02/04/2026
Mantay oo taariikhdu aheyd 2/04/2026
Waxa kulan saaxibtinimo dhaxmaray labada iskuul ay kala ah
Hobyo primary and secondary school iyo wisil primary and secondary school
Kulankaas oo ahaa kulan aad u xiiso badan kaaso ku soo dhamaaday
1:0 oo uu ku badiyay Hobyo school
Goosha guusha waxaa dhaliyay abdifitaax abdi axmed ahne gudoomiyaha naadiga ardayda dugsiga.
Runtii waxaan u mahadcelinaynaa maamulka dugsiga wisil sida sharata leh ay noso dhaweyeen oo ugu horeeyo maamulaha dugsiga hasan jimcale bile.
18/03/2026
Mantay oo taariikhdu tahay 18 march 2026
Waxaa soo gabogabeenay Hobyo school cup oo noo bilowday 1 march 2026.
Kaasoo nagala soo qaybgaleen Bahda sports Dagmada.
Koobka waxaa loo qabtay 8 naadi oo iskuulka ka dhisan.
Waxaan k**a dambeysta iskugu yimid
Cadnaan electronic iyo f.c lions
Waxeyna guusha raacday oo koobka qaaday naadiga cadnaan electronic oo ku badiyay 2:0
Waxaana hoogaaminayay oo koobka u qaaday macalin Cabdulahi maxamed cilmi
Hambalyo ayaan leenahay naadiga cadnaan electronic
Oo ah horyaalka hobyo school cup.
01/03/2026
Dugsiga ayaa waxaa si rasmi ah looga daah furay koobka ciyaaraha ee kubada cagta.
Munaasabadda furitaanka waxaa kasoo qayb galay Guddoomiyaha Degmada, Gudoomiye sports gudoomiyaha Dhalinyarada gudoomiye-kuxigeenka sports Xoghayaha Sports Ciyaaraha kuwaas oo dhiirrigeliyay ardayda ciyartowda ah in ay si wanaagsan uga qayb qaataan tartanka soona bandhigaan ciyaar ku dheehan tahay xushmad iyo kubad wanaag.
Guusha ha gaaraan kuwa dadaala! ⚽🏀🏅
11/02/2026
Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay Dugsiga taas oo lagu guddoonsiinayay ardayda fasalka 9aad shahaadooyinkoodi fasalka 8aad ay ugu soo gudbeen.
Xafladda waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiye-ku xigeenka degmada,Xoghayaha Degmada Gudoonka Waxrabashada Degmada iyo mas’uuliyiin kale oo heer degmo ah, waalidiin, iyo marti sharaf kale.
kuwaas oo dhammaantood muujiyay taageero iyo bogaadin ku aaddan horumarka ardayda.
20/01/2026
HAMBALYO AROOS 💍
Maamulka iskuulka, macalimiinta, ardayda Gudiga iskuulka iyo Bahda waxbarashada waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Macalinkeena Abdifitax Mohamed Abdi iyo Gabadheena Rakio Abdullahi Ali
Waxaan u rajeynaynaa guur barakaysan, nolol farxad iyo wadajir waara.
Ilaahay ha idin barakeeyo.
06/01/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Mudane Albashiir Cilmi Xuseen, Guddoomiyaha Degmada Hobyo, Mudane Cismaan Axmed, iyo Kormeeraha Degmada, Mudane Sakariye Maxamed Abshir, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Iskuulka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Hobyo.
Agaasimaha Guud ayaa si gaar ah u dhiirrigeliyay ardayda, isaga oo uga mahadceliyay maamulka iyo macallimiinta dadaalkooda joogtada ah iyo kaalinta wax-ku-oolka ah ee ay ka qaateen guulaha imtixaannadii ay Wasaaraddu qaaday sannadkii lasoo dhaafay.
18/12/2025
Mantay oo taariikhdu tahay 18 December 2025 waxaa noo qabsoomay
doorshada Naadiga Ardayda ee Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare Ee Hobyo.
Waxaana ku guuleestay Gudoomiyaha Naadiga Ardayga Dugsiga
Abdifitaax Abdi Ahmed
Gudomiye ku-xigeen waxa ku guuleestay
Suxeyfe Maxamed Yusuf
Xogahaye waxaa ku guulestay
Bulaale Ali Abdullahi
22/11/2025
Munaasabada maalinta macalinka soomaaliyeed
Hambalyo macalimiinta soomaaliyeed
24/08/2025
hambalyo hambalyo hambalyo
dhammaan ardayda fasalka 12aad ee Dugsiga sare Ee HOBYO
aad ayaan ugu faraxsanahay hadaa nahay maamulka iskuulka,macalimiinta iyo Gudiga iskuulka guusha aad gaarteen iyo heerkan waa caddeynta dadaalkiina, adkaysigiina iyo kartidiina.
Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo badan oo is xig xiga iyo aqoon midaan ka sareyso.
Mar labaad hambalyo horumar iyo barwaaqo.
⸻
24/06/2025
dabaaldagii maantay ardayda fasalka 8aad ee imtixaanka u dhammaaday.
waxaan idiin rajeeneynaa natiijo aad ku faraxdaan insha allah.