22/11/2025
21/11/2025 Maalinta Macalinka β Maalin sharaf iyo mahadnaq u gaar ah dadka iftiimiya nolosha ardayda.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan macallimiinta dadaalka badan, dulqaadka leh, oo maalin walba ku hogaamiya jiilka cusub waddada aqoonta, akhlaaqda iyo horumarka.
Macalinku waa nalka bulshada; waa qofka dhisaa maskaxda, haga jihada, oo abuura mustaqbal ifaya.
Mahadsanidiin macallimiinteenna qiimaha badan, shaqadiinna samarkeedu waa mid aan la qiyaasi karin.
Hambalyo Maalinta Macalinka!
Alle ha idiin barakeeyo dadaalkiinna, hana idiin siiyo ajar iyo kheyr aan dhammaan.
15/11/2025
Maanta oo ay taariikhdu tahay 15/11/2025, waxaa si rasmi ah u bilowday imtixaankii bilaha ahaa ee sanad-dugsiyeedka 2025/2026. Ardaydu waxay u fadhiyaan imtixaanka si tartiib iyo feejignaan leh, una muujinaya dadaalkooda iyo diyaar-garowgooda.β
21/06/2025
π Tahniyad Aroos π
Dhammaan Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda [Faadumo Sheekh Omar Primary School]
Waxay hambalyo iyo duco u dirayaan Macallin Abdirisaaq Maxamuud Maxamed, oo kamid ah macallimiinta qiimaha badan ee dugsiga, munaasabadda arooskiisa farxadda leh.
Waxaan Eebbe uga baryeynaa in uu noloshiinna cusub ka dhigo mid barako leh, qalbiyadiinna isu soo dhaweeyo, ubad kheyr qaba idinka siiyo, kuna waara bash-bash iyo barwaaqo.
Baarakallaahu lakumaa wa baaraka calaykumaa, wa jamaaca baynakumaa fii khayr.
Aamiin π€²
06/06/2025
Dhammaan umadda Muslimiinta ah gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed waxaan idinkugu hambalyeynaynaa munaasabadda Ciidul Adxaa.
Ciid wanaagsan.
05/06/2025
Xafladda Xiritaanka Sanad Dugsiyeedka 2024β2025 iyo Abaalmarinta Ardayda
Dugsiga: Faadumo Sheekh Omar primary School β Xinbarwaaqo
Maanta oo ay taariikhdu tahay Khamiis, 5-ta Juun, 2025, waxaa si rasmi ah u qabsoontay xafladda xiritaanka sanad-dugsiyeedka 2024β2025 ee Dugsiga Faadumo Sheekh Omar ee degmada Xinbarwaaqo.
Xafladdan qiimaha badan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, iyadoo lagu abaalmariyay ardaydii kaalimaha h**e ka galay imtixaanka, kuwa ku guuleystay tartanka aqoonta, iyo kuwa tartanka ciyaaraha β gaar ahaan kubadda cagta.
Waxaa xafladda si weyn ugu soo qeyb galay:
β’ Waalidiinta ardayda,
β’ Macallimiinta dugsiga,
β’ Maamulka sare ee dugsiga,
β’ Iyo kormeeraha wasaaradda waxbarashada Galmudug ee degmada Hobyo Zakaria Mohamed Abshir .
Waxaa madasha ka hadlay:
β’ Maamulaha dugsiga, oo xafladda si rasmi ah u furay, una mahadceliyay dhammaan ka qeybgalayaasha,
β’ Mudane Sakariye Maxamed Abshir, oo ah kormeeraha wasaaradda waxbarashada Galmudug ee Hobyo, oo dhiirrigelin gaar ah u jeediyay ardayda iyo macallimiinta,
β’ Macallimiin iyo waalidiin kale oo ka hadlay muhiimadda waxbarasho iyo doorka wada shaqeynta bulsho iyo dugsi.
Munaasabaddan waxay ahayd mid ay ka muuqatay farxad, dhiirigelin, iyo kalgacal lagu garab taagan yahay jiilka wax baranaya. Waxaa sidoo kale ardaydu soo bandhigeen suugaan, ciyaaro, iyo riwaayado wacyigelin ah oo ay isugu dareen aqoon, akhlaaq iyo hal-abuur.
Ujeedada Xafladda:
β’ In lagu bogaadiyo ardayda dadaalka sameysay.
β’ In lagu dhiirrigeliyo ardayda kale si ay u gaaraan heerar sare.
β’ In la xoojiyo xiriirka u dhaxeeya dugsiga, waalidiinta, iyo wasaaradda.
31/05/2025
π Imtixaankii Naqliga Sanad-dugsiyeedka 2024/2025 Wuxuu Si Rasmi Ah U Furmay π
Maanta oo ay taariikhdu tahay [31/5/2025] waxaa si rasmi ah noogu bilowday imtixaankii naqliga ee sanad-dugsiyeedka 2024/2025. Ardaydeennu, oo muddo sannad dhan si hufan ugu dadaalay waxbarashada, waxay maanta si deggan oo kalsooni leh ugu fariisteen imtixaankii sanadlaha ahaa.
Waxaan si gaar ah u xusaynaa Guddiga isxilqaamay ee si naxariis iyo naf-hurnimo leh u garab istaagay waxbarashada ardaydan Sandkasta β guddigan oo ay hormuud u yihiin Mudane Mohamed Dhagacade Mudane Abdurahman Mohamed Hussein Ganacsade Cabdullaahi Cali Afrax, Agaasime Abdirashiid, iyo sidoo kale Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Galmudug.
Guddigan qiimaha badan ayaa bil walba ka qeyb qaata bixinta mushaarka macallimiinta, dayactirka agabka iyo qalabka waxbarashada sida jeestada, iyo baahiyaha kale ee muhiimka u ah kobcinta aqoonta ardayda. Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaynaa dadaalkooda joogtada ah, waxaana Ilaahay uga baryeynaa inuu ka abaal mariyo dadaalkooda kheyrka ah.
Guddigan i waxay suurtageliyeen in ardaydan ay si lacag laβaan ah ku helaan waxbarasho tayo leh, taas oo aan ahayn mid fudud xilligan adag. Waa tusaale mudan in laga daydo.
Guul iyo Barwaaqo ayaan idiin rajaynaynaa dhammaantiin!
'aan
21/05/2025
"Marka cilmigu la kulmo ciyaar wanaag iyo isdhexgal, waxaa abuurma jiil karti iyo kalgacal leh."
Dugsigeennu waxa uu mar walba hormuud u yahay kor u qaadista waxbarashada iyo horumarinta hibada ardayda. Waxaa ka mid ah waxyaabaha lagu bogaadiyo ardaydeenna waa ka qeybgalka firfircoon ee nashaadaadka kala duwan β waxaana ka mid ahaa tartankii xiisaha badnaa ee kubadda cagta.
Iyadoo la dhiirrigelinayo ciyaaraha iyo isdhexgalka ardayda, dugsigu wuxuu qabtay tartan kubadda cagta ah oo ay ka qeyb galeen afar kooxood oo ardaydu si isku dhafan ugu tartameen.
Kooxaha tartanka ka qeyb galay waxay kala ahaayeen:
FC Hilaac
FC Duufaan
FC Midnimo
FC Wadajir
Ciyaaro xiiso badan iyo tartan cadaalad ah kaddib, waxaa koobka qaaday FC Hilaac oo muujisay ciyaar xirfadeysan, isku xirnaan iyo niyad sare.
Hambalyo FC Hilaac!
Guushiinnu waa astaan muujinaysa dadaal, midnimo, iyo karti aan la iska indho tiri karin.
Sidoo kale, mahad iyo bogaadin gaar ah ayaan u diraynaa dhammaan kooxihii kale ee tartanka qeybta ka ahaa β waad ku mahadsan tihiin sida aad uga qeyb qaadateen nashaadadan ciyaareed si xushmad leh iyo kalgacal.
Dugsigeennu waa hoyga cilmiga, ciyaaraha, iyo kartida dhalinyarada!
20/05/2025
HAMBALYO IYO BOGAADIN!
Anaga oo ah maamulka iyo macallimiinta dugsiga, waxaan si kal iyo laab ah u hambalyeynaynaa Fasalka Todobaad oo ku guuleystay tartanka cilmiyeedka dugsiga ee sanad dugsiyeedka 2024/2025.
Guushaan waxey ka tarjumeysaa dadaalkiinna joogtada ah, isku duubnidiinna, iyo in aad ka goβan tahay gaarista heer sare. Waxaa intaa dheer, in aad sanadkii labaad oo xiriir ah guusha hantideen, waa astaan muujinaysa kartidiinna iyo dadaalka aan caadiga ahayn ee aad galiseen waxbarashada.
Fasalka Todobaadow, waxaad tihiin tusaale wanaagsan oo dhiirrigelin u ah ardayda kale. Waxaan idin rajaynaynaa mustaqbal ifaya, horumar joogto ah, iyo in aad mar walba noqotaan hormuudka cilmiga iyo anshaxa.
Guul guul guul!
18/03/2025
Maanta waxaa dugsiga booqasho ku yimid wakiil ka socday World Bank, si ay u kormeeraan tayada waxbarashada dugsiga. Booqashadoodu waxay diiradda saartay qiimeynta heerka waxbarasho ee ardayda iyo macallimiinta.
Intii ay joogeen, waxay tijaabooyin ka qaadeen ardayda si ay u cabbiraan fahamkooda maadooyinka kala duwan, halka macallimiintana la weydiiyay suβaalo la xiriira hababka waxbaridda, caqabadaha ay la kulmaan, iyo horumarka ardayda.
Kormeerka ayaa lagu soo gabagabeeyay wada-hadal ay la yeesheen maamulka dugsiga, iyagoo xog ururin ka sameeyay baahiyaha iyo fursadaha lagu horumarin karo tayada waxbarashada. Booqashadoodu waxay ahayd mid wax ku ool ah, waxaana rajeyneynaa in ay horseed u noqoto horumarin dheeraad ah oo lagu sameeyo waxbarashada dugsigeena.