Iftin iyo Ibrahim Ahmed Abdirahman kuwaas oo kaalin weyn ka qaatay fududeynta iyo hufnaanta geedi-socodka doorashada.

Photos from Dugsiga Hoose Dhexe  sare ee kismaayo's post 22/10/2025

Fariin Hambalyo iyo Bogaadin ๐ŸŽ‰

Maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Kismayo School waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ardayda ku guuleysatay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Guud ee Ardeyda.

Waxaan hambalyo gaar ah u diraynaa:
๐Ÿ‘‰ Guddoomiyaha Midowga Guud ee Ardeyda: Maxamed Xulbaalle Maxamed
๐Ÿ‘‰ Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Ardeyda : Raxmo Rashid Abdi

Photos from Dugsiga Hoose Dhexe  sare ee kismaayo's post 21/10/2025

๐Ÿ“ข Ogeysiis Muhiim ah

Maanta waxaa si rasmi ah shahaadada musharraxnimo u qaatay musharrixiinta u tartamaysa xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka dugsiga Kismayo.

Tani waxay calaamad u tahay bilowga tartan hufan oo xambaarsan hormar, daacadnimo, iyo hoggaan wanaagsan.

Waxaan u rajaynaynaa dhammaan musharrixiinta guul iyo tartan cadaalad ah.
Mid kasta ha muujiyo kartidiisa iyo sida uu doonayo inuu wax ugu qabto ardayda.

20/10/2025

Musharrax Guddoomiye Rahmo Rashid Abdi
ayaa la wadaagtay ardayda dugsiga Kismayo farriinteeda musharraxnimo, iyada oo ka hadashay aragtideeda, yoolkeeda iyo sida ay doonayso inay wax ugu qabato ardayda dugsiga.

20/10/2025

Musharrax Guddoomiye Asma Abdikadir Mohamed
ayaa la wadaagtay ardayda dugsiga Kismayo farriinteeda musharraxnimo, iyada oo ka hadashay aragtideeda, yoolkeeda iyo sida ay doonayso inay wax ugu qabato ardayda dugsiga.

20/10/2025

Musharrax Guddoomiye Maxamed Xulbaalle Maxamed
ayaa la wadaagay ardayda dugsiga Kismayo farriintiisa musharraxnimo, isaga oo ka hadlay aragtidiisa, yoolkiisa iyo sida uu doonayo inuu wax ugu qabto ardayda dugsiga.

20/10/2025

Musharrax Guddoomiye Cabdiraxman Cabdikariin Cabdullaahi ayaa la wadaagay ardayda dugsiga Kismayo farriintiisa musharraxnimo, isaga oo ka hadlay aragtidiisa, yoolkiisa iyo sida uu doonayo inuu wax ugu qabto ardayda dugsiga.

20/10/2025

Musharrax Guddoomiye Abdiwahaab Yuusuf Xasan
ayaa la wadaagay ardayda dugsiga Kismayo farriintiisa musharraxnimo, isaga oo ka hadlay aragtidiisa, yoolkiisa iyo sida uu doonayo inuu wax ugu qabto ardayda dugsiga.

16/10/2025

OGEYSIIS MUHIIM AH
Waxaa la ogeysiinayaa bulshada guud ahaan iyo ardayda Dugsiga Kismaayo in doorashada Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka Midowga Ardayda ay dhici doonto maalinta Arbacada, taariikhdu markay tahay 22/10/2025 , haddii Eebbe idmo.

Ujeeddadu waa in ardayda lagu dhiirrigeliyo hoggaaminta, daacadnimada iyo masโ€™uuliyadda bulshada.

Goobta : Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Kismaayo

Waxaa la rajaynayaa ka qaybgal firfircoon iyo doorasho nabdoon.

Maamulka Dugsiga Kismaayo
-------------------------------------------------

Photos from Dugsiga Hoose Dhexe  sare ee kismaayo's post 23/09/2025

"ุฅู„ู‰ ุทู„ุงุจู†ุง ุงู„ู†ุฌุจุงุก ู„โ€ฆ
ู†ุชู‚ุฏู… ุฅู„ูŠูƒู… ุจูˆุงูุฑ ุงู„ุดูƒุฑ ูˆุงู„ุชู‚ุฏูŠุฑ ุนู„ู‰ ู…ุง ุชุจุฐู„ูˆู†ู‡ ู…ู† ุฌู‡ุฏ ู…ุชูˆุงุตู„ ูˆุนู…ู„ ุฏุคูˆุจ ููŠ ุณุจูŠู„ ุงุฑุชู‚ุงุก ู…ุฏุฑุณุชู†ุง. ู„ู‚ุฏ ูƒู†ุชู… ู…ุซุงู„ุงู‹ ู„ู„ุชููˆู‚ ุงู„ู…ุฎู„ุต ุงู„ุฐูŠ ูŠุฌู…ุน ุจูŠู† ุงู„ุญุฒู… ูˆุงู„ุฑุญู…ุฉุŒ ูˆุจูŠู† ุงู„ุชุฎุทูŠุท ุงู„ุณุฏูŠุฏ ูˆุงู„ุชู‚ุฏู… ุงู„ู…ุณุชู…ุฑ. ุฅู† ุจุตู…ุงุชูƒู… ูˆุงุถุญุฉ ููŠ ูƒู„ ุฅู†ุฌุงุฒ ู†ุญู‚ู‚ู‡ุŒ ูˆุฅู† ู…ุง ู†ุฑุงู‡ ู…ู† ู†ุฌุงุญุงุช ู…ุง ู‡ูˆ ุฅู„ุง ุซู…ุฑุฉ ู…ู† ุซู…ุงุฑ ุนุทุงุฆูƒู… ุงู„ู…ุจุงุฑูƒ. ูู„ูƒู… ู…ู†ุง ุฎุงู„ุต ุงู„ุฏุนุงุก ุจุงู„ุชูˆููŠู‚ ูˆุงู„ุณุฏุงุฏุŒ ูˆู†ุณุฃู„ ุงู„ู„ู‡ ุฃู† ูŠุฌุนู„ ู…ุง ุชู‚ุฏู…ูˆู†ู‡ ููŠ ู…ูˆุงุฒูŠู† ุญุณู†ุงุชูƒู…ุŒ ูˆุฃู† ูŠุฏูŠู… ุนู„ูŠูƒู… ุงู„ุตุญุฉ ูˆุงู„ุนุงููŠุฉ

Want your school to be the top-listed School/college in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Kismayo