مركز الشيخ الشريف عبدالنور لإعداد العلماء

مركز الشيخ الشريف عبدالنور لإعداد العلماء

Share

Waa page-ka rasmiga ah ee markaska sh shariif cabdinuur ee diyarinta culimada +252610685040

Photos from ‎Mu'asada Al Umah Ee Dacwada Iyo Horumarinta.   مؤسسة الأمة للدعوة والتنمية‎'s post 10/02/2026
20/01/2026

Ogeysiis Muhiim ah
Dhammaan macallimiinta iyo ardayda ka qaybgalaya Tartanka Qur’aanka Kariimka ee bisha Ramadaan, oo ay qabaneyso Mu’assasada Al-Ummah, waxaa la ogeysiinayaa in waqtiga isdiiwaangelinta (qorista) uu ka harsan yahay 10 maalmood oo keliya.

Madarasadaha weli aan isdiiwaangelin waa in ay muddadaas 10-ka maalmood ah ku soo dhammeystiraan diiwaangelinta ardaydooda.

Marka ay dhammaato 10-kaas maalmood, lama aqbali doono wax diiwaangelin dambe ah, mana jiri doonto wax ka reeban, Insha Allaah.



19/01/2026

Culimad Uu sosary مركز الشيخ الشريف عبد النور لإعداد العلماء

10/01/2026

📣 OGEYSIIS

Bulshada ku dhaqan Dowlada Juballand - Kismaayo guud ahaan, gaar ahaan waalidiinta, macallimiinta Qur’aanka, iyo ardada xifdinta Qur’aanka Kariimka, waxaa si sharaf iyo farxad leh loogu bishaaraynayaa in Mu’asasada Al-Ummah ee Dacwada iyo Horumarinta ay qabanayso Tartanka 15-aad ee Qur’aanka Kariimka, kaas oo si joogto ah sanad walba loogu qabto bisha barakaysan ee Ramadaan.

📙. Isdiiwaangelinta Tartanka
Waxaay si rasmi ah u bilaabanaysa 20/7/1447H – Bisha Rajaab, waxaana furan isdiiwaangelinta dhammaan ardada u diyaarsan ka-qaybgalka tartanka Qur’aanka Kariimka ee Ramadaanka.

📍 Goobta Isdiiwaangelinta:
Xafiiska Mu’asasada Al-Ummah ee Dacwada iyo Horumarinta
— kuna yaalla inta u dhaxaysa Aargada iyo Isgoyska Golol,
agagaarka Danwaa Hotel ama Maktabadda Sheekh Cabdirashiid.

📞 Wixii faahfaahin dheeraad ah, kala xiriir:
061 9720675

Mu’asasada Al-Ummah ee Dacwada iyo Horumarinta mar walba waxay hegan u tahay u
adeegidda Qur’aanka Kariimka
Iyo ka shaqaynta Arimaha dacwada Islaamka

Ugu dambayn, Mu’asasadu waxay ku boorrinaysaa waalidiinta iyo macallimiinta inay dhiirrigeliyaan ardadooda si ay uga faa’iideystaan fursaddan kheyrka leh ee tartanka Qur’aanka Kariimka.

’asasada_Al_Ummah



مؤسسة الأمة للدعوة والتنمية

09/01/2026

Sheikh Sh Cabdirashiid Wali alle ha xifdiyo

02/01/2026
Photos from ‎مركز الشيخ الشريف عبدالنور لإعداد العلماء‎'s post 28/09/2025

WAR-BIXIN KOOBAN
Booqashada Sh. Siciid Cabdiraxmaan axmed ee Markaska Sh. Shariif Cabdinuur
Taariikh: 28 Sebteembar 2025

Maanta oo ay taariikhdu tahay 28-ka Sebteembar 2025, Markaska Sh. Shariif Cabdinuur ee Diyaarinta Culimada waxa uu marti-geliyay booqasho muhiim ah oo uu ku yimid Sheekh Siciid Cabdiraxmaan.

Booqashadan ayaa ahayd mid lagu dhiirrigelinayo ardayda markaska iyo bulshada, waxaana Sheekh Siciid uu halkaas ka jeediyey muxaadaro qiimo badan oo cinwaankeedu ahaa:
"الهمة العالية وفضل العلم" (Himmo Sare iyo Fadliga Cilmiga).

Muxaadarada ayaa diiradda saartay:

In ardaygu yeesho himmad sare iyo dadaal joogto ah.

Fadliga iyo sharafta cilmiga shareecada.

Sida loo ilaashado waqtiga iyo in lagu dadaalo waxbarashada.

Dardaaran ku saabsan akhlaaqda iyo niyad-samaynta ardayga cilmiga.

Dhamaadkii, Sheekh Siciid Cabdiraxmaan waxa uu ku dhiirrigeliyay ardayda in ay sii wadaan dadaalkooda, kuna sabraan barashada cilmiga, maadaama cilmigu yahay nal iyo iftiin lagu hago nolosha.

Maamulka markaska ayaa uga mahadceliyay booqashada sheekha, iyagoo sheegay in booqashadiisu ay dhiirrigelin weyn u tahay ardayda iyo macallimiinta labadaba.

Xafiiska iclamka markaska .

28/08/2025

📢 OGAYSIIS MUHIIM AH
Markiska Sheikh Sharif Abdinuur wuxuu bilaabayaa diyaarinta ardayda Qur’aanka Kariimka sanad dugsiyeedkan cusub.

📚 Tirada ardayda: 40
🔞 Da’da ugu yar: 6 sano
📍 Goobta diiwaangelinta: Xarunta Markiska
🗓️ Diiwaangelintu waxay bilaabaneysaa: 01/09/2025

🎯 Fursad qaali ah oo ubadkaaga ku baranayaan Qur’aanka Kariimka si xirfad leh, tarbiyad Islaami ahna leh.

📞 Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
📱 0610685040
📱 0619720675

Want your school to be the top-listed School/college in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Kismayo