Baidoa Medical Institute"BMI"

Baidoa Medical Institute"BMI"

Share

With experienced instructors and hands-on training,

BMI is a leading health school in Baidoa, founded in 13/06/2012 and was founded by Mohameddek Moktar Committed to excellence, BMI trains healthcare professionals in nursing, midwifery, public health.

28/07/2026


Ka Hortag Hepatitis – Ilaali Beerkaaga, Badbaadi Noloshaada
🟡 ?
Hepatitis waa caabuq ku dhaca beerka (liver), waxaana sababi kara fayrasyada Hepatitis A, B, C, D, iyo E. Noocyada B iyo C waxay keeni karaan cudur daba dheeraada, beer xanuun iyo kansarka beerka.
Sida looga hortago:
✔ Is tallaal Hepatitis B.
✔ Ka fogow isticmaalka irbado ama qalab aan nadiif ahayn.
✔ Hubi in dhiigga lagu shubayo uu yahay mid la baaray oo ammaan ah.
✔ Samee baaritaan haddii aad u malaynayso inaad halis gashay.
✔ Raac nadaafadda gacmaha iyo cuntada si looga hortago Hepatitis A iyo E.
Farriinta Maalinta: "Hepatitis waa la ogaan karaa, waa la daweyn karaa, waana laga hortagi karaa. Is baar maanta, ilaali naftaada iyo bulshadaada."


?
Hepatitis is an inflammation of the liver caused by viruses such as Hepatitis A, B, C, D, and E. Hepatitis B and C can become chronic and may lead to liver cirrhosis, liver failure, or liver cancer if left untreated.
How to Prevent Hepatitis
✔ Get vaccinated against Hepatitis B.
✔ Avoid sharing needles, razors, or other sharp instruments.
✔ Ensure that all blood used for transfusion is properly screened and safe.
✔ Get tested if you think you may have been exposed.
✔ Practice good hygiene and consume safe food and clean water to prevent Hepatitis A and E.
Take Action Today
Know your status. Get tested. Get vaccinated. Seek treatment. Together, we can eliminate hepatitis.

Healthy Liver, Healthy Life.
Protect Your Liver, Protect Your Life

Photos from Baidoa Medical Institute"BMI"'s post 25/07/2026

Ardayda Baidoa Medical Institute (BMI), gaar ahaan qaybta Midwifery, waxay si guul leh ugu qaateen tababar muhiim ah oo ku saabsan Basic Ultrasound for Obstetrics & Gynecology gudaha Baidoa City Medical Centre.
Tababarkan wuxuu ardayda siiyay aqoon iyo xirfad wax ku ool ah oo la xiriirta isticmaalka Ultrasound-ka ee daryeelka hooyada iyo uurjiifka, isagoo kaalin weyn ka qaadanaya kobcinta tayada waxbarashada iyo diyaarinta xirfadlayaal caafimaad oo tayo leh.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Green Somalia University, oo door muuqda ka qaadatay tayeynta waxbarashada ardayda iyo fududeynta helitaanka tababarro (Practical Training) joogto ah oo ay ardaydu aad ugu baahan yihiin si ay ugu diyaar garoobaan shaqada caafimaadka.
Sidoo kale, waxaan u mahadcelineynaa dhammaan masuuliyiinta iyo bahda maamulka ee ka shaqeeyay hirgelinta tababarkan qiimaha badan:
Dr'Mustafa Hassan
Abdikadir Hassan Aly
🔹 Mr. Mohameddek Moktar Mohamed – Maamulka Baidoa Medical Institute (BMI)
🔹 Dr. Abdirizak Haji Hussein – Maamulka Green Somalia University
🔹 Dr. Hussain Mohamed Kheyre – Maamulka Baidoa City Medical Center
Mahadsanidiin dhammaantiin dadaalkiinna joogtada ah ee lagu horumarinayo waxbarashada caafimaadka iyo tayeynta xirfadaha ardayda Soomaaliyeed.

24/07/2026

special thanks to Green Somalia University

Ardayda Baidoa Medical Institute"BMI" gaar ahaan qaybta Midwifery, waxay si guul leh ugu qaateen tababar muhiim ah oo ku saabsan Basic Ultrasound for Obstetrics & Gynecology gudaha Baidoa City Medical Centre.
Tababarkan wuxuu ardayda siiyay aqoon iyo xirfad wax ku ool ah oo la xiriirta isticmaalka Ultrasound-ka ee daryeelka hooyada iyo uurjiifka, isagoo kaalin weyn ka qaadanaya kobcinta tayada waxbarashada iyo diyaarinta xirfadlayaal caafimaad oo tayo leh.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Jamacada , oo door muuqda ka qaadatay tayeynta waxbarashada ardayda iyo fududeynta helitaanka tababarro (Practical Training) joogto ah oo ay ardaydu aad ugu baahan yihiin si ay ugu diyaar garoobaan shaqada caafimaadka.
Sidoo kale, waxaan u mahadcelineynaa dhammaan masuuliyiinta iyo bahda maamulka ee ka shaqeeyay hirgelinta tababarkan qiimaha badan

Abdikadir Hassan Aly
Dr'Mustafa Hassan

🔹 Mr. Mohamed Moktar Mohamed – Maamulka
🔹 Abdirizak Haji Hussein – Maamulka
🔹 Dr. Hussain Mohamed Kheyre – Maamulka
Mahadsanidiin dhammaantiin dadaalkiinna joogtada ah ee lagu horumarinayo waxbarashada caafimaadka iyo tayeynta xirfadaha ardayda Soomaaliyeed.

Photos from Baidoa Medical Institute"BMI"'s post 22/07/2026

.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u direynaa Ustaad Abdikarin Ali Mursal, oo maanta si guul leh u difaacay una soo gabagabeeyey Shahaadada Master's Degree, isagoo ka mid noqday xeerka 2-aad ee qalin-jabiyeyaasha.
Guushan waxay ka tarjumeysaa dadaal, dulqaad, iyo karti muddo dheer la geliyey waxbarashada.
Waxay sidoo kale dhiirrigelin u tahay dhammaan dhalinyarada iyo bahda waxbarashada inay rumaystaan in dadaalka iyo adkaysigu ay horseedaan guul.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu cilmigiisa ka dhigo mid anfaca diintiisa, dalkiisa, iyo dadkiisaba, kana sii waasiciyo guulo ka waaweyn kuwa maanta uu gaaray.

Hambalyo mar kale, Ustaad Abdikarin Ali Mursal. Guulahaagu waa faankeena, horumarkaagana waxaan kuu rajeynaynaa inuu sii socdo Insha Allah .

Photos from Baidoa Medical Institute"BMI"'s post 19/07/2026

:
Machadka BMI oo Sii Wadaya Tayeynta Jiilka Caafimaadka ​Machadka BMI wuxuu safka horre uga jiraa daboolista baahiyaha aqooneed ee bulshada, isagoo sanad walba fursado qaali ah u furiya boqolaal arday ah oo ka faa'iideysta xilliyada fasaxa ay ku jiran Ardeyda xiliyada Iskuulka Nidaamiga iyo Jamacahadaha. Machadku wuxuu ardayda ku hubeeyaa aqoon iyo xirfado la xiriira qaybaha kala duwan ee culuumta caafimaadka, sida:
1. ​Health Practical Skills (Xirfadaha Caafimaad ee Practical-ka ah).
2. ​Fundamental Nurse Skills (Aasaaska Xirfadda Kalkaalisada).
3. ​Nutrition (Nafaqada).
4. ​Gyco/Obs & Midwifery Short course (Koorsooyinka Gaagaaban ee Umulisooyinka iyo Haweenka).
5. ​Fundamental Medical Laboratory (Aasaaska Shaybaarka Caafimaadka).
6. ​Advanced EPI Program (Barnaamijka Horumarsan ee Tallaalka).
​Ayadoo ay sanad walba ka faa'iideystaan boqolaal arday ah, ayuu machadku sanadkan si guul leh u qabtay dhowr barnaamij oo uu ugu horreeyo barnaamijka Health Practical Skills, kaas oo ay ka faa'iideysteen arday aad u tiro badan. Sidoo kale, waxaa la qorsheynayaa in barnaamijyadan loo furo arday kale oo badan oo hadda ku jira diiwaanka machadka, si loo xaqiijiyo in qof kasta uu helo fursad aqooneed.


​Maamulka machadka BMI wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa macalimiinta sharafta leh ee barnaamijkan sida hufan, hagar-baxda iyo habsamida leh u wada:
​Ustaad Abtiga
​Ustaad Abshir
​Waxaan leenahay, Guuleysta, dadaalkiina iyo aqoontiina haku shaqeeyaan waligiin!
Machadka BMI wuxuu mar walba u taagan yahay, garab iyo gaashaanna u yahay kor u qaadista, tayeynta, iyo horumarinta barashada xirfadaha caafimaadka ee ardayda Soomaaliyeed.

​Guuleysta BMI Family! 🤝✨

10/07/2026


Waxaan safar salaan iyo duco u direynaa Ustaad Abdirahiin Bulshaawi oo safar gaaban ugu ambabaxay Gobolka Bakool, gaar ahaan degmada Xuddur.
Alle ha ku nabad geeyo, hana ku xafido safarkaaga. Waxaan kuu rajeyneynaa safar kheyr leh, Insha Allah.
BMI Family waxay kuu rajeynayaan guul iyo nabad safarkaaga.

👋

09/07/2026

Safar Salaan Ustaad Mohamed Ahmed Dakane 🫡👋

Anagoo ku hadlayna magaca guud ee BMI Family, waxaan safar nabdoon iyo duco u direynaa Ustaad Mohamed Ahmed Dakane, oo u safray Gobolka Gedo kuna sii jeeda Kenya.
Ustaadku wuxuu ahaa macallin ku suntan dadaal, daacadnimo, akhlaaq wanaagsan, iyo xirfad sare. Wuxuu si isku mid ah ula dhaqmi jiray ardayda, macallimiinta, iyo maamulka, taasoo kasbatay qalbiyada dad badan.
Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu safarkaaga kuu fududeeyo, kuu sahlo himilooyinkaaga, kuna geeyo meel aad sharaf, jacayl iyo qaddarin ku hesho. Waxaan kaloo kuu rajeynaynaa caafimaad, guul iyo barako joogto ah.
Waxaan mar walba ku xasuusan doonnaa dabeecaddaadii suubban, ixtiraamkaaga, iyo raadkii wanaagsanaa ee aad ka tagtay.

Safar nabdoon Ustaad Mohamed Ahmed Dakane. Guul iyo gobannimo ayaan kuu rajaynaynaa. Albaabada BMI Family mar walba way kuu furan yihiin. Ilaahay ha ku xafido meel kasta oo aad joogto. Aamiin.

Photos from Baidoa Medical Institute"BMI"'s post 06/07/2026



Waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u direynaa Ustaad Abdirahman Moktar Mohamed, oo si guul leh u soo dhameystay waxbarashadii dugsiga sare.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu ku guuleeyo natiijo aad u wanaagsan, kana soo hooyo kaalmooyin sare oo ka tarjumaya dadaalkii iyo kartidii uu muujiyey intii uu waxbarashada ku jiray.
Mr. Aato, waxaan kuu leenahay: Hambalyo! Guul iyo horumar joogto ah ayaan kuu rajeyneynaa. Alle ha kuu fududeeyo tallaabo kasta oo xigta, hana kuu barakeeyo cilmigaaga iyo mustaqbalkaaga.

Guul iyo gobannimo ha ku weheliyso mar walba.

Photos from Baidoa Medical Institute"BMI"'s post 05/07/2026



Waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u direynaa Ustaad Abshir Mohamed Abshir, oo si guul leh u difaacay buugga qalin-jabintiisa ee heerka koowaad (Bachelor's Degree) ee kuliyadda Nursing ee Bay University – Baidoa.
Guushan qiimaha badan waa mid ka tarjumeysa dadaal, karti, dulqaad iyo dadaal joogto ah oo horseeday guul lagu faano. Waxaan kuu rajeyneynaa in Eebbe kuu barakeeyo cilmigaaga, kana dhigo mid anfaca bulshada, dalka iyo diintaba.
Waxaan kuu rajeyneynaa guulo ka waaweyn tan, horumar joogto ah iyo mustaqbal ifaya.

Hambalyo mar kale Ustaad Abshir Mohamed Abshir!
Guul iyo Gobannimo ha kuu sii ahaato jidkaaga. 🌹🎓

Photos from Baidoa Medical Institute"BMI"'s post 04/07/2026


Hambalyo iyo bogaadin diirran ayaan u dirayaa Guddoomiye Abdi Hassan Ali (Kadil) oo si guul leh u difaacay buuggiisa qalin-jabinta, isagoo ku mutaystay heerka koowaad ee waxbarashada dhinaca Public Health ee Jaamacadda Bay University.
Guushan ma aha oo keliya mid shaqsiyeed, balse waa astaan muujinaysa dadaal, karti, dulqaad iyo himilo sare. Waxay sidoo kale dhiirrigelin u tahay dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku haminaya aqoon iyo horumar.
Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu cilmigaaga ka dhigo mid anfaca diinta, dalka iyo dadka, kuna waafajiyo guulo ka waaweyn kuwa maanta. Ilaahay ha kuu furo albaabbada kheyrka, hana kuu barakeeyo aqoontaada iyo mustaqbalkaaga.

Hambalyo mar kale Guddoomiye Abdi Hassan Ali (Kadil). Waxaan kuu rajaynayaa guul joogto ah iyo horumar aan dhammaad lahayn.

Want your school to be the top-listed School/college in Iscia Baidoa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Iscia Baidoa