14/10/2022
Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadaha Jubbaland wuxuu halkan ugu Hambalyeynayaa Mudane CABDISHUKRI MAXAMUUD GOLOS oo loo doortay Gudoomiyaha Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadda Daha faraceeda Kismaayo,
Gudoomiye waxaan Alle kaaga baryeynaa inuu kugu Asuro xilka laguu doortay idim Alle.
Waxaan Ardeyda Jaamacadda Daha kula dardaarmeynaa in ay si kalsoon iyo daacadnimo leh ula shaqeeyaan Gudoomiyahooda cusub.
UMAJJ wuxuu sidoo kale u mahadcelinayaa Gudoomiyihii h**e Mahad Cabdisalaan oo si aan hagrasho laheyn ugu soo shaqeeyay ardeyda Jaamacadda Daha mudadii uu xilka haayey.
Mahadsanid Ex-gudoomiye
Hambalyo Mudane Gudoomiye.
16/08/2022
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO.
URURKA MIDOWGA ARDEYDA JAAMACADAHA JUBBALAND WUXUU SI LAAB FURAN HAMBALYO UGU DIRAYAA DHAMAAN ARDEYDA SOOMAALIYEED GAAR AHAAN ARDEYDA DG JUBBALAND EE MAANTA LOO SOO DAAYAY NATIIJOONKOODA IMTIXAANKA FASALKA 12-AAD EE SANAD DUGSIYEEDKA 2021/2022, WAXAANA U RAJEYNEYNAA MUSTAQBAL WANAAGSAN INSHA'ALLAH.
WAXAAN LEENAHAY SII LABA JIBAARA DADAALKA HANA JOOJINIINE ILAA AAD HEERSARE KA GAARTAAN WAXBARASHADA.
15/08/2022
Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadaha Jubbaland (UMAJJ) wuxuu Natiijo wanaagsan iyo Guul u rajeynayaa dhamaan Ardeyda Soomaaliyeed ee Fasalka 12-aad kuwaas sugeysa Shaacinta Naatiijadooda maalinta beri ah insha'allah.
Midowga wuxuu si gaar ah ugu Duceynayaa sidoo kalena Natiijo wanaagsan ugu rajeynayaa Ardeyda Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Guuleysta oo Dadaalka Waxbarasho iyo Halganka Noolasha sii laba jibaara.
14/08/2022
FURSAD IYO WARGALIN MUHIIM.
Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadaha Jubaland wuxuu ku wargalinayaa dhamaan Ardeyda kasoo baxday Dugsiyada sare ee rajeyneyso in ay kusoo biiraan jaamacadaha sanadkan fursad aad muhiim ugu ah taas oo ah in maalinta Arbacada ee nagu soo nagu soo fool leh la qaban doono Barnaamij Latalin, Hagid iyo dhiiragelin ah kaas oo wax badan ka caawin doono ku biiristooda jaamacadaha iyo kala xulashada Kulliyadaha.
Barnaamijka wuxuu ka dhacayaa Xarunta Jaamacadda Jubba, Taariikh: 17/08/2022, Saacadu: 3:00Pm.
Barnaamijka waxaa soo jeedin doono
USTAD ABDI NASIR KALIF AAR
Kasoo qeybgal wacan.
02/07/2022
FURSAD IYO WARGALIN MUHIIM.
Ururka Midowga Ardeyda Jaamacadaha Jubaland wuxuu ku wargalinayaa dhamaan Ardeyda kasoo baxday Dugsiyada sare ee rajeyneyso in ay kusoo biiraan jaamacadaha sanadkan fursad aad muhiim ugu ah taas oo ah in maalinta berito ah loo qaban doono Barnaamij Latalin, Hagid iyo dhiiragelin ah kasoo oo wax badan ka caawin doono ku biiristooda jaamacadaha iyo kala xulashada Kulliyadaha.
Barnaamijka wuxuu ka dhacayaa Xarunta Jaamacadda Kismaayo, Taariikh: 03/07/2022, Saacadu: 3:45 Pm.
Barnaamijka waxaa soo jeedin doono
ππππππ πππππππ πππππ.
Kasoo qeybgal wacan.
09/06/2022
KISMAAYO. Taariikh: 09/06/2022
β'''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''
UJEEDDO: MAGACAABIS XILAL.
GUDOOMIYAHA CUSUB EE URURKA MIDOWGA ARDEYDA JAAMACADDAHA JUBBALAND MUDANE MOHAMUD ALI SAMOW.
Ayaa wuxuu soo magacaabay 9 xubnood oo ka kala socdo Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Kismaayo oo kala ah: Jubba, Kismaayo, Daaha iyo Plasma.
Sagaalkan xubnood ayaa noqon doono Guddiga udub dhexaadka u ah howlaha shaqo ee laga doonaayo inuu qabto Ururka Midowga Ardeyda Jaamacaddaha Jubbaland.
Waxaa laga rajeynayaa in Xubnahaan la soo magacaabay ay waajibkooda shaqo u gudan doonan si hufnan iyo howlkarnimo leh.
WADA SHAQEYN WACAN.
ALLA MAHAD LEH.
25/05/2022
Allxamdulillah....
Waxaa si farxadle noogu so dhamadhamatay xafladii calemma saarka gudoomiya midowga ardeyda jamacadaha jubbaland.
24/05/2022
Waxaa sharaf iyo karaamo inoo ah inaad nagala soo qeybgasho Xafladda Caleemma Saarka Gudoomiyaha Midowga Ardeyda Jaamacaddaha Jubbaland (Ummaj) oo ka dhici doonto Hotel Madiina.
Taariikh: 25/05/2022,
2:30pm insha'allah
29/03/2022
Waqtiga Rasmiga ah ey dhaceyso Doorashada waa Barito Haduu ebe idmo
Waxan idiin lenahay ka soo qeyb gal wacan .
Gudiga dorashada midowga Adayda Jamacadaha Jubbaland.
π Goobta waa Maamuus hotel
β 1:30 pm [ Halka iyo Barka Duhurnimo ]
π 30/03/2022
28/03/2022
Gudiga Doorashada Midowga Ardayda Jamacadaha Jubbaland Ayaa Gu doonsiyay musharaxiinta u tartamaya xilka Gudoomiyonomo ee Midowga Ardayda Jamacadaha Jubbaland. Shahadada Musharaxnimo.
Waxa inoo sharaf iney si wanagsan inoga dhamaday
Wabilahi Towfiiq