Abdirahman Sameeco

Abdirahman Sameeco

Share

Abdirahman Sameeco, Macalin u heellan inuu ka shaqeeyo sidii uu wax u bari lahaa ardayda Somalida.

Master of Educational Administration & Planning | Mastering PSG General psychology, | Master of Research & Data Analysis.

23/07/2026

THESIS DEFENSE TRAINING GOLLIS UNIVERSITY

Baro sida loo:
1. Soo bandhigo thesis-ka si xirfad leh.
2. Looga jawaabo su'aalaha guddiga si kalsooni leh.
3. Looga fogaado khaladaadka ugu badan ee ardaydu galaan.

🎤 Facilitator:
Abdirahman Sameeco
_________________________

Photos from Abdirahman Sameeco's post 22/07/2026

Participation Certificate
Data Analysis using SPSS

Tima ade University Hargeisa Campus

Abdirahman Sameeco
_________________________

19/07/2026

9 ciyaaryahan ayay noqdeen... kubbaddii annagaa ciyaareyna!
🇪🇸😂

19/07/2026

Casaan waa la siiyay, laakiin kubbaddii lama siin. 😅⚽
Viva Spain 🇪🇸

18/07/2026

Maamulaha Dugsiga,

Markaad abaalmarinayso ardayda guusha gaadhay sannad-dugsiyeedkan, ha illoobin macallimiinta.

Arday kasta oo guulaystay waxaa ka dambeeya macallin waqti, aqoon, dulqaad iyo dadaal geliyey.

Abaalmarinta macallinku ma aha kharash ee waa maalgashi. Marka macallinka la qiimeeyo, waxbarashaduna way kobocdaa.

Abdirahman Sameeco

18/07/2026

Muddo aan fogayn ayaan is weydiiyey su’aal fudud:

Maxay dad badani ugu dhibaatoodaan aamusnaanta?

Jawaabtu ma aha inay daciif yihiin.
Ma aha inay bila iimaan yihiin ama daciif yahay iimanku. Sidoo kalena ma aha inay iyagu doorteen dhibaatada ay ku jiraan.

Mararka qaarkood waxay xambaarsan yihiin oo ay ku jiraan dagaallo aan indhuhu arki karin.

Markii aan akhriyey psychology WHO mhGAP Intervention Guide (Version 2.0), waxaa maskaxdayda ku soo noqnoqday fariin muhiim ah:

Dadku uma baahna oo keliya daaweyn waxay u baahan yihiin faham.

Qofka la nool niyad-jabka (depression) uma baahna oo keliya in lagu yidhaahdo: “Adkayso.”

Wuxuu u baahan yahay qof dhegaysta isaga oo aan xukumin, dhiirrigeliya isaga oo aan canaanan, oo xusuusiya in bogashadu suurtagal tahay.

Soo kabashada caafimaadka maskaxdu kuma dhisna dawooyin oo keliya. Waxay ku dhisan tahay naxariis, waxbarasho, qoys taageero leh, bulsho daryeel leh, taageero cilmi-nafsi, iyo hagitaan xirfadeed marka loo baahdo.

Innaga oo ah saaxiibo, cilmi-nafsiyaqaanno, macallimiin, waalidiin, iyo hoggaamiyeyaal bulsho, waa inaan xusuusnaano:

Hadal naxariis leh wuxuu badbaadin karaa nolol.
Dhegaysi wanaagsan wuxuu soo celin karaa rajo.
Qoys taageero leh wuxuu beddeli karaa mustaqbalka qof.

Aan abuurno dugsiyo ay ardaydu ku dareemaan ammaan.
Aan dhisno goob shaqo oo shaqaaluhu dareemaan in la maqlayo.
Aan kobcinno qoysas qofku uusan ka xishoon inuu caawimo raadsado.

Sababtoo ah caafimaadka maskaxdu ma aha raaxo ama wax dheeraad ah.

Waa xuquuq bani’aadamnimo.

Haddii hal qof uu maanta akhriyo fariintan oo uu go’aansado inuu caawimo raadsado halkii uu keligiis u silci lahaa, fariintani waxay horey u gaadhay ujeeddadeedii.

"Bogashadu waxay bilaabataa marka qofku dareemo in la fahmay."

Waxaa jira dad badan oo si aamusnaan ah u silcaya... Laakiin In Islamic Psychology Alle wuxuu leeyahay:
فَإِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا ۝ إِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا
لَا تَقْنَطُوا مِن رَّحْمَةِ اللَّهِ

Abdirahman Sameeco
________________________

17/07/2026

KA HOR INTAADAN KA TAGIN DUGSIGA AAD HADA SHAQAYSO… OO AADAN U GUURIN MID KALE
QORAALKAN AKHRI!

Macallimiin badan waxay ka tagaan dugsigooda iyagoo helay Dugsi siiyey mushahar ka sarreeya, goob shaqo oo ka wanaagsan, ama ballanqaadyo soo jiidasho leh.

Waxaad Durba bilaabaysaa diyaarinta warqada iscasilaadda.

Macalin wax khalad ah kuma jiro inaad raadiso fursad wanaagsan.
Runtii macalin kasta wuxu mudan yahay horumar.
Laakiin ka hor intaadan ka tagin dugsiga aad hadda ka shaqayso oo aad u guurin mid kale, hakad yar geli oo is weydii su'aalahan.

Ma waxaad u guuraysaa mustaqbal ka wanaagsan, mise waxaad ka cararaysaa niyad-jabka maanta ku haysta?

Ka hor intaadan aqbalin shaqo cusub, is weydii:

1. Sidee dhab ahaan u yahay dhaqanka iyo jawiga shaqo ee dugsiga cusub?
2. Macallimiinta ma la ixtiraamaa, mushaharkoodana ma lagu bixiyaa waqtigiisa?
3. Ma jiraan fursado horumar xirfadeed?
4. Ma dhibaato ayaan ka baxayaa mise mid kale ayaan u beddelanayaa?

Xusuusnow:

Warqad kasta oo shaqo laguugu magacaabo ma aha fursad horumarineed. Mararka qaarkood waa keliya inaad cinwaan shaqo beddesho.

Go'aanka ugu wanaagsan ee shaqo laguma saleeyo xamaasad oo keliya, balse waxaa lagu saleeyaa xaqiiqooyin, caddeyn, iyo himilo fog.

Macallimiin saaxiibbayaaal: Halkee ayay kula tahay inuu macallin kasta si qoto dheer uga hubiyo ka hor inta uusan aqbalin shaqo cusub? Fikraddaada nala wadaag qaybta faallooyinka.

Abdirahman Sameeco
_______________________

Photos from Abdirahman Sameeco's post 17/07/2026

Senior students
Alxamdulillaah, aad ayaan ugu faraxsanahay abaalmarinta qiimaha badan ee ay i gudoonsiiyeen ardaydii ka qayb gashay tababarka Research Methodology & Data Analysis using SPSS ee
Tima ade University Hargeisa Campus

Abaalmarintani waxay ii tahay dhiirrigelin aan ku sii wado wadaagga aqoonta, horumarinta cilmi-baadhista, iyo kobcinta xirfadaha falanqaynta xogta ee ardayda iyo cilmi-baadhayaasha.

Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan ardayda kalsoonida, dedaalkooda, iyo ixtiraamka ay i muujiyeen. Guusha dhabta ahi waa inaan arko arday aqoon iyo xirfad ku hubaysan oo bulshada wax ku soo kordhinaya.

Alle ha idin barakeeyo, hana idiin siyaadiyo cilmiga iyo camalka suuban.

"Macallinka ugu guusha badan waa kan ardaydiisu ka gudbaan halkii uu joogo."

Abdirahman Sameeco

16/07/2026

Ilaahayow roob barako leh oo waxtar leh nooga dhig.

16/07/2026

Mashruuc sidan u baaxad weyn wuxuu sare u qaadayaa magaca iyo sumcadda Jaamacadda Hargeysa, University of Hargeisa isagoo muujinaya awooddeeda hoggaaminta cilmi-baadhista heer qaran.

Saaxiibkay Axmed Heersare PhD
Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa hoggaanka iyo dhammaan bahda college of Health Sciences. Inay soo bandhigeen ku dhowaad 57 cilmi-baadhis poster waa guul weyn oo muujinaysa dadaalka, aqoonta iyo dhaqanka cilmi-baadhiseed ee ay dhisayaan.

Waxaan idiin rajaynayaa horumar iyo guulo badan, waxaana rajaynayaa in cilmi-baadhisyadani ay noqdaan kuwo bulshada iyo nidaamka caafimaadka wax weyn ku soo kordhiya.

Abdirahman Sameeco
________________________

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeysa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Hargeysa