15/02/2026
Maamulka iyo macallimiinta School ka Xeeb Primary School hobyo, ayaa qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu gudoonsiinayo shahaadada fasalka 8aad 2024โ2025. Ardaydaas oo muujiyay dadaal, karti iyo anshax wanaagsan ayaa la guddoonsiiyay abaalmarino dhiirrigelin ah si ay u sii wadaan dadaalkooda.
Xafladda oo ay ka soo qayb galeen gudoomiye ku xigeenka dagmada xogahayaha maamulka macalimiinta waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa ahayd mid farxad iyo bogaadin lagu muujiyay guusha ardayda. Maamulka iskuulka wuxuu u hambalyeeyay dhammaan ardaydii guuleysatay.
06/01/2026
Booqasho Kormeer
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Mudane Al-Bashiir Cilmi Xuseen, ayaa booqasho ku tagay dugsiga hoose dhaxe ee xeeb, isagoo oo weheliyo kormeeraha waxbarashada degmada Hobyo, Mudane Zakariye Maxamed Abshir. Ujeedku wuxuu ahaa qiimeynta waxbarashada iyo xaaladda dugsiga, wuxuuna bogaadiyay dadaalka maamulka iyo macallimiinta, kana ballan-qaaday taageero wasaaradeed.
05/06/2025
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐! ๐๐
Dhammaan Ummadaha Muslimiinta ah gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeyneynaa farxadda ๐๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฑ๐๐.
Waxaan Alle ka baryeynaa in ciiddan teeda xigta uu innagu gaarsiiyo nabad iyo caafimaad.
Dugisga Xeeb waxa uu si gaar ah hambalyo u leeyahay hawlwadeennada, waaliddiinta iyo ardayda dugsiga guud ahaan farxadda Ciidda awgeed.
๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐.
29/12/2024
Maanta waxaa iskuulka booqasho ku yimid wafdi heer sare ah oo ka socday maamulka Galmudug iyo degmada Hobyo. Wafdiga booqday iskuulka waxaa ka mid ahaa:
โข xildhibaan Galmudug
โข Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Galmudug
โข Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Hobyo
โข Kormeeraha Waxbarashada Degmada Hobyo
Intii ay booqashada socotay, dhammaan xubnaha wafdigu waxay ardayda kula dardaarmeen:
โข Muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay nolosha iyo mustaqbalka.
โข Inay ka faa'iideystaan fursadda waxbarashada lacag la'aanta ah ee loo helay.
โข Inay yeeshaan dadaal joogto ah si ay u gaaraan guulo waaweyn.
Wafdigu wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay ardayda inay ka shaqeeyaan sidii ay waxbarashadooda ugu noqon lahaayeen kuwo bulshada iyo dalkooda anfaca.
21/11/2024
Macalinku Waa Dhaayaheena Waana Dhisaha Aayaha Dhasheena
Hambalyo Dhamaan macalimiinta Soomaaliyeed
30/06/2024
Hambalyo Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo awgeed.
09/04/2024
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐ธ๐ด๐ค
Waxaan ugu hambalyeyneynaa dhammaan muslimiinta gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed farxadda munaasabadda Ciida.
Allaha naga aqbalo acmaashii wanaagsaneed.
Hambalyo, Ciid Wanaagsan ๐
13/03/2024
Hamabalyo Hamabalyo Hamabalyo.
Waxaa Maanta oo taariiqdu kubeegantahay 13/02/2024 soo gabagaboobay Tartan Sanadeedka Dugsiga 2023-2024 waxaana sanadkaan kuguleeystah kooxda boqortooyo waxaana koobka gudoonsiyay kooxda boqortooyo gudoomiye ku xigeenka dagmada hobyo gudoomiye muqtaar cabdulaahi maxamed Waxaa kaloo Martida kasoo qeeyb gashay kamid ahaa wefdi kaso wasarada wax barashada iyo qeeybaha kala duwan ee mamulak dagmada
01/03/2024
galabta oo taariikhdu Tahay 01-mar-2024 Waxaa daah furmay tartanka Kubbadda Cagta ee dugsiga xeeb.
Tartanka Oo dhex maraya afar Kooxood oo ka dhisan dugsiga ayaa waxaa galabta Tartanka lugu Furay kooxaha Kala ah
*Duufaan Iyo boqortooyo*
Ciyaarta oo kusoo idlaatay waqtigii loogu tala galay ayaa guushu ku raacday kooxda duufaan Kun dhamaatay Fc Duufaan3:2.Fc Boqortooyo
Tartanka waxaa dhex dhexaadiyay mamule Yaasin abdulahi sugule.
Tartanku waxa uu ka dhacay garoonka cagaaran Ee ciyaaraha Degmada
13/01/2024
JANUARY 13/05/2024
Waxaa saaka oo Sabti ah si nabad ah kaga bilaabmay Dugsiga H/Dhexe ee xeeb imtixaanka dhaxe ee sannad dugsiyeedka 2023-2024. oo ujeedadiisu tahay in qiimayn buuxda lagu sameeyo ardeyda duruustii ay soo qaateen mudadii dugsigu shaqaynayey sannad dugsiyeedkan.
30/06/2023
Hambalyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo aad joogtaan.
Waxaan idiin kugu hambalyeyneynaa maalmaha xorriyadda geyiga Soomaaliyeed.
1Da Luuliyo 1960-kii waa maalintii ay midoobeen labada gobol ee soomaliyeed waxaana caawa loo dabbaaldegayaa sannadguuradii 63-aad.