23/03/2025
Labada sawir midka midig ee garka leh waa shakhsi u dhashay Mareykanka laguna magacaabo Yuusuf Estes bilowgii noloshiisa wuxuu ahaa ganacsade baadari ah aadna u xagjirsan sidoo kalana neceb diinta islaamka oo uu ku tilmaami jiray kuwa caabuda dhagax madow oo dhul saxaaro yaalo.
Ninka labaadna waa Cabdullaahi Al-Quseymi wuxuu kasoo jeedaa bilaadul Xarameyn wuxuu ahaa daaci weyn oo islaamka usoo baxay cilmigiisa iyo heerka uu gaaray ayuuna ku kasbaday in loogu magacdaro Ibu Taymiyihii labaad, wuxuu qoray kutub badan oo islaami ah, balse si lama filaan ah ayay halmar wax isku badaleen.
Hadaba maxaa dhacay?
Cabdullaahi Al-Quseymi wuxuu bilaabay inuu garab istaag u muujiyo kooxaha mulxidiinta inkirsan jiritaanka Allaah, buugaag uu ku difaacayo ayuu qoray ugu dambeyna diintii islaamka ayuu ka baxay wuxuuna noqday mulxid inkiray jiritaanka Allaah, asigoo mulxid ah ayuuna geeriyooday sanadkii 1996-dii xiligaas oo uu 90 jir ahaa.
Dhanka kale Yuusuf Estes wuxuu iska badalay habdhaqankiisii wuxuu bilaabay inuu wax kabarto diinta islaamka asigoona ugu dambeyn shahaadada qiray, magaca Yuusufna waqtigaas ayuu la baxay, kadibna wuxuu isku badalay daaci masiixiyiinta Mareykanka iyo kuwa caalamkaba ugu yeera diinta islaamka waxaana gacmihiisa kusoo islaamay kumanaan dad.
Bilowga nolosha iyo sheykastaba ma ahan waxa ugu muhiimsan balse dhammaadka.
Allaah khaatumada hanoo hagaajiyo.