24/06/2025
Hirshabelle f8aad
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee DG Hirshabeele, Education, Jowhar.
Kani waa page ka rasmiga ah ee Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad goboleedka Hirshabelle, ula jeedka page kan ayaa ah inaan kuso bandhigno howlaha wasaaradda ay u hayso dad weynaha ku nool deegaanada Hirshabelle
24/06/2025
Hirshabelle f8aad
hambalyo hambalyo.
⸻
Hambalyo Ardayda Hirshabelle ee Dhameystay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ardayda reer Hirshabelle ee si guul leh uga qeybgalay una soo dhameystay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad.
Waxaan idiin rajeyneynaa mustaqbal ifaya, horumar iyo in guulaha waxbarasho ee aad gaartaan ay noqdaan tallaabo idiin horseeda heerar ka sarreeya.
Guushiinnu waa guusha Hirshabelle!
Dabaaldegga dhammaadka imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiga dhexe ayaa si farxad leh uga socda caasimadda Jowhar,
Maamo Faadimo,
Aniga oo ah qof weyn, oo si buuxda u garwaaqsaday muhiimadda waxbarashada, waxaan si niyadsami iyo go’aan adag leh u diyaar u ahay inaan dhameystiro waxbarashadayda.
Waxaan rajeynayaa inaad igu garab istaagto, iguna dhiirrigeliso sidii aan u gaari lahaa hadafkeyga waxbarasho, si aan mustaqbal ifaya ugu dhiso naftayda, qoyskayga, iyo bulshada aan ka tirsanahay.
Guul ayaan kuu rejeynaynaa wana ku garabtaanahay maamo.
23/06/2025
Xasuusin!
Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad, maalinta 4aad ee talaadada ahan maalinta ugu danbeyso guul ayaan idin rajeynayaa gebi ahaantiinaba ubaxa Hirshabelle.
:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle, Mudane Amiin Mukhtaar Axmed, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarumaha ay ka socdaan imtixaannada shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee magaalada Jowhar.
23/06/2025
23/06/2025
Jowhar, Juun 21, 2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hirshabelle oo Kormeeray Xarumaha Imtixaanka Dugsiga Dhexe ee Jowhar
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle, Mudane Amiin Mukhtaar Axmed, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarumaha ay ka socdaan imtixaannada shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee magaalada Jowhar.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaalka Wasaaradda Waxbarashada ee lagu xaqiijinayo hufnaanta, amniga, iyo habsami u socodka imtixaanka guud ee dugsiyada dhexe. Agaasimaha ayaa warbixin la xiriirta habsami u socodka imtixaanka ka dhageystay masuuliyiinta xarumaha iyo guddoomiyeyaasha goobaha imtixaanka.
Kormeerka waxaa Agaasimaha ku wehliyay qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, kuwaas oo si dhow ula socday xaaladda goobaha imtixaanka, una mahadceliyay macallimiinta iyo howlwadeennada u xil-saaran qabsoomidda imtixaanka.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle ayaa sanadkan qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo tayada iyo daahfurnaanta imtixaannada, iyadoo xoogga la saarayo isla xisaabtanka iyo ilaalinta heerka aqoonta ardayda.
⸻
-DHAMMAAD-
Abdishakuur Mohamed Hassan
Agaasimaha Guud ee Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare – Dowladda Hirshabelle
📧 Email: [email protected] | [email protected]
🔗 Facebook: MOE Hirshabelle
📞 Tel: +252 61 8661038
22/06/2025
Xasuusin!
Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad, maalinta sedexaad ee isninta.
22/06/2025
“Waxbarashadu lagama weynaado!”
Maama Faadimo Axmed Cali waa hooyo Soomaaliyeed oo kamid ah ardaydii shalay u fariistay Imtixaanka Shaahaadiga ee Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe, kaasoo si rasmi ah ay u qaaday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle.
Hooyadaan geesiga ah waxay kamid tahay ardayda wax ka barata Iskuulka Al-Masdar ee magaalada Baladweyne, gobolka Hiiraan. Tallaabadeedu waa tusaale nool oo muujinaya in waxbarashadu aysan da’ lahayn, aysan jinsi gooni ah u xirnayn, isla markaana aysan xilligu ka hor istaagi karin ruuxda doonaysa in ay horumar gaarto.
Maama Faadimo waxay qaadday go’aan geesinimo leh—mid muujinaya kartida haweenka Soomaaliyeed iyo sida aysan caqabadaha nololeed uga hor istaagi karin inay dhistaan mustaqbalkooda. Waxay noqotay iftiin iyo dhiirrigelin ay ka faa’iideysan doonaan hooyooyin, gabdho, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Horumarka ummaddu wuxuu ka bilowdaa hooyada!
Waxbarashaduna waa furaha iftiinka iyo isbeddelka.
21/06/2025
Wasaaradda Waxbarashada, iyo Tacliinta Sare Dowladda Hirshabelle waxay si adag u waddaa dagaal ka dhan ah qishka, lagu sameeyo Imtixaanka shahaadiga Fasalka 8aad.
Maanta oo aheed maalinta koobaad waxaa si rasmi ah gacanta loogu dhigay arday isku dayeysay in ay isticmaalaan mobeelada smart phone ka ah oo ay isku dayayeen in ay ka qishaan.
Waxaan markale uga digeynaa ardayda in ay lasoo galaan xarumaha imtixaanka aaladaha wax lagu qisho, iyadoo ardaygii lagu arkana maaddadaas natiijadeeda uu ku weyndoono.
Sidoo kale macallimiinta iyo maamulayaasha schoolada waxaan uga digeynaa in ay qeyb ka noqdaan fududeeynta qishka imtixaanka fasalka 8aad.
Nasiib wacan.
21/06/2025
Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle waxa ay ardayda iyo waalidiinta ku wargilineysaa in ardayda imtixaanka geleyso ay kuraastooda ku fadhiyaan fasalka ay ku gelayaan ugu danbeyn 8:00am.
FG. Fadlan ku xaadir xarunta kahor waqtiga imtixaanka 7:30am si aad umarto habraaca baarista.
Jadwalka Labada maado maalinta labaad imtixaanka.fasalka 8aad.
Nasiib wacan.
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |