Bandhigga Buugga Abaal-Hooyo oo uu qoray qoraa ka soo Jeeda Gobolka Gedo ayaa lagu soo bandhigi doonaa magaalada Nairobi.
Dhamaan bulshada Somaaliyeed iyo kuwa Ree Gedo Halkaaas ayaa inoo balan ah.
Naadiga akhriska iyo qoraalka Baladxaawo
Waa mareegta rasmiga ah ee naadiga akhriska iyo qoraalka
2018 Ilaa 2024 waxqabad yadii ugu muhiimsanaa ee ka qabsoomay BeledHawa Public Library iyonNaadiga akhriska iyo qoraalka Baladxaawo.
26/11/2024
Gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee Naadiga akhariska iyo qoraalka ee dagmada Baladxaawo mudane Abukar Ali Gedi ayaa galabta ka qayb galay munaasabad xiritaanka tartanka Xirfada Aqriska ee madarasada Altibyaan ee dagmada Baladxaawo.
Tartankan oo loo qabatay fasalada kala duwan ee dugsiga ayaa waxaa ugu dambeyn kaalinta Koowaad galay fasalka 10aad Halka kaalinta labaad ay galeen fasalka 3aad.
Gudoomiyaha ayaa dhiiragaliyay ardayda waxaana uu hadiyado gudoonsiyay fasalada kaalmaha galay iyo macalinka fasalka 3aad.
.
14/01/2024
Waxbarasho akhrin ku laran waa waxa Kali ah ee aan lagaa xoogi Karin.
Geedi Media Productions1
12/10/2022
BISMILAAHI.
MAANTA OO AY TAARIKHDU KU ASTEYSANTAHAY 12.10.2022
WAXAA ILAAHEY INOO SUURAGALIYAY IN AAN QABANO TARTAN AQOONED U DHAXEEYAY WIILASHA IYO GABDHAHA DUGSIGA HOOSE DHEXE IYO SARE EE CILM.
I.
TARTANKA OO AHAA MID XAMAASADEYSAN AYAA WAXAA AY GUUSHU RAACDAY WIILASHA DUGSIGAAS.
Naadiga akhriska iyo qoraalka Baladxaawo AYAA ABAALMARINO IYO SHAHAADO SHARAF, DHIIRAGALIN IYO KA QAYB GAL AH SIIYAY WIILASHA KAALINTA KOWAAD GALAY .
SIDOO KALE GABDHAHA KAALINTA LABAAD GALAY AYAA LA GUDOONSIIYAY ABAALMARINO
WAXAA XUSID MUDAN ISAGANA ABAALMARIN LA SIIYAY SHAQSIGA UGU WAX AKHRISKA BADANAA EE DUGSIGA.
NAADIGGA WAXAA UU U MAHADCELINAYAA QOF WALBA OO FUDUDEEYAY KANA QAYB QATAY HIRGALINTA BARNAAMIJKAN.
27/09/2022
Kadib markii uu idlaaday mudo-xileedka rasmiga ah ee Gudoomiyaha 2aad ee naadiga sida ku qoran xeerhoosaadka naadiga ,Gudigga marjaca ayaa mudo kordhin u sameeyay gudoomiyaha 2aad ee naadiga mudane Abukar Ali Gedi.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Buuloxawo
Jasira