Somaliland Basketball Federation

Somaliland Basketball Federation

Share

Xidhiidhka Kubbadda Kolleyga Somaliland

30/05/2026

OGEYSIIS KU SAABSAN SUUQA KALA IIBSIGA CIYAARTOYDA
Xidhiidhka Kubadda Koleyga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dhammaan naadiyada kubadda koleyga ku wargelinayaa in la furay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda (Transfer Window), si naadiyadu u helaan fursad ay ku xoojiyaan ama ku beddelaan ciyaartoydooda iyadoo la raacayo xeerarka iyo nidaamyada xidhiidhka.

29/05/2026

Finalka boorama labada kooxood
Dawlada hoose vs goodir

Photos from Somaliland Basketball Federation's post 29/05/2026

Tartanka kubadda koleyga gobolka Awdal
ee lagu maamuusay munaasibadda 18 May ayaa maanta si rasmi ah loogu soo gebagebeeyey caasimadda Boorama, kadib ciyaar final ah oo aad u xiiso badan oo dhex martay kooxda Dawladda Hoose iyo kooxda Goodir.
Kooxda Goodir ayaa ku guulaysatay koobka kadib markii ay ku badisay 85 dhibcood, halka kooxda Dawladda Hoose ay heshay 80 dhibcood. Ciyaarta finalka ayaa ahayd mid heer sare ah oo ay labada kooxood soo bandhigeen tartan adag iyo ciyaar qurux badan.
Tartankan oo qayb ka ahaa xafladaha koobka 18 May ee Boorama ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Dawladda Hoose ee Boorama iyo wakiilka xidhiidhka kubadda koleyga gobolka Awdal Cabdi Ismaaciil Muumin.
Xafladda xidhitaanka tartanka waxaa si rasmi ah u soo xidhay guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubadda koleyga Somaliland Maxamed Aadan Maxamuud, isagoo hambalyo u diray kooxaha ka qayb galay iyo dhammaan dhalinyarada gobolka Awdal ee ka shaqaynaya horumarinta ciyaaraha kubadda koleyga.

17/05/2026

Waxaa xalay si rasmi ah uga furmay magaalada Berbera tartanka kubadda koleyga ee 18 May,

Photos from Somaliland Basketball Federation's post 17/05/2026

Waxaa xalay si rasmi ah uga furmay magaalada Berbera tartanka kubadda koleyga ee 18 May, kaas oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin iyo marti sharaf kala duwan.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Berbera, Xoghayaha Badhasaabka Gobolka Saaxil, Isku-duwaha Ciyaaraha Gobolka Saaxil iyo Wakiilka Gobolka Saaxil ee Xidhiidhka Kubadda Koleyga. Tartankan waxaa si wadajir ah usoo qabanqaabiyey Dowladda Hoose ee Saaxil iyo Wakiilka Xidhiidhka Kubadda Koleyga Gobolka Saaxil.
Ciyaarta furitaanka tartanka ayaa dhex martay kooxda Dowladda Hoose ee Berbera iyo kooxda Goodir, iyadoo jawi ciyaareed qurux badan lagu daahfuray tartanka xuska 18 May.

16/05/2026

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Boorama uga furmay koobka 18-ka May ee kubadda koleyga, kaas oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin iyo marti sharaf kala duwan.
Munaasabadda furitaanka waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland, wakiillo ka socday xidhiidhka kubadda koleyga ee Boorama, iyo marti sharaf kale.
Tartankan ayaa qayb ka ah dabaal-degyada munaasabadda 18 May, iyadoo lagu dhiirrigelinayo horumarinta ciyaaraha iyo isku xidhka dhallinyarada gobolka. Waxaa la filayaa in koobkani uu sare u qaado tayada ciyaaraha kubadda koleyga iyo iskaashiga ciyaartoyda magaalada Boorama.

15/05/2026

Xaflada garoonka kubada koleyga boorama...

Photos from Somaliland Basketball Federation's post 14/05/2026

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yaasiin Maxamuud Faarax ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray Garoonka Kubadda Kolayga ee Hanuuninta Gobolka Awdal.

Munaasabadda furitaanka garoonka waxa Wasiirka ku wehelinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda WDH&C Md. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda WDH&C, Maayarka Magaalada, Badhasaabka Gobolka Awdal iyo masuuliyiin kale.
Xidhiidhka kubada koleyga somaliland

Sidoo kale, waxa qayb ka ahaa kormeerka Agaasime Waaxeedyada Waaxda Ciyaaraha iyo Garoomada ee Wasaaradda.

01/05/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha, maamulka iyo dhammaan bahda Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland (SLBF) waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan qoyska iyo ehelkii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ciise Aadan Cawaale, gaar ahaan Maxamed Ciise Aadan iyo guud ahaan familiga Ilama Ciise Aadan Cawaale.
Marxuumka waxa uu maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Waxaan Alle SWT uga baryaynaa inuu janatul firdowsa ka waraabiyo marxuumka, ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan intii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin.

28/04/2026

Warbixin: Sanad-guuradii 1aad ee Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland (SLBF)
Taariikh: 28 April 2026

Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland (SLBF) ayaa la doortay 28 April 2025, isagoo ka kooban shan xubnood. Maanta waxaa laga joogaa hal sano tan iyo markii xilka loo doortay, muddadaas oo ay qabteen hawlo muhiim ah oo horumar muuqda u horseeday kubadda koleyga Somaliland.
Horumarada La Gaadhay

1. Xafiis Rasmi ah
H**e xidhiidhku xafiis rasmi ah ma lahayn, balse maanta wuxuu leeyahay xafiis casri ah oo ka mid ah kuwa ugu quruxda badan xidhiidhada ciyaaraha ee Somaliland.

2. Dib-u-dhiska Garoomada
Xidhiidhku wuxuu bilaabay dib-u-habaynta iyo casriyeynta garoomada, gaar ahaan Garoonka Timacade oo dib-u-dhis ballaadhan lagu sameeyey. Arrintan waxaa gacan weyn ka geysatay shirkadda Nasiib Real Estate.

3. Horumarinta Garsoorka
Waxaa markii ugu horreysay la dhamaystiray qalabka garsoorayaasha (dress-ka), taas oo h**e u maqneyd.

4. Qalab Casri ah
Xidhiidhku wuxuu keenay qalab casri ah oo kubadda koleyga ah, gaar ahaan mid lagu helay iskaashi lala yeeshay shirkadda Nasiib Real Estate.
5. Habaynta Shuruucda iyo Nidaamka
Waxaa dib-u-habayn lagu sameeyey xeerarka iyo nidaamka kooxaha si loo helo hannaan hufan oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.
6. Hirgelinta Xeerarka FIBA

Waxaa si rasmi ah loo hirgeliyey xeerarka FIBA, gaar ahaan isticmaalka saacadda 24 ilbiriqsi. Tani waxay sare u qaaday xawaaraha ciyaarta, iyadoo ciyaartoyda iyo tababarayaashuba si degdeg ah ula qabsadeen nidaamkan cusub, isla markaana sahashay in dhibco badan la dhaliyo.
Tababaro iyo Tartamo
Waxaa la qabtay tababaro horumarineed.
Waxaa la sameeyey iftiiminta Garoonka Axmed gurey
Markii ugu horraysay ciyaaro live ah ayaa laga daawaday telefishanka qaranka Somaliland.
Horumarka Gobollada

Gobolka Saaxil (Berbera)
Waxaa horumar weyn laga sameeyey kubadda koleyga.
Wakiilka xidhiidhka, xidhiidhka, ayaa door muhiim ah ka qaatay.
Waxaa la qabtay ciyaaro saaxiibtinimo:
Gaashaan vs D.H Berbera
D.H.H vs D.H Berbera
Waxaa lagu guulaystay dhismaha garoon casri ah iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Gobolka Gabiley

Waxaa ka hawlgala wakiil firfircoon oo horumarinaya ciyaarta.
Waxaa dib loo dhisay garoomo casri ah.
Waxaa si gaar ah uga qayb qaatay maayarkii h**e Maxamed Aamiin, oo dhisay laba garoon oo kubadda koleyga ah

Gobolka awdal boorama

Ka dib 33 sano, waxaa dib loo dhisay garoonka kubadda koleyga.
Xidhiidhka SLBF ayaa kaashaday Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Tani waa guul weyn oo taariikhi ah oo u soo hoyatay xidhiidhka.

Rajada Sanadka 2aad

Insha Allah, waxaa la rajaynayaa in sanadka labaad horumar la gaadhsiiyo gobollada kale sida:
Sanaag / Ceerigaabo

Togdheer / Burco
si kubadda koleyga looga hirgeliyo dhammaan gobollada Somaliland.
Gunaanad
Hal sano gudaheed, Xidhiidhka Kubadda Koleyga Somaliland wuxuu muujiyey dadaal, hufnaan iyo horumar muuqda. Waxaa la aasaasay nidaam cusub, garoomo la casriyeeyey, ciyaaro la qabtay, sharciyo la hirgeliyey, iyo gobollo badan oo la gaadhsiiyey ciyaarta.
Waxaan u rajaynaynaa sanadkan cusub guulo ka waaweyn kuwii h**e.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeysa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Somalilabd Basketball Federation
Hargeysa
002522