Addacwa Quraan Online islamic school

Addacwa Quraan Online islamic school

Share

soo dhawoow

29/11/2024

KU BARO
QURAANKA ONLINE
Ku Baro Quraanka Kariimka iyo Culuumtiisa Si Online ah adiga iyo Ubadkaaguba, Idinkoo Isticmaalayaa “SKYPE” , Meel-kasta oo aad caalamka ka Joogtaan iyo Waqtiga aad Jaaniska leedahay.

Dugsiga Addacwa ee Barashada Quraanka Kariimka iyo culuumta diiniga ah, Wuxuu kuu diyaariyay casharo iyo duruus Tayo leh sida; Higaada Carabiga, Xifdiga Qur’aanka iyo Tajwiidkiisa, Tafsiirka Quraanka, Ducooyinka, Tarbiyada islaamka (Islamic Studies), Xadiiska iyo casharo kale oo Diini ah. IS-DIIWAAN GALI, fariin toos ah nooga soo qor WhatsAppka Dugsiga
(+2520634864273)

02/12/2021

markazka Addacwaonline waa markaz online ah oo aad ka baran karto diinta islaamka meel walba oo aad dunida ka joogto markaz waxaa dhigata arday ku kanool sida usa sweden norway finland australia markazku wuxuu kuu diyaariyay wax barasho tayo leh iyo macalimiin aqoon durugsan uleh barida iyo ku barbaarinta ubadka diinta islaamka ah waxaa loo tababaray soo saarida qoys islaami ah waxaa wax lagugu barayaa qalab casri ah oo aan ka dhicin macalin ku horjooga hadaba markazku waxa uu siinayaa ardayda cusub tijaabo sedex maalmood ah oo lacag la’aan ah si uu ugu qanco waalidka waxaa wax kabaran kara qof kasta caruur iyo ciroole markazku waxa uu qaadanayaa arday isugu jirto bilow dhexdhexaad iyo dhameestir intaba wax barashadii loo safri jiray ayaa gurigaagi kugu tinid waa fursad qaali ah.

Photos from Addacwa Quraan Online islamic school's post 02/12/2021

machadka Addacwa online waa machad online ah oo aad ka barankarto meel walba oo aad aduunka ka joogtid
xifdinta qur’aanka oo tajwiid laguugu dhigaayo iyo dhamaan kutubta shareecada islaamka waxana laguu dhigayaa saacada aad jaaniska
leedahay habeen iyo maalinba adoo gurigaaga jooga ama xafiiskaaga machadka Addacwa online waxa uu kuu diyaariyey macalimiin aqoon durugsan u leh barida xifdinta quraanka kariimka iyo ku barbaarinta ubadka diinta islaamka iyagoo adeegsanaaya qalab casri ah oo aan ka dhicin macalin ku hor jooga https://addacwaonline.com/

Photos from Addacwa Quraan Online islamic school's post 02/11/2021
18/05/2021

Bushaaro Bushaaro
Waxa loogu bushaaraynayaa bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan daafaha Caalamka in Mac-hadka barashada Qur’aanka Karimka ah iyo shareecada islaamka Addacwa Quraan Online oo looga bartay aqoon tayo leh diini iyo maadiba iyo maclimiin khibrad iyo waayo aragnimo dheerada u leh casharada ay tabinayaan in uu qaadanayo arday cusub oo bilaw iyo dhexdhexaadba leh.
Maaddoyinka lagu barto mac-hadka Addacwa Quraan Online islamic school waxa ay kala yihiin
1) Qur’aanka Kariimka ah
2) Higaadda
3) Adkaarta iyo Ducooyinka
4) Barashada Salaadda
5) Siirada Rasuulka
6) Xadiiska
7) Tarbiyadda Carruurta
Waqtiyada xiisadaha la dhiganyo ardayga ayaa dooranaya
Wixii Faafaahina la xidhiidh
Whatsapp +2520634864273 + Dugsigu waxa uu ku yaala magalada Hargaysa

02/11/2020

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS
Bahda jecel barashada culuumta diiniga waxa la ogeysiinaa inaan bilaabi donaa darsi ku saabsan tafsiirka qur,aanka kariimka
Waxa casharkaasi la qadanayaa malmaha Sabti iyo Axad kaliya sacacada
8:30pm -9:30pm waqtiga geeska afrika
Ardayda an qadanayna wa 30 arday kaliya kuwaas oo lagu koontorooli dona darsigaas
# Wa free wax lacag ah lagama doonaaya
Kheyrkaas walalaha danaynaaya gaarsii

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeysa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Hargeysa