18/08/2026
๐๐ HAMBALYO IYO BOGAADIN ๐๐
Maamulka iyo macallimiinta Xeeb Primary School waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda sida wanaagsan ugu guuleystay Imtixaanka shahaadiga ee Fasalka 8aad. ๐๐
Guushan qiimaha badan waa mid ka dhalatay dadaalkiinna, dulqaadkiinna iyo waqtigii aad geliseen waxbarashada. Waxaan idinku bogaadinaynaa natiijada wanaagsan ee aad gaartay, waxaana idiin rajaynaynaa in tani ay noqoto bilowga guulo ka sii waaweyn.
Waxaan sidoo kale mahadnaq iyo bogaadin u diraynaa waalidiinta, macallimiinta iyo dhammaan bahda dugsiga ee garab istaagay ardayda muddadii ay waxbarashada ku jireen.
๐ Ardaydeena qaaliga ah, maanta waa guul, berrina waa mustaqbal ifaya. Sii wada dadaalka iyo waxbarashada!
๐ Hambalyo dhammaan ardayda ku baasay Imtixaanka shahaadiga ee Fasalka 8aad!