Machadka umu haat

Machadka umu haat

Share

Machadku wuxuu u taagan yahay baridda iyo faafinta Qur’aanka Kariimka iyo Culuumta Shareecada Islaamka.

Waxaan si heer sare ah u barnaa ardayda doonaysa barashada diinta Islaamka. Waxyaabaha laga barto machadka: • Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Culuumta

25/04/2026

Halkaan waa machada Umuhaat ee barashada culuumta shareecada ah ee jowhar kaas oo u taagan soo saarista ardey tayo sare leh oo xifdisan Qur'aanka kariimka hadaba waxaan ogeysiinayaa dhammaan bulshada jecel barashada cilmiga diiniga gaar ahaan jowhar machadka markasta waxa uu idin kusoo dhaweynayaa gacma furan soo dhawaada mahadsanid

19/04/2026

TACSI TIIRAANYO LEH
Maamulka iyo Madaxa Waxbarashada Machadka, macallimiinta iyo guud ahaan bahda machadku waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Marxuumad:
Hooyo Iisho
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Naf walba way dhimaneysaa.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigeedana u waasiciyo, kana dhigo Jannatul Firdowsa marti lagu soo dhoweeyo.
Sidoo kale, waxaan xanuunka la qeybsaneynaa walaalaheen:
Cabdiraxmaan Shamcuun
Cabdulqaadir Shamcuun
iyo dhammaan reer Abdulkarim Ibnu Shamcuun.
Alle samir iyo iimaan haka siiyo ehelka iyo qaraabada ay ka baxday.
Aamiin Yaa Rabbi.

28/03/2026

🌟 Muuqaal Qurux Badan 🌟

Waxaan idiin soo gudbinaynaa muuqaal ay ka muuqato Sahra Muqtaar Cali, oo si firfircoon uga qayb qaadatay tartanka Dadaal & Juhdi ee Machadka Umahaat. 👏✨

Sahra waxay muujisay dadaal, karti iyo kalsooni ay ku mutaysatay bogaadin iyo dhiirigelin. Waa tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan, gaar ahaan dhalinyarada jecel horumar iyo waxbarasho. 📚💪

Hambalyo Sahra, horay u soco guushaada! 🎉🌺

23/03/2026

Halkaan waa machadka umuhaat ee barashada qur'aanka kariimka iyo culuumta shareecada jowhar iyo hantiwadaag

20/03/2026

*🌙✨ Hambalyo Ciidul Fidriga✨🌙*
Maamulka Machadka Umahaat, *Maamulaha Mudane Axmed Sheikh Othmaan,*
*Madaxa Waxbarashada Ustaad Zakariya Cumar Maxamed,* iyo dhammaan Macallimiinta howl-weynaha ah, waxay idinla wadaagayaan farxadda munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga.
Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii iyo camalkii suubbanaa, hana inaga dhigo kuwii liibaanta hela. 🤲
*📚 Machadka Umahaat – Hoyga Cilmiga iyo Tarbiyada*
📞 Nagala soo xiriir:
0612171783
0617385477
📢 Nala soco oo nagu raac Facebook si aad ula socoto wararkeena iyo barnaamijyadeena cusub!
Ciid Mubaarak 🎉

10/03/2026

✨ DAAHFURKA XAFLADDA TARTANKA EE MACHADKA UMAHAAT ✨
Xafladda daahfurka tartanka ee Machadka Umahaat waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen culimo iyo mas’uuliyiin muhiim ah.
Waxaa ka mid ahaa martida sharafta leh Gudiga Majmaca Culimada Degmada Jowhar, gaar ahaan Sheekh Cumar Maxamed Shaami, oo ka mid ahaa culimada ka soo qeyb gashay munaasabadda.
🎤 Sheekh Cumar Maxamed Shaami wuxuu hadal qiimo leh ka jeediyay xafladda, isagoo ku boorriyay ardayda inay ku dadaalaan barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka, isla markaana ay ka faa’iideystaan tartanka si ay u muujiyaan kartidooda iyo dadaalkooda.
Sidoo kale wuxuu ku ammaanay maamulka iyo macallimiinta Machadka Umahaat juhdiga iyo dadaalka ay ku bixiyaan barbaarinta jiil ku dhisan cilmi, akhlaaq iyo ku dhaqanka Qur’aanka Kariimka.
🤲 Ugu dambeyn wuxuu Alle uga baryay in uu barakeeyo howlaha kheyriga ah ee machadka, kana dhigo mid sii hormara oo soo saara arday badan oo u adeegta diinta iyo bulshada.

05/03/2026

Imtixaan lagu qiimeynayay ardayda hingaadda iyo akhriska kicinta xarfaha ayaa waxaa ka qaaday Gudiga Majmaca Culumada Degmada, oo uu hoggaaminayay Mudane Sheekh Cumar Maxamed Sheekh Shaami. Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Majmaca Culumada iyo Ku-xigeenka Gudiga Daladda Waxbarashada Dugsiyada Qur’aanka, Ustaad Cabdi Nuur, kuwaas oo kormeer iyo dhiirrigelin u sameeyay ardayda.

Machadku wuxuu ku wargelinayaa waalidiinta iyo bulshada in uu qaadanayo arday cusub oo lagu barayo:
📖 Qur’aanka Kariimka
✍️ Hingaadda iyo Akhriska
🕌 Tarbiyada Islaamka
📚 Aasaaska Cilmiga Diinta
📞 Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
0612171783

26/02/2026

✨ DAAHFURKA XAFlADDA TARTANKA EE MAC’HADKA UMAHAAT ✨
Waxaa si heer sare ah loo daah-furay xafladda tartanka ee Machadka Umahaat, xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb-galeen marti sharaf kala duwan, culimo, macallimiin, arday iyo waalidiin.
🎤 Xafladda waxaa hadal qiimo leh ka soo jeediyay:
Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta
Mudane Cabdisamad Cadow Cabdi,
kaas oo ku bogaadiyay maamulka machadka dadaalka ay ugu jiraan horumarinta diinta iyo barbaarinta arday leh akhlaaq iyo cilmi isku dheelitiran. Sidoo kale wuxuu ardayda ku dhiirrigeliyay inay laba jibaaraan dadaalkooda, kana faa’iideystaan fursadaha noocan oo kale ah.

22/02/2026

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Macallinka Suleymaan waxaan si qoto dheer u kanaxnay. 🤲
Ilaahow ha u naxariisto, qabrigiisana ha u waasiciyo,
nuur ha ku shido, dambigiisana ha dhaafo, darajadiisana ha kor u qaado.
Waxuu ahaa macallin shaqadiisa diimeed si daacadnimo leh u guto,
mar kasta oo adkaatayna wuu ku dadaalay sidii uu u gudan lahaa mas’uuliyaddiisa.
Duunyada ayuu uga tagay tusaale wanaagsan oo ah akhlaaq, dadaal iyo daacadnimo.
🤍 Maamulka Machadka Umu Haat iyo Madaxa Waxbarashada Machadka Umu Haat waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, ardaydii iyo dhammaan bulshada uu wax taray.
🕯️ Ilaahow samir iyo iimaan ka sii dhammaan kuwa uu ka baxay,
hana ka dhigo kuwo ku camal fala Qur’aanka iyo camalka wanaagsan ee uu ku jiray.
إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

20/02/2026

Jumma mubaarak
Maalin barako leh oo qalbiyada lagu iftiimiyo Qur'aanka kariimka iyo xuska Alle .
Waa maalin naxariis ,dembi-dhaaf iyo kor u qaadidda iimaanka
قال تعالى:
]ورتل القراءن تر تيلا]
Ku akhri Qur'aanka si tartiib ah , si faham iyo khushuuc leh,si uu u noqdo hanuun ,iftiin iyo naxariis nolosheena
Ilaahey hanaga dhigo kuwa
Qur'aanka akhriya
ku dhaqma
Ku noolaada akhlaaqdiisa
kana mid noqo Ehlu'l-qur'aanka kuwa ilaahey gaarka u ah 🤲
Machadka Umu Haat
Hoyga barashada qur'aanka iyo culuumta shareecada
Halka lagu dhiso jiilka ku barbaarta kitaabka Alle

19/02/2026

✨ Khudbad yar oo cajiib ah – Ustaad Caa’isha Lagari ✨
“Kuwa xijaaban adduunyada, Aakhirana waa kuwa qaawan allah ayaa kamagan kalnay”
📖 Machadka UmuHaat –
Hoyga Aqoonta & Hingaadda
Halka lagu dhiso jiil Qur’aan baranaya, akhlaaq iyo aqoon isku darsaday.
📞 0612171783 | 0617385477
📱 Gaaban: 2531
🌿 **Ku soo biir hoyga aqoonta Qur’aanka.**

Want your school to be the top-listed School/college in Jowhar?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Jowhar