20/05/2024
Waxa maanta oo taariikhdu tahay 20/05/2024 Magaalada Burco ka qabsoontay munaasibad xilwareejinta Gudoomiyaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayanisa ee Gobolka Togdheer Mudane Ibraahin Digaale Maxamed sidoo kale Wax xilkii Masuuliyada Wasaarada Waxabarshada iyo Sayniska ee Gobolka Togdheer la wareegay Mudane Maxamuud Xasan Caynaashe , Munaasibadan waxa ka soo qayb galey masuuliyiinta heer Gobol , heer Dagmo , hayadda Caalamigaa , Hayadda Maxaligaa , Salaadiinta. , Cuqaasha iyo Bulshadda Gobolka Togdheer
30/01/2024
Ku: Dhamaan Ardayda Dalka Danaynaysa Barashada Xirfada Gacanta
Og; Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka
Og: Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska
Og: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska
Ujeeddo: Deeq Waxbarasho { Farsamada Gacanta}
Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku Waxa ay Ogaysiinayaa Dhamaan Ardayda Reer Somaliland Ee Danaynaysa Barashada Xirfadaha Farsamada Gacanta in ay Timid Deeqdii Waxbarashada ee Xirfadaha Farsamada Gacanta ee uu Dalka itoobiya Siin Jiray Ardayda Reer Somaliland.
Tirada Deeqdan waxbarasho ee Farsamada Gacanta ayaa dhan 70 arday ee Barashada heerka koowaad (Bachelor degree) ee farsamada gacanta.
Haddaba, waxa ay Wasaarada waxbarashadu ku wargelineysaa dhamaan ardayda danayneysa deeqdan waxbarasho waxaa looga Baahan Yahay in ay Soo Buuxiyaan Shuraadahan Hoose ku Qoran.
Shuruudaha laga Rabo Ardeyda Danaynaysa Deeqdan Waxbarasho
1. In uu yahay Muwaadin reer Somaliland oo sita kaadhka dhalashada Somaliland.
2. In uu sito shahaadada dugsiga sare ee farsamada gacanta ama Shahaado dugsi sare oo Heerkeedu Yahay A iyo B.
3. In uu soo qoro codsi ay ku cadahay Kulliyadda uu ardaygu codsanayo.
4. In uu diyaar u yahay inuu galo imitixaan lagu tijaabinayo fahamka ardeyga.
Xirfadaha La Bixinayo
:::::::::::::::::::::::::::::"":::::::::::
I. Biomedical Technology
II. Automotive Technology
III. Roads construction
IV. Manufacturing and Metal Engineering Technology
V. Urban Agriculture and Agro farming Systems
VI. Textile and Leather/Garment making Technology
VII. Hospitality and Tourism.
VIII. Hydrology and Hydro Electrical (water System)
IX. Renewable Energy
Goobaha lagu xaraynayo codsiyada
Ardey kasta oo buuxiya shuruudaha kor ku xusan waxa uu codisigiisa ku soo xaraynayaa xafiiyada Waxbarashada Gobolada ( Regional Education Office ) ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska laga bilaabo maalinta sabtida oo ay taariikhdu tahay 20/1/2024 ilaa 1/2/2024
Fadlan halaga faa'idaysto fursadan Arbacada iyo khamiista Codsiyada waa la qabanayaa.
22/01/2024
WARGELIN MUHIIMA: 𝐉𝐚𝐝𝐰𝐚𝐥𝐤𝐚 Hubinta iyo 𝐈𝐦𝐭𝐢𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐐𝐚𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐦𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐮 𝐌𝐞𝐞𝐥𝐠𝐚𝐚𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 Togdheer ❀ꗥ~ꗥ❀
Waxa la ogaysiinayaa dhammaan macalimiinta ku meel-gaadhka ah ee Wasaaradda Waxbarashada in maalinta beri ah la bilaabi doono hubinta macalimiinta ku meel-gaadhka ah ee Wasaaraddu usoo gudbisay Hay'adda Shaqaalaha, hubinta macalimiintu waxay socon doontaa mudo laba maalmood oo ah 23,24 January 2024;-
𝑮𝒐𝒐𝒓𝒕𝒂 8:00 Subaxnimo.
𝑮𝒐𝒐𝒃𝒕𝒂: Xarunta Gobolka Togdheer (Hoolka Xafiiska Badhasaabka)
Waxaa si gaara loogu adkaynayaa macalimiinta in ay wakhtiga dhawraan isla markaana la yimaadaan shuruudaha looga baahan yahay oo ah
✅ Waa in uu ku jiraa liiska wasaaradda waxbarashada soo gudbisay
✅ Waa in uu sitaa Kaadhkiisa/keeda Aqoonsiga Muwaadinta (National ID)
✅ Waa in aanu ka habsaamin wakhtiga loo qabtay.
✅ Waa in uu sitaa Shahaado Original ah.
15/01/2024
Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo Sayniska Badhasaab Kuxieenka Gobolka Togdheer, Gudoonka waxbarashada Gobolka Togdheer ayaa ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu Daahfurayo Qaadashada Ruqsada Barayaasha Gobolka Togdheer, waxa kale oo munaasibada ka soo qayb galay inta badan Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiyada, barbaarinta , Hoose/dhexe iyo sare iyo Dawli iyo gaarba ee ku yaala gudaha Magaalada Burco,sidoo kale waxaa ka soo qayb galay Munaasibadan, xubno ka mida gudida waxbarashada Degmada iyo dhammaaanba masuljyiinta waxbarashada Degmada, waxaana xafladan lagu gudoon siiyay ruqsada baraha, 329, macalin.Gobolka Togdheer waxa uu noqonayaa gobolka ugu horeeya Ruqsad qaadashada Gobolada Dalka. Waxay arrinta kamid ahayd Qorshayaashii waxbarashada Gobolka Togdheer ee sanadkii dhammaaday,ee 2023,waxaana hawshan soo qabanqaabiyay gudoonka waxbarashada Gobolka Togdheer oo kaashanaya Agaasinka waaxda Diwaangelinta hantid
14/01/2024
Agasimaa Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JMS mudane Abdirisaaq Jama Nuur iyo Gudoomiya WW&S ee Gobolka Togdheer Mudane Ibraahim Digaale Muxumed ayaa ka qaybgalay munaasibada qalinjabinta arday baratay xirfadda ICT IYO ELECTRICITY " SOLOR ENERGY " Masuuliyiintan ayaa ku dheraaday mihiimada ay leedahay barashada xirfadu sidoo kale labada masuul ayaa dhiiri galiyay ardaydii qalin jabisay sheegayna in ka Wasaarad ahaan aya mihnad gaara siiyaan barashadda xirfadaa sidoo kale munaasibadan waxa ka soo qaybgalay Madaxa xafiiska Hayadda SAVE the children Mudane Abdinasir Cali Sahal iyo Masuuliyiinta heer Gobol iyo Dagmo
30/11/2023
OGAYSIIS
Xafiiska imtixaanaadka qaranka JSL iyo guddoonada waxbarashada gobolada oo ka duulaya ilaalinta iyo daba-galka taxanaha waxbarashada ardayda dalku waxay ogaysiinayaan, ardeydii ka soo gudubtay imtixaankii shahaadigga ahaa ee fasallada 8-aad ee dugsiga dhexe ee sannad dugsiyeedkii 2022-2023-ka in ay shahaadooyinkoodii fasalka 8-aad diyaar ku yihiin xarumaha xafiiska imtixaanaadka qaranka.
Sidaa darteed, waxa ardey kasta oo ku jira fasalka 1-aad ee dugsiga sare la farayaa, in uu shahaadadiisa soo qaato inta ka horeysa imtixaanka naqliga ah ee teeramka kowaad ee dugsiyada dalka.
Fiiro gaar ah!!. Ardeyga aan haysan shahaadadiisii fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe loo ogolaan maayo in ay galaan imtixaanka naqliga ah teeramka kowaad ee dugsiyada.
Sidaa awgeed, ardayda waxa la ogaysiinayaa in ay shahaadooyinkooda sida ugu dhakhsaha badan u soo qaataan.
Ardayda Gobolka Togedheer waxa shahaadooyinkii ay diyaar ku yihiin Xafiiska Xarunta Waxbarashada Gobolka Togedheer.
01/07/2023
Ogaysiis Tababarka Macalimiinta. Gabdhaha.
24/12/2022
TACSI TIIRAANYO LEH.
( إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)
إن لله ما أخذ ، وله ما أعطى ، وكل شيء عنده بأجل مسمى
Gudoonka W/W&S Gobolka Togedheer, Agaasime waaxeedada, Kormeerka, Shaqaalah, Maamulayaasha Dugsiyada, Macalimiinta, iyo bahda waxbarashada Gobolka Togdheer waxay Tacsi Tiiraanyo leh u diryaan.
Wasiirka W/W&S JSl Axmed Maxamed Diiriiye Cige Toorno. Oo aabihii Maxamed Diiriiye Cige ku geeriyooday Magaalada Hargaysa.
Waxa ay marxuunka Alle swc uga baryayaan in uu su'aasha u fududeeyo, janatul fardowsana ka waraabiyo.
Qoyskii Qaraabadii iyo Shacabka Somaliland na samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aaniin aamiin.
13/10/2022
Kormeerka U kuur-galka Xaalada Waxbarasho ee Deegaanada Bali jiilaal Iyo Xayira
Gudoomiyaha W/W&S Gobolka Togedheer Mudane Ibraahim Digaale Maxamed oo ay weheliyaan Maayir kuxigeenka Degmada Burco iyo xubno kamida Golaha Deegaanka Degmada Burco xil khaalid iyo Xil cabdiqani Cabdilaahi iyo Gudoomiyaha Degmada Qoryaale.
Ayaa saaka Kormeer ujeedadiisu daaranayd u kuurgalka xaalada Waxbarashada dugsiyada Deegaanada Xayira iyo Bali Jiilaal ku tegay.
Gudoomiyaha iyo weftigilan ayaa kulamo la qaatay Maamulka iyo Macalimiinta dugsiyadaas sidoo kalena ardayda kula hadlay faslada iyagoo eegay buugta ay wax ku bartaan ardaydaasi.
Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada Gobolka Togedheer ayaa xoogga saaraysa dardargelinta tayada Waxbarashada Dugsiyada Gobolka Togedheer.
Xafiiska Wacyigelinta iyo xidhiidhka dadwaynaha W/W&S Gobolka Togedheer