Mohamed Jama Primary & Secondary School

Mohamed Jama Primary & Secondary School

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mohamed Jama Primary & Secondary School, School, Mohamed Jama School, Kismaayo.

Photos from Mohamed Jama Primary & Secondary School's post 31/05/2026

Waxaa maanta si guul leh loo soo xiray tartan aqooneedkii dugsiga, kaas oo ay ardaydu ku muujiyeen dadaal, karti iyo aqoon sare.

Kulankii ugu dambeeyay waxaa foodda is daray fasallada 8aad A iyo Form Three (F3), waxaana guusha ku raacday 8aad A oo heshay 20 dhibcood, halka F3 uu helay 14 dhibcood.

Hambalyo fasalka 8aad A oo noqday horyaalka tartanka aqooneed, sidoo kale mahadnaq gaar ah dhammaan ardaydii ka qayb qaadatay tartanka.

Aqoontu waa furaha guusha, dadaalkuna waa jidka lagu gaaro.

26/05/2026

CIID MUBAARAK

Maamulka iyo macallimiinta dugsigu waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan shacabka Muslimiinta munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxa.

Waxaan Allaah ka baryayaa in ciiddan ciiddeeda nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad, barwaaqo iyo horumar waara.

Ciid Wanaagsan.

Photos from Mohamed Jama Primary & Secondary School's post 19/05/2026

Waxaa la soo gabagabeeyay tartankii maadooyinka Juqraafi, Cilmiga Bulshada iyo Physics, iyadoo ardaydu keeneen dhibco kala duwan oo muujinaya dadaalkooda iyo heerka aqoontooda.

Hambalyo dhammaan ka qaybgalayaasha!

10/05/2026

Maanta waxaa si rasmi ah u soo idlaaday tartankii aqooneed ee maadada Biology ee Dugsiga Sare iyo maadada Sayniska ee dugsiga dhexe kaas oo ay ku tartamayeen dhammaan fasallada dugsiga.

Tartanku wuu sii socdaa, la soco qaybaha xiga! Insga Allah.

05/05/2026

Waxaa si guul leh u soo idlaaday tartankii maadada Tarbiyada, iyadoo ardaydu muujiyeen aqoon iyo dadaal sare.

28/04/2026

Waxaa la soo gabagabeeyay tartankii maadada Xisaabta, iyadoo ardaydu keeneen dhibco kala duwan oo muujinaya dadaalkooda iyo heerka aqoontooda.

Hambalyo dhammaan ka qaybgalayaasha!

21/04/2026

Waxaa si guul leh u soo idlaaday tartankii maadada English, iyadoo ardaydu muujiyeen aqoon iyo dadaal sare.

13/04/2026

Maanta waxaa si rasmi ah u soo idlaaday tartankii aqooneed ee maadada Af-Soomaaliga, kaas oo ay ku tartamayeen dhammaan fasallada dugsiga.

Ardaydu waxay muujiyeen aqoon, karti iyo dadaal sare, iyagoo keenay natiijooyin lagu farxo oo ka turjumaya heerka waxbarasho ee dugsiga.

Hambalyo dhammaan ardaydii ka qayb gashay tartanka, gaar ahaan kuwii soo bandhigay waxqabadka sare!

Tartanku wuu sii socdaa, la soco qaybaha xiga! Insga Allah.

06/04/2026

Ardaydu waxay sii wadaan tartan xiiso leh oo ay ku muujinayaan aqoon iyo karti sare.

05/04/2026

Ardaydu waxay maanta muujiyeen aqoon, karti iyo dadaal sare, gaar ahaan maadada Carabiga.

La soco tartanka, xamaasadu way sii kordheysaa!

Want your school to be the top-listed School/college in Kismaayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Mohamed Jama School
Kismaayo

Opening Hours

Monday 06:30 - 17:00
Tuesday 06:30 - 17:00
Wednesday 06:30 - 17:00
Saturday 06:30 - 17:00
Sunday 06:30 - 17:00