09/05/2023
{Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun}
Sheekhan waxa la odhan karaa tilmaamihii toosnaanta tusin jiray oo dhan baa lagu tolay, waa caalim cilmiyo badan ILAAHAY baray, waa caabid mawlaca Mawle lagu caabudo masallaha dhigtay, waa macallin marinta darsiga iyo meerinta digriga meel ka gaadhay, waa mufakir tuujinta maanka lagu majeerto, waa foolaad furimaha inan rag faraha kala boxo foodda geliya, waa talo-qabeen tusaalihiisa lagu tanaado laguna tisqaado, waa dhulmareen dhaayaha meel dheer ku qabtay, waa indheergarad la ifsado aragtidiisa, waa addoon ILAAHII abuuray addoomihiisa ugu yeedha, Waa shakhsi lagu sheego shay kasta oo sharaf leh, isaga oo kale shaahid daaye sheeko kuma maqal, ILAAHAY ha barakeeyo'e.
Dacwadda doorka ugu wayn ee uu kaga qayb qaataa waa jeedinta muxaadarooyinka kala duwan, boqollaal cajaladood oo wacdi iyo waano ah ayuu leeyahay, k**a daalo fidinta diinta iyo ka fikirkeeda.
Afafka adduunka lagaga hadlo wax badan ayuu ka yaqaan oo uu wax ku akhriyaa, waata keentay inuu noqdo hir-aqooneed hadalladiisa lagu hal-qabsado, kolka uu afka kala qaado waa kuu dhaygag iyo dhabanno-hays, marna waa kuu dhiirri-gelin iyo Dhoolla-caddayn.
Waa dhakhtar-diimeed yaqaan cudurrada dadka haleela iyo dawadooda, markaad dhegaysato muxaadarooyinkiisa dhammaantood waxaad ka dheehanaysaa inuu shiiqinayo cudur dubaalad dheer oo umadda daashaday.
Waxa aan la yaabaa sida uu Qur'aanka u dhuuxay iyo meelaha durugsan ee uu kasoo qabanayo daliilka iyo qaabka maangalka ah ee uu kuugu soo tebinayo, muxaadarada ku saabsan "Qaabka wax loo diyaariyo" ayuu ku xusay in uu jecelyahay marka uu muxaadaro diyaarinayo inuu Qur'aanka wada akhriyo si uu uga helo daliilka uu rabo.
Waa xariir aanay xidhin xuduuddo-beenaadka u dhexeeya xerta kala duwan ee culimada, qolo kasta waxaad arki isaga oo la jaan-qaadaya kalana shaqaynaya diinta fidinteeda.
Soomaalidii carrada gaalada cagaha dhigtay waa culimada ka daba tegay ee meel ay tageenba toosinta iyo talada la daba taagnaa.
Mawduuca u