09/05/2026
05-09-2026
๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ข๐ข ๐๐ ๐๐๐ฒ๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐๐๐๐๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ซ๐ญ๐๐ง๐ค๐ข๐ข ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐ง๐๐๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ซ๐ฎ๐ .
Xaflad si heer sare ah oo ballaadhan lagu maamuusayey laguna abaalmarinayey ardaydii kaalmaha h**e ka gashay tababarkii iyo tartankii Barashada Dastuurka ee Barnaamijka Baraarug, kaas oo loo qabtay dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa.
Tartankan ayaa ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista aqoonta ardayda ee dhinaca dastuurka, wacyigelinta bulshada iyo kobcinta fahamka dhalinyarada ee xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinnimada.
Xafladdan qiimaha badan waxaa kasoo qayb galay madax ka socotay Wasaaradda Dastuurka Somaliland, maamulka dugsiyada sare ee Hargeysa, macallimiin, marti sharaf iyo arday tiro badan.
Ardaydii ku guulaysatay tartanka ayaa lagu guddoonsiiyey:
๐
Bilad sharaf
๐ Abaalmarino kala duwan
๐ Shahaadooyin dhiirrigelin ah
Masuuliyiintii munaasibadda ka hadashay ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda guusha gaadhay, iyagoo ku ammaanay dadaalkooda, kartidooda iyo sida ay uga qayb qaateen barashada dastuurka iyo horumarinta aqoontooda.
Sidoo kale waxay ku bogaadiyeen Barnaamijka Baraarug doorka muhiimka ah ee uu ka qaadanayo kobcinta aqoonta iyo wacyiga dhalinyarada Somaliland.
๐ Hambalyo dhammaan ardaydii ku guulaysatay tartanka iyo abaalmarinnada.
๐ Guushu waxay ku timaaddaa dadaal, karti iyo adkaysi.
.
Waran-Cade Secondary school