27/09/2026
OGAYSIIS ARDAYDA
BARNAAMIJKA BUUGGA & LA-TALINTA DOORASHADA TAKHASUSKA JAAMACADEED
QAYBTA CAAFIMAADKA HEALTH SCIENCES
Waxaa caawa oo isniin ah, 27-09-2026, saacadda 9:00 PM online lagu qabanayaa kulan gaar ah oo ku saabsan College of Health Sciences.
Kulankan waa qayb ka mid ah barnaamijka iyo buugga “DOORASHADA TAKHASUSKA JAAMACADEED”, oo loogu talagalay in ardayda lagu caawiyo inay si xog-ogaal ah u fahmaan takhasusyadooda, waxa ay baranayaan iyo mustaqbalkooda xirfadeed.
Takhasusyada caafimaadka ee laga hadli doono waxaa ka mid ah:
- Medicine
- Nursing
- Midwifery
- Pharmacy
- Public Health
- Medical Laboratory Science
- Nutrition & Food Science
- Dental Clinical & Surgery
Khabiirro ku takhasusay culuumta caafimaadka ayaa ardayda la wadaagi doona:
1. Waxa lagu barto takhasus kasta
2. Fursadaha waxbarasho
3. Xirfadaha iyo mustaqbalka shaqo
4. Sida loo fahmo takhasuska kugu habboon
5. Su’aalaha ay tahay in ardaygu is weydiiyo ka hor inta uusan takhasus dooran
Arday kasta oo xiisaynaya Health Sciences ha diyaar garoobo, su’aalihiisana ha sii diyaarsado.
Ku soo biir Group-kan https://chat.whatsapp.com/CIZSFl34rKFCt0yE7orIKK
si aad uga hesho xogta kulanka iyo link-ga online-ka.
Waqtiga: 9:00 PM — Caawa, isniin 27-09-2026
Ha seegin fursaddan!
Doorashada Takhasuska Jaamacadeed
Go'aanka Maanta Mustaqbalka Berri.
— Abdirahman Sameeco