Daauus Media and TV

Daauus Media and TV

Share

waxaan kuso gudbin doona warar, muuqaalo ku xiisagaliya, riwaayado qaraami ah iyo dhacdooyinka maalinlaha ah ee caalamka.

28/08/2021

Barnaamij Tv, ka baxayey oo tabarucaadda lagu uruuriyo ayuu weriyihii dad weynaha u soo bandhigay xaaladda bukaan u baahan in lagu sameeyo qaliin 150 kun oo dollar ku baxayso, bukaanka ma awoodi karin inuu lacagtaas iska bixiyo.

Weriyihii wuxuu bilaabay inuu ka jawaabo wicitaanada dadka raba inay wax baxsadaan.

Dadka soo wacay waxaa ka mid ahaa wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed kaasoo sheegay inuu bukaanka ku tabarucay Lacag 2$ ah.

Weriyihii ayaa yiri: Ma 2$ dollar oo keliya?

Wuxuu ku jawaabay: Anigu baagamundo ayaan ahay oo ma shaqeeyo Labadaas dollar ayaa aheyd hantida keliya ee maanta aan haystay, waxaanan jecleystay inaan sadaqeysto!

Qofkii ku xigay ee barnaamijka soo wacay wuxuu Sadaqeystay 8 Kun oo dollar wuxuuna yiri 4 kun bukaanka ayaa leh, 4 kunna Wiilkii Labada dollar bixiyey hala siiyo.

Mid kale ayaa isna baxsaday 10 kun oo dollar wuxuuna yiri 5 kun bukaanka ayaa leh 5 kunna wiilkii labada dollar baxsaday.

Sidaa ayey ku socotay oo qof walba oo lacag baxsaday wuxuu u kala qeybiyey bukaanka iyo wiilkii labada dollar baxsaday.

Dhammaadkii barnaamijka markii la gaaray lacagtii bukaanka qaliinka loogu sameyn lahaa wey dhameystirantay, Wiilkii labada dollar sadaqeystayna lacag 50 kun oo dollar ku dhaw ayuu helay.

Barnaamij kale ayaa wiilkii lagu casuumay si Lacagtii uu helay loogu wareejiyo, wareysina looga qaado, intuu barnaamijku socday waxaa Tv-ga soo wacay Tobanaan shirkadood oo raba Inay wiilka shaqo siiyaan.

Dulucda dhacdadan waxay tahay:

Haddii aad wax sadaqeysato ILAAHAY wuxuu kuugu badalayaa wax ka kheyr badan, wuxuuna wax kaa irsaaqayaa meel aadan fileynin. Nabigu (SC) wuxuu yiri:
ما نقصت صدقة من مال
Oo macnaheedu yahay sadaqo maal ma yareyso.

Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Mustaf Awil Hassan

15/02/2020

TOBAN QODOB OO DAAWO U AH MURUGADA WEL-WELKA IYO TIIRAANYADA
====================================================
Haddaad u kuur gasho nolosha Bulshada Soomaaliyeed ee maanta, waxaad mooddaa in Murugada, Wel-welka, Tiiraanyada iyo fekarku noqdeen qayb noloshooda ka mid ah, mid yar iyo mid wayn, mid dal jooga iyo mid dibed jooga, mid Taajira iyo mid sabool ahba.

Si dhibaatooyinkan daawo loogu gelo ayey tobankan qodob ama talooyinka halkaan aan kusoo gudbin doono soo koobayaan waxayna ku dhisan yihiin Shareecada Islaamka, Qur’aanka iyo Sunada.

Kitaab uu Qoray Sh. Caa’id Bin Cabdalla Al-qarni, oo ku soo baxay afka carabiga loona tarjumay luuqado ay ka mid tahay tan Ingiriiska ayaa arimahan lagu bidhaamiyey magaca kitaabkuna waa LAA TAXZAN ama DON’T BE SAD.

Haddaba aan wada aragno dawooyinka Murugada:

1. ILAAHAY KA MAGAN GAL, welwelka iyo tiiraan yada, Waayo?, waa bur burka nafta banii aadamka, waa cudur halis ah, daal iyo quus ayuu nafta dhaxalsiiyaa, Shalaytada iyo haaraanka ayuu dabeecad kaaga dhigayaa, waa Shaqada shaydaanka inuu Muslimiinta welwel geliyo, waxaa nabigii SCW ka sugan inuu ilaahay ka magan gali jiray HAMIGA IYO XUZNIGA, oo maxay kala yihiin?. Haduu qofku ka welwelo dhib uu mustaqbalka ka baqayo waa HAMI, wax lasoo dhaafay haduu ka tiiraan yoonayana waa XUZNI. Labadaba ilaahay ka magan gal qalbiga qofkay dilaan, talada iyo go’aankana ka qaadaane.

2. MAXAAD KA WEL WELAYSAA?, ugu horanba is waydii su’aashaas, waxa aad ka wel welayso waa noocee?. Hadday cibaado yaridaada iyo maxaad rabi u caasiday tahay, waa Gar; laakiin Towbad keen iyo allood u noqotaa lagu daweeyaa, walbahaar kaligiis ahi xal noqon maayo. Hadday Dhibka Muslimiinta haysta kuwa la gumaadayo iyo kuwa ayagu is warjeefaya ku salaysan tahayna waa gar, Laakiin xalkeedu waa inaad wel welka iyo Isla hadalka fal wax qabad leh u badashid oo wixii awooddaada ah ku taageertid Ducada iyo alla barigana aad Heegan la ahaatid. Hadduu welwel kaagu ku slaysan yahay hawlo adduun iyo hanti xoolaad waa gar darro, waayo?. ayadoo dhanbaa Imtixaan ka samaysan, haddii laguu daro iyo hadii lagaa darbeeyaba Su’aalbaa daba taal, Nabiyadii rabi soo diray oo dhan ayaa lagu dhibay, qaar la dilay, qaar dalkoodii laga tarxiilay iyo kuwo dab lagu ridayba waa lahaayeen. Maxaad adduunyo ka wel weshaa adoo qaawan baad timid adoo qayd kaliya wataadna ka tagaysaa, Fekerkaaga meel ku xir, oo Maalinta Qiyaame maxaad alle la hor tagaysaa ku koob. Nebi Muxamed SCW wuxuu yiri haddii adduunyo alla agti garab Kaneeco Qiimihi ku leedahay, Gaal koob biyo ah k**a waraabiyeen, marka ma garbaa inaad la walbahaarto oo har iyo hoyba u seegtid.

3. SABIR IYO DULQAAD: hadii dhibaato adduunyo kugu habsato noocay doonto ha’ahaato intay doontana ha le’ekaatee; samir iyo dulqaad ha illoobin, waa qayb cibaadada ka mid ah, Allana wuxuu la jiraa kuwa samra, abaalkooda iyo ajarkooda xisaab la’aan ayaa faraha looga saaraa, dhib kasta allaa faydi kara, Cudur kastana dawo ayuu leeyahay, waxaan geeri iyo gabaw ka ahayn, Dhibaato adduunyoo kastana waatii faydanta, mar kastoo mugdigu batana iftiinka ayaa soo dhawaada, ee marnaba ha sugi waayin, xaga rabbina wanaag ka filo.

4. TIIRKA ALLE QABSO: waa tiir aad u adag, oo aan dumayn dabcaynna, waa tiirka kaliya ee laysku hubo, waa albaabka aadan ku hungoobayn lagaana horayn, Markaad tiirarka kaloo dhan ka quusatid, irdaha kaloo dhan lagaa ooto, magaca alle ha illoobin, dhibkasta asagaa fayda qof kastoo kurbaysanna u gar gaara, Nebi Ibraahim Caleyhi salaam ayaa dab lagu riday oo ku dhawaaqay Xasbuna laahu wa nicmal wakiil, Qabaw aan qar qaryo lahayn ayaa alla uga dhigay, Culays kastoo ku saaran alle ka bari inuu kaa dajiyo, waxaadna ogaataa noolaha oo dhani wax aan alla kaaga soo qaadin inayan kusiin Karin, haddaan Rabbi kugu sababinna ayan wax dhib ah kuu gaysan Karin. Habeenka Qaybtiisa dambe ha moogaan, waxaad cuntaana xalaal ha noqdaan niyad samina alle ku bari insha allaah dhibkuna waa tagayaa kurbaduna waa ku daynaysaa.

5. RUMAYNTA QADARKA: Tiirarka Iimaanku ku dhisan yahay waxaa ka mid ah Rumaynta Qadarka, dhib iyo dheef wixii kugu dhaca inaad ogaato in alla kuu qoray adigoon dunida Imaan, marka waxa laysku dhaafay waa dulqaadka iyo iimaanka, Nebigu SCW wuxuu yiri waxaa yaab leh qofka Muslimka arimihiisa, wax kastoo qabsadaa waa u khayr, qof aan muslin ahayna arrintaas ma helo, Haduu wanaag helo Alluu mahdiyaa markaas ayuu khayr u noqdaa, haddu dhib qabsadana wuu Sabraa(dulqaataa) markaasaa Sabirkaasi khayr u noqdaa., Sidaas ayuuna Suubanuhu ku barbaariyay Saxaabada, C/laahi Bin Cabaas ayaa nebigu SCW ku yiri ..ogow hadii dadkoo idili ku heshiiyaan inay dhib kuu gaystaan inayan kuu gaysan Karin waxaan alla kuu qorin, haddiise ay ku heshiiyaan inay wanaag kuu qabtaan inayan kuu qaban Karin wax aan alla kuu qorin, Aayadda 30aad ee suuradda Al-shuuraana waatii macnaheedu ahaa Wixii idinku dhaca oo musiibo ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen gacmihiinnu, wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan.

Haddaba ogow Inay Iimaanka ka mid tahay Rumaynta Qadarka iyo u hogaansamidda xukunka Alle.

6. QUUSASHADA: Waligaa haka quusan hana ka samrin in kurbada alla kaa faydo, albaabada khayrka ee furmi doonana ha sugi waayin hana daahsan, qofkii Alle Cabsidiisa iyo cibaadadiisa garab ka dhigta wax walboo culus wuu u fududeeyaa, dib u milicso maalmihii kusoo maray meeqaa albaabadoo dhani isa soo xireen?,horay iyo gadaalba dhan aad u tallaabto meeqaad garan wayday?, meeqaad is tiri Maanta Ciirsi ma jiro?,meeqaa dunidii kula madoobaatay, Dhulkiina kula yaraaday?, hadana Rabi kaa samata bixiyay wixii oo dhani ku dhaafeen adoo bad qaba, bal Akhri Dagaalkii KHANDAQ wixii mulimiinta qabsaday, kolkii afarta dhinacba cadawgu ka degay ee muslinna adkaystay Munaafaqna Tawaawacay, qura’aanku aad ayuu dagaalkaas u faah faah faahiyay ayaaduhuu kaga hadlayna waxaa macnahooda ka mid ahaa xusuusta markay idinkaga yimaadeen kor iyo hoosba, indhuhuna iisheen Quluubtuna dhuunta gaadhay, Eebana aad u malayseen malooyi, Malooyinkaas oo Culimadu ku fasireen in Muslimiintunu Guul iyo Gargaar malaysteen Munaafiqiintuna Jab iyo naasabeel, iyo in Muslimiinta la dabar goyn doono maleeyeen. Haddaba dhib oo dhan Allaa Faydee magiciisa Cusko.

7. MAANTA KU XISAABTAN: waxyaabaha dadka welbahaarka ku abuura waxaa ka mid ah, noloshiisa Mustaqbalku waxa ay noqon doonto, halka uu degi doono iyo sida uu dunida uga shaqaysan doono, taasna waxaa looga gudbi karaa in la ogaado Mustaqbalka dhabta ah ee qof walba leeyahay inuu u diyaar garoobana uu u baahanyahay inuu yahay kan Aakhiro iyo Xisaabteeda, raaskiisii janada inuu ka diyaarsadana inay lagama maar maan u tahay, aduunyadase anagoo dhani socotaan ka nahay qof walbana waxaa la gudboon inuu sahaydiisii uu Mustaqbalka u baxsan lahaa ka qaato, Nolosheedana uu kaga ekaado intii alla ka siiyo, asagoo ku xisaabtamaya dhibkeeda iyo dheefteeduba inay Imtixaan tahay.

8. SALAADDA IYO WARDIGA: Hadday xaaladdu kugu adkaato, cabsi soo dhabar madow aad dareentid, welwel iyo welbahaar isku kaa duubaan, Salaadda u carar, siduu alla na faray Kaalmaysta sabirka iyo salaadda, akhrinta Qur’aanka, wardiga, iyo baryada allaba waxay ka mid yihiin waxyaabaha qofka dhibaatooyinka aduunyada hilmaansiiya, Allihii abuurayna ku xira, garansiiyana qiimaha aduunyada, taasoo ka dhigaysa ruuxa mid himiladiisa ka dhiga siduu Jannatul firdowsa ku geli laa, Nebigu wuxuu yiri SCW Qofka alle xusa iyo kan aan xusin waxay kala yihiin qof nool iyo mid dhintay oo kale..

9. GALLADAHA ILAAHAY: aad ugu fiirso Galladha ilaahay kuu galay, adoo huba inaadan koobi karin sida qur’aanku u sheegay, waa tuu Darwiishkiina lahaa (Galladaha Ilaahay ka badan Geedahaas baxaye..), alla wuxuu Quraanka ku sheegay inuu nicmooyinmkiisa nagu deday kuwa muuqda iyo kuwa qarsoonba, Nimcooyinkaas iyo Galadahaas waxaa ugu wayn inuu alle Muslim kaa dhigay, inta dad Dhagax Caabudayaan inuu kugu daray kuwa Allaha wayn ee waaxidkaa Cuubudaya, Janadii Rajaynaya Cadaabkana ka baqaya, Hadaad xubnahaagii mid wayday meeqaa kuu fiyow ?, haddii aad Caruurtii mid waydayse imisaa kuu hartay?,Haddaba waxa yaroo aad wayday intaad la taahayso lana tawaawacayso maad intuu Rabbi ku siiyay ku mahdisid.

10. KOLKAAD DHIBKA KA BAXDID: Waxaa Caadooyinka Aadanaha ka mid ah markii dhibku ku bato ama arrini ka Gurracato inuu Baroor, Qaylo iyo Calaacal isku daro, Alla bari iyo Tawbab keen muujiyo, Dhaqan akhyaareed isku yeelo, Markiise Alle Il u bixiyo oo dhibkaasi dhinac u dhaafo, wixii oo dhan hilmaamo, allana awooddiisa iyo xukunkiisa uu ka dafiro.
Wuxuu Rabbi Qur’aanka noogu sheegay Qaybo ka mid ah dhaqamadii Gaalada oo ay ka mid tahay inay markay Doomaha iyo Maraakiibta saaran yihiin, alle kaliya baryaan, markayse soo badbaadaan oo Barriga yimaadaan ayay Sanamyada iyo Dhagxaanta Alle la caabudi jireen, Dhaqankaas aadka u foosha xun iska ilaali.

Kolka markii inta xaalku kugu xumaado rabbi Il kuu bixiyo maxaad mudan tahay?., Inaad kaligi Caabudid, kaligi u mahadcelisid, Diinta Alle iyo Dadka u taagan garab u noqotid ,Meel kastoo aad cagta dhigaysidna inuu ku arko inaad ku xisaab tantid, haddiise aad danbigii iyo dabamaridii amarka alle u noqotid ogow aduunkii ma dhamaan oo dhib waa kii yimaadee.

Tobankaas qodob ee aan soo tiriyay waxaan is leeyahay qofkii maanka ku haya noloshiisa wax bay ka badalayaan, Qanaaco iyo Qalbi degana wuu helayaa, Allaha wayna waxaan ka baryayaa inuu nagu anfaco, markastana maanka ku hay Wixii idinku dhaca oo musiibo ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen gacmihiinnu, wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan…

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
W/Q abdulahi Nur Colombo.

13/02/2020

Xikmadihii Maxamed Cali Kalay (Halyeygii iyo Feedhyahankii Muslimka ahaa)
==========================================================
1: “Saaxiibtinimada ... maahan wax aad ku baratid dugsiga. Laakiin haddii aadan baran macnaha saaxiibtinimada, runtii waxba maadan baran.”

2: “Ninka ogaada waxa guuldarradu tahay oo keli ah, ayaa naftiisa dedaal dheeraad ah gelin kara.”

3: “Ilbidhiqsi kasta oo tabbabaradydii ka mid ah waan dhibsan jiray, balse waxa aan isku qancin jiray ha is dhiibin oo maanta dedaal si aad noloshaada oo dhan halyeynimo ugu noolaato.”

4: “Ma cabbo sigaarka, laakiin kibriid ayaan jeebka ku sitaa. Marka qalbigaygu doono in aan dambi sameeyo, kibriidka ayaan shidaa gacantana ku qabtaa si aan u dareensiiyo naftayda kulaylka, kadib naftayda ayaan ku dhahaa kulaylkan yar uma adkaysan kartide sidee ugu adkaysan kartaa kulaylka aan loo adkaysan karin ee naarta.”

5: “Ma hadal badnaanaysid haddii aad xaqiijiso waxa aad sheegayso.”

6: “Dagaallada dawladuhu galaan waxa ay beddelaan khariirradaha (waddamada), balse dagaallada saboolnimada lala galaa waxa ay dejiyaan khariiradda isbeddelka.”

7: “Ma aaminsani in aan qaato go'aan sax ah, balse waxa aan qaataa go'aan kadibna waxa aan ka dhigaa mid saxan.”

8: “Qofka isaga oo konton jir ah adduunka ku eegaya indhihii uu ku eegi jiray labaatan jirkiisii, waxa uu lumiyay soddon sano oo cimrigiisa ka mid ah.”

9: “Ninka ogaada waxa guuldarradu tahay oo keli ah, ayaa naftiisa dedaal dheeraad ah gelin kara.”

10: “Marka aanad hayn jawaabtii habboonayd, aamusnaantu waa qaali.”

11: “Waxa aynnu noolnahay hal nolol, mar uun ayaa ay dhamaan doontaa. Waxa aynnu hor Alle u samaynay ayuun baa hadhi doona.”

12: “Waxa dabada iga riixaya ee hakashada ii diidani waa hiigsigayga.”

13: “Maalin kasta u noolow sidii oo ay tahay maalintii kuugu dambaysay, waayo maalin uun bay run noqone.”

14: “Loollanada noloshu yaanay kaa xadin riyooyinkaaga ee la heshii, waxa ay noqonayaan saaxiib jidka kugu haga.”

15: “Qofka aan lahayn geesinimo ku filan oo ku wajihi karo khatar kasta oo ka hor timaada, marnaba ma gaadhayo wax guul ah nolosha.”

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Maxamed Deeq Darajo

13/02/2020

Bilyaneerkii tunka weynaa ee u dhashay waddanka Brazil ee magacaciisu yahay Cicero ayaa waxa uu ahaa shaqsi aad u kibir badan oo isla weyn, awood dhaqaalena dadka ugu faani jiray, taasi oo keentay in la kulankiisa xittaa laga baqo iskaba dhaaf in magaciisa saxda ah loogu yeero, waxa uu ku caan baxay oraahdii aheyd - haddii aan waddada lugeynayo oo dhulka malyuun dollar iiga dhaco waan ka tegayaa waayo ma doonayo inuu il-biriqsi iiga lumo soo qaadisteeda muddada yar ee aan foorarsanayo.

Cicero waxa uu ahaa milkiile shirkado dhowr xarumood ku leh gudaha waddanka Brazil kuwaasi oo soo saari jiray walxaha ay dadku jecel yihiin sida - Bunka, Sonkorta, iyo Hilibka marka laga reebo warshad si gaar ah hubka u sameyso oo laf ahaanteeda daqli badan ka soo xaroon jiray marka laga eego xisaabta sannadkii ka soo baxdo.

In kastoo uu Cicero tabcaday hanti aan innaba caadi aheyn haddane waxa uu si fudud ku dhumiyay kalsoonida dadkii uu la noolaa kadib falkii foosha xumaa ee uu ku kacay isaga oo maqaayad fadhiyo ayaa waxa uu ficil aad u xun kula kacay wiil shaqaale ahaa oo dhulka ku kufay inta uusan dalabkiisa ka guddoomin, waxay arrintaan sababtay in Cicero uu si daran u caroodo illaa uu maamulka Hotelka ka codsado in wiilka shaqada laga cayriyo ama laga buriyo balse waa laga diiday, intaan oo keliya kuma ekaan waxa uu go’aan ku gaaray in Hotelka uu iibsado si wiilka maskiinka ah shaqada looga ceyriyo wuuna ku guulaystay rabitaankiisa isaga oo adeegsanayo awoodda dhaqaale ee jeebkiisa ku jirta.

Waa halkaan meesha uu neceybka ka billaawday, waxaa lagu baaqay dagaal ka dhan ah Cicero iyo ganacsigiisa nasiib darro waa lagu hungoobay, si kastaba ha ahaatee koox tuugo ah ayaa xalka u arkay in la af-duubo gabadha keliya uu dhalay Cicero si noloshiisa loo burburiyo, fikirkii wuu dhaqan gelay, waxay warbaahinta mar qurra tebisay in Cicero gabadhiisa ay rag burcad ah la baxsadeen oo aan la ogeyn meesha ay iminka ku sugan tahay, Cicero bog cusub ayaa u furmay, waxaa hoos u dhacay ganacsigiisa, khasaaro baaxad weyn ayaa durbadiiba la soo gudboonaatay, waxa uu waayay waqti uu ku maareeyo ganacsigiisa illaa uu qaraar ku gaaray inuu iibiyo hantidiisa oo dhan una istaago sidii uu gabadhiisa dib ugu heli lahaa.

Baaritaan dheer oo aan lagu najixin ayuu Cicero ka dhamaan waayay mana ka quusan inuu gabadhiisa heli doono iyada oo nool laakiin rajadaasi way beenowday kadib markii Cicero gurigiisa la soo hordhigay meydka gabadhiisa oo la bireeyay laguna soo riday kartoon yar oo cariiri ah, dushana laga saaray warqad ay ku qoran tahay - tani waa abaal marintii aad u qalantay ee aad bulshada ka kasbatay.

Cicero waxaa qalbigiisa dhaawacay geerida gabadhiisa wuuna waashay, waxa uu hooy ka dhigtay waddada hareeraheeda, waxaa ka guurtay xasuustii iyo farxaddii mana helin qof ka caawiyo xaaladda nololeed ee la soo deristay maadaama uusan mujtamaca dhexdiisa wax wanaagsan kula dhaqmin beryihii uu ladnaa, haddaba waxaan soo jeedinayaa in dadka la abuurto marka aad ka tabar fiican tahay laga yaabee in aad ku baxsato maalin aad garabkiisa, waqtigiisa, iyo taladiisa u baahan tahay.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii - Abdiqani Gaarane Barre (Dufle).
abulahi Nur Colombo

13/02/2020

Heesaagii caanka ahaa ee u dhashay waddanka Mareykanka Michael Jackson ee sida weyn looga yaqaannay dunida reer galbeedka iyo guud ahaan caalamka oo dhan ayaa muddadii uu ifka ku noolaa waxa uu ku taami jiray inuu gaaro da’da 150 sano si uu waqti badan u sii maaweeliyo dadyowga kala duwan ee fanka jecel oo adduunka dacalladiisa ku nool kuwaasi oo aad u jeclaa fankiisa hibada ah iyo masraxiyaddiisa toolmoon marka uu fagaaraha ka soo muuqdo.

Michael waxa uu shaqaaleysiiyay 12 dhaqtar oo maalin kasta baaritaan joogto ah ku sameeya caafimaadkiisa si loola socdo xaaladda uu markaasi ku sugan yahay, waxaa raashiinkiisa lagu tijaabin jiray shaybaar casri ah ka hor inta uusan cunin si looga hortago jeermiska, iyo sumowga sababi karo dhimasho deg-deg ah maadaama uu dadaal xooggan ugu jiray inuu sanado badan nolosha baaqi ku sii ahaado.

Michael Jackson waxa uu lahaa xirfadlayaal ka caawiya jimicsiga kuwaasi oo jirkiisa ka ilaalin jiray inuu daal, ama xanuun dareemo, intaasi waxaa sii dheer sariirta uu ku seexdo waxaa lagu sameeyay tiknoolojiyad qaas ah oo xakameysa heerka neefsiga qofka marka uu hurdo si aysan u dhicin inuu naqaska ku xirmo ama si lama filaan ah ay nafta kaga baxdo ka hor inta aan gurmad loo fidin.

In kastoo uu Michael isku dayay inuu mowdka ka difaaco naftiisa haddane kuma guulaysan damaciisa khiyaaliga ah waayo waxaa ajal looga dhigay oo uu u geeriyooday wadno istaag ku soo bood ah oo la badbaadin kari waayay markay taariikhdu ku beegnayd Bishii June 25-kedii Sannadkii 2009-kii isaga oo ay da’diisu aheyd 50 sano, xilli uu isku diyaarinayay inuu socdaal ballaaran ku soo maro dunida reer galbeedka oo uu taageero fiican ku lahaa.

Dulucdu waxa ay tahay in hantida aysan mowdka kaa baajin karin iyo in basharka uu saaxiib u yahay riyooyin been ah oo buug lagu xariiqo balse fulinteeda ay Alle u taallo taasina waa waxa dhadhanka siiya macaanka nolosha mar haddii uu Eebbe yahay midka ay awoodda gacantiisa ku jirto, naxariista badan isla markaana ay cadaabtiisu daran tahay.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii - Abdiqani Gaarane Barre (Dufle).

Want your school to be the top-listed School/college in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Kismayo
0000

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00