Xaaxi Boarding School

Xaaxi Boarding School

Share

Xaaxi Boarding School Waa dugsi hoy ah Waxaana Dhigta Arday Gaadhaysa 300 Oo Arday 50 kamid ahi waa hablo Deganka ah oo rawaxa inta kalena waa inamo

Photos from Xaaxi Boarding School's post 10/07/2020

مدرسة الداخلية فى حاحي
الدفعة الأولى عام 2010 - 2011
أحلى أيام وأيام الدراسة

Photos 09/09/2016

Kormeerkii Waxbarashada ee Sunbul 01.09.2016
Maanta oo ay taariikhdu tahay 01.09.2016 Waxa kormeer Waxbarasho ku tegey Boodhinka Wayn Ee Xaaxi Guddidii Gacanta Ku haysey ee SUNBUL CHARITY ORG
Gudidaas Kormeerku waxay ka koobnayd 5 Xubnood
 Aniga oo ah Cabdikarim Cabdalla Ibrahim
 Gu/Max /G/Somaliland Ahmed Dalmar Ismail
 Cabdiraxman X Ahmed X Diriye
 Xasan Qorane X Cali
 Cabdilahi Caqli Cilmi
Waxay ay guddidu soo kormeereen :
1. Qaabka Waxbarashada Ardayda Nidaamiga ahi u socoto
2. Qaabka waxbarashada Culumta shareecadu u socoto
3. Liiskii Ardaydii Cusbaa ee sanadkan la qaatay 80 Arday
4. Xaaladda Macalimiinta
5. Xaaladda Shaqaale hoosaadka Boodhinka
6. Beeraha boodhinka
7. Agabka waxbarashada iyo Guud ahaan boodhinka

Photos from Xaaxi Boarding School's post 15/04/2016

Shalay oo ahayd 14/04/2016 Ayey Gudida Taakulaynta Waxbarashada Ee Sunbul ku wareejiyeen Boodhinka wayn ee Xaaxi . ee ku yaalla Gobolka oodwayne . Deeq Raashin ah oo ay Dawladdu Bixisay -Somaliland -
Ilaahay ayaa Mahad iska leh Markasta isaga ayaana Bani aadamkiisa wax isugu dhiiba . kuna adoonsaday inay wax wada lahaadaan oo wax wada yeeshaan . iskuna tiirsanaadaan .
Cidda kaliya ee kaaftoomi kartaa waa Allah .

Photos from Xaaxi Boarding School's post 12/03/2016

Shalay oo taariikhdu ku beegnayd 09.03.2016 waxa Boodhinka wayn ee xaaxi boarding school tegey Dr Mustafe Kaydsane iyo badh ka mid ah Guddida tacliinta ee sunbul . halkaas oo Drku Macalimiinta siminaar fiican ugu soo qabtay isla markaana gudidu waxay soo kormeereen dhismayaal dugsiga ka socdey oo la dhamaystiray sida Hoolkaas aad arkaysaan iyo berked biyaha lagu keydiyo .

Photos 27/02/2016

Booqashadii Dugsiga Xaaxi Boarding School Ee Tuulada Xaaxi. Gobolka Daad-Madheedh.

Asalaamu Calaykum

Waxaan nasiib u yeeshay inaan booqasho ku tagno Dugsiga Boarding ka ee Tuulada Xaaxi oo ka tirsan Gobolka Daad-Madheedj/Oodweyne, Dugsigaas oo ay wax ka bartaan arday Tiradoodu dhan tahay 120 Arday oo dugsigaas u hoyda oo waxbarasho Bilaash ahna ka hela iyo 30 arday oo iyaguna wax ka barta oo guryahooda ku carraaba. Socdaalkan oo ay igu wehelinayeen Saaxiibaday Garyaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex iyo Garyaqaan Waliid Yuusuf Axmed Saryan oo ka tirsan Wasaarada Cadaalada Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaanu Dugsigaas ku soo aragnay Arday aad u dedaalaysa oo hesha Waxbarasho Tayo leh, Cunto, Hu' iyo Hoy nadiif ah.Waxaana jooga Macalimiin Aqoon heer Jaamacadeed leh oo hawlkar ah, Waxa Dugsigan qiimaha badan dhaqaalaha ku baxa bixiya dad Muxsiniin ah oo iskood isu xilqaamay oo dunida dacaladeeda ku nool oo deegaanka u dhashay.

Waxa kale oo sharaf weyn ii ahayd inaan markii iigu horraysay soo arko Magaalada Oodweyne oo ah magaalo Guun ah oo taariikhi ah. Waxaanu aad ugu Mahadnaqayaa Maamulka iyo Macalimiinta Dugsigaas oo si sharaf leh noo soo dhaweeyay. Waxaa kale oo aan u Mahadnaqayaa dadka deegaankaas ku nool oo noo Loogay si xushmad iyo karaamo lehna noo qaabilay.

Deegaanada Xaaxi iyo Nawaaxiga Oodweyne waxaa ka muuqatay siigo cas iyo abaar bilow ahayd iyo biyo yaraan, waxaanan Allah uga baryayaa inuu Abaarta inaga jebiyo oo raxmadiisa inoo shubo. Aamiin.

Ugu danbayn waxaan u Mahadnaqayaa Allahna aan Ajar u weydiinayaa Garyaqaan Axmed Dalmar iyo Gudida iskuulkaas kaalinta Samofalka ah ee ay dugsigaas ku hagaan kuna Caawiyaan ardaydaas yaryar ee Mustaqbalkooda dhisayaan, waxaanan ku boorrinayaa inay dedaalka halkaas kasii wadaan. Dhamaanteena aynu gacan ka geysano.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyada Somaliland

Photos from Sunbul Charity Organization's post 13/09/2015

Shalay oo ay taarikhdu ahayd 12/09/2015 waxa aanu ku tagnay anaga iyo xubno ka tirsan qurbajoogta sunbul kormeer iyo indhoindhayn xaaladda wax barasho ee xarun cilmiyeed ka wayn ee Xaaxi Boarding School
Waxbarashadu waa socotay heeganna way ugu jireen hawlwadeenadu aad baanay ugu farxeen akhyaartii qurbajoogta ahayd ee sunbul ,
Waxayna mahad naq balaadhan u soo jeediyeen xubnihii dalka joogay ee sunbul ee heerkaa soo gaadhsiiyey boarding ka xaaxi .

Photos 27/01/2015

Ardeyda Dhigata Dugsiga hoyga ah ee xaaxi Boarding School Ayaa waxa la xasuusinayaa mar labaad In Boardingka fasaxii yaraa ee lagalay Taariikhdu Markay ahayd 07-01-2015 ee nisfu Caamka ahaa uu dhammaanayo Maalinta sabtida ee soo socota
Waxaana lagu soo noqonayaa Boardingka si toos ahna waxbarashadu u bilaabmaysaa Maalinta axadda ee 01-02-2015 Waxa lagu war gelinayaa ardeyda in aanay xilligaa ka soo habsaamin in sha allah .

Photos from Xaaxi Boarding School's post 18/12/2014

Haayadda Sunbul Charity Organization waxa ay ogaysiinaysaa Ardeydii ka soo qalin jabiyey Classka 8aadka sanadkan 2014 in ay Xafiiska haayadda ka heli karaan shahaadooyinkoodii , loona diyaariyey ,

Photos 16/07/2014
Photos from Xaaxi Boarding School's post 12/07/2014

Qaybo kamida Ardeydii ka Qalin jabisay Boardingka Xaaxi 2013

Photos from Xaaxi Boarding School's post 12/07/2014

Muuqaalka Beeraha Boarding-ka Xaaxi

Photos from Xaaxi Boarding School's post 12/07/2014

Ardeydii 8aadka ka qalinjabisay 2013

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeysa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


G. Sumbul@yahoo. Com
Hargeysa