Hareeri Caadle Primary and Secondary School

Hareeri Caadle Primary and Secondary School

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hareeri Caadle Primary and Secondary School, Education & Learning, Hareeri Caadle Street, Jowhar.

30/04/2026

Warbixinta Tartan Aqoonedka Dugsiga Hareeri Caadle
​Mowduuca: Gabagabada Wareegga 8-aad iyo Isu-diyaarinta Semi-finalka
​Waxaa si guul leh kusoo dhammaaday wareeggii 8-aad ee Tartan Aqoonedka u dhaxeeyay fasallada Dugsiga Hareeri Caadle. Tartankan oo looga gool leeyahay kor u qaadista aqoonta iyo tartanka furan ee ardayda, wuxuu marayaa meel aad u xamaasad badan.
​Guud Mar: Wareeggii 8-aad
​Wareeggan waxaa lagu arkay loolan aqooneed oo aad u adag, iyadoo ardaydu ka jawaabayeen su'aalo isugu jira Maadooyinka Dugsiga, Diinta, iyo Aqoonta Guud.
​Heerka Aqoonta: Waxaa muuqatay in fasallada soo gaaray wareeggan ay sameeyeen isdiyaarinta aad u sarreysa.
​Natiijada: Tartankii isreeb-reebka ahaa ka dib, waxaa si rasmi ah ugu gudbay wareegga afarta ee Semi-finalka fasalada kala ah F1A, F1B , f5aad iyo f4aad.
​Hab-sami u socodka: Guddiga tartanka iyo macallimiinta hagayay waxay xaqiijiyeen in tartanku u dhaco si caddaalad ah, iyadoo la ilaalinayo anshaxa iyo xeerarka tartanka.
​Wajiga Xiga: Wareegga Semi-finalka
​Toddobaadka soo socda, tartanku wuxuu geli doonaa wareegga Semi-finalka. Waa wareeg go'aan ka gaari doona fasallada u gudbi doona Finalka weyn ee dugsiga.
​Qorshaha Toddobaadka Soo Socda:
​Isu-diyaarinta: Waxaa lagu dhiirigelinayaa kooxaha u gudbay Semi-finalka inay sii kordhiyaan akhriska iyo cilmi-baarista si ay guul u gaaraan.
​Saamaynta Tartanka: Tartankan wuxuu kor u qaaday niyadda ardayda iyo rabitaankooda waxbarasho, taas oo ah hadafka guud ee Dugsiga Hareeri Caadle.
​Goobta iyo xilliga: Maamulka tartanku wuxuu dhowaan soo bandhigi doonaa jadwalka rasmiga ah ee tartamada dhiman.
​Farriinta Maamulka: "Tartan aqoonedku ma ahan kaliya guul iyo guuldarro, ee waa fursad lagu ballaarinayo garaadka iyo aqoonta ardayga."
​Guddiga Tartan Aqoonedka ee Dugsiga Hareeri Caadle
Taariikhda: 30 Abriil, 2026

05/04/2026

Soo saadaali kulanka adag ee u dhaxeeya Form 2 Vs form1B kulanka Semi-Final koobka kedis iyo aqoon fasalada dugsi Hareeri Caadle school
Shuruuda guuleystaha
1. Share gareey postiga
2. La wadaag 5qof
3. Kusoo biir page ka

31/03/2026

📢📢📢📢🎤

WAREEGGA XIGA EE TARTAN AQOONEDKA

19/03/2026

EiD MUBARAK
Waxaan hambalyada iyo damaashaadka Ciidda Soonfur la wadaagayaa dhammaan Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan.

15/02/2026

BALANTEENNA WAA WAXBARASHO.

14/01/2026

TACSI TIIRAANYO LEH

Mamulka , macalimiinta ,Waalidiinta iyo Aradayda

Waxaa murugada iyo xanuunka la qeybsanaynaa Aradayda lagu magacabo Mandeeq Siyaad Xasan oo kamid ah ardayda waxka barto Dugsiga Hareeri Caadle Primary and Secondary School oo aabehed ku ku geeryooday Degmada Balcad
Aabe ALLE ha unaxariisto ehelka iyo qaraabada e ka baxayne Sabar iyo Iimaan,

Waxaan Eebbe uga baryeynaa inuu naxariistiisa waasac ku mannaysto, qabrigane alle u waasiciyo, Jannatul Firdowsana uu ka waraabiyo.

Annagana samir iyo iimaan ALLE ha inaga siiyo. 🤲da ay ka baxayna Sabar iyo Iimaan,

Annagana samir iyo iimaan ALLE ha inaga siiyo. 🤲

12/01/2026

ISNIIN
WAXA MAALINTI 3AAD SI HABSAMI LEH IMTIXANKI DHEXE EE SANAD DUGSIYEEDKA 2025-2026 UGU SOCDA XARUNTA DHEXE DUGSIGA Hareeri Caadle Primary and Secondary School
WAXANA ALLAHA UGU BARYAA IN IMTIXANKA SI GUUL LEH UGU DHAAMAYA

02/01/2026

Qeyb kamida ardayda subaxii uso xadira waxbarashada dugsiga

20/12/2025

》》TACSI》》
WAXA HALKAAN UGU TACSINA DHAMMAN E HELADA UU KA GEERYOODAY NABADOON TOXOB OO KAMID AHAA CEC ISKUILKA Hareeri Caadle Primary and Secondary School
WAXANA ALLAHA UGa BARYEENA NAXARIISTA JANNO INUU KA WARAABIYO

18/12/2025

I am somali not a clan not a flag of hate not tribal plan

Photos from Hareeri Caadle Primary and Secondary School's post 13/12/2025

WARBIXIN
Kulan aad u qiima badan ayaa ka dhacay beerta caliyaale kaas oo ay ku yeeshan kulanka ayaa diirada lagu saaray sara u qaadista adeegyada waxbarashada iyo dardargelinta arimaha doorashooyinka ee ururka kulanka waxa shirgudoomina gudomiyaha Faarax .8

Want your school to be the top-listed School/college in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Hareeri Caadle Street
Jowhar
2526

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00