KHAYR DOON

KHAYR DOON

Share

KHAYR DOON WAA PAGE DACWADA LAGU FIDIYO, MUXAA-DIROOYINKA CULIMADA SOOMALIYEEDNA LAGU SOO GUDBIYO. FADLAN PAGE LIKE, SHARE NOO DHEH

02/01/2025

Bilaha Xurmada leh!

Kaltirsiga islaamiga: 2-Rajab-1446 (Rajab waa bisha 7aad ee hijriga)
Kaltirsiga Soomaalida: 172 habeen
Kaltirsiga Kiristanka: 2- jeenawari-2025

Rajeb = Sabuux ( waa bisha 7aad)
Dul-Qacda = Sadataal (waa bisha 10aad)
Dul-Xija= Arrafo (waa bishaa 12aad)
Muxarram= Seko ama D**o (waa bisha 1aad)

Bilahan afarta ah, waxaa lagu magacaabaa ash-hur al-xurum 'bilaha xurmada leh". Waxaa magacaas loogu bixiyey in la xarrimay dagaalka. eeg aayaddan:
قال تعالى: يَسْأَلُونَكَ عَنِ الشَّهْرِ الْحَرَامِ قِتَالٍ فِيهِ قُلْ قِتَالٌ فِيهِ كَبِيرٌ [البقرة:217]
=
"Waxay ku waydiinayaan bisha xurmada leh dagaallankeeda, waxaad ku tidhaa; in bishaa dhexdeeda la dagaallamaa waa dembi weyn".

Haddii dalka iyo diintaba weerar ku socdo, ama naftaada iyo maalkaaga aad difaacayso, ma aha ka loo jeedaa. Dagaalka xaaraanta ahi, waa in bisha la bilaabo dagaal.

Marka h**eba dadka muslinka ah in ay dhexdooda ka dagaallamaan, waxay ahayd xaaraan iyo dembi weyn. In bilaha uu Alle sida gaarka ah u weyneeyey la dagaallamo oo weliba muslin lala dagaallamo, waa dembigii oo laba jibbaarmay.

Dagaalka oo keli ah ma aha waxa la iska ilaalinayaa ee bilahan dembiyada oo dhan in la iska dhawro weeye. Sababtoo ah, dembiga la galaa wuu ka weynyahay dembiga bilaha kale la galo. Waa sida in dhulka xurmada leh lagu dambaabo ama masjid dhexdii dembi lagu galo.

27/06/2023

Fadliga Carafa 🤲

Nebiga SCW - waxa uu yidhi:
" Duco waxa u khayr badan ducada maalinta Carafa.
Waxaana u khayr badan wax aan idhi aniga iyo Nebiyadii iga Horreeyay:
لا إلهَ إلاَّ اللَّه وحْدهُ لاَ شَرِيكَ لهُ، لَهُ المُلْكُ، ولَهُ الحمْدُ، وَهُو عَلَى كُلِّ شَيءٍ قَدِيرٌ

"Ma jiro Illaah xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn waa kelidii, cidna waxba lama wadaagto, lahaansho oo dhan isagaa leh,
mahad oo dhanna isagaa leh. Waxkastana uu awoodaa”.

23/03/2023

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال 🤲

[رمضان مبارك]❤❤❤

05/09/2022

16 Sifo ama Dhaqan oo Qur'aanku ina Faray :-

(1)- : "يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَكُونُواْ مَعَ ٱلصَّٰدِقِينَ (التوبة - 119)
= " Kuwa muuminiinta ahow Alle ka cabsada oo LA JIRA KUWA RUNTA SHEEGA

(2)- : إِنَّ ٱللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَن تُؤَدُّواْ ٱلْأَمَٰنَٰتِ إِلَىٰٓ أَهْلِهَا (النساء - 58)
= "Ilaahay waxa uu idin farayaa in aad ammaanada siisaan cidda iska leh"
(3)- : وَٱخْفِضْ جَنَاحَكَ لِمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ (الشعراء - 215)
= ISU DEBCI DADKA KU RAACA EE MUUMINIINTA AH"
(4)- : خُذِ ٱلْعَفْوَ وَأْمُرْ بِٱلْعُرْفِ وَأَعْرِضْ عَنِ ٱلْجَٰهِلِينَ (الأعراف - 199)
= Cafiska ogow, samaha far, kan jeedso waxmagaratada
(5)- : اذْهَبَا إِلَى فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَى (43) فَقُولَا لَهُ قَوْلًا لَيِّنًا لَعَلَّهُ يَتَذَكَّرُ أَوْ يَخْشَى (44) طه
= "U taga fircoon, waa nin kibray eh. oo hadal debecsan kula hadla"
(6)- : يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱسْتَعِينُواْ بِٱلصَّبْرِ وَٱلصَّلَوٰةِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ
(البقرة - 153) = " Kuwa muumininta ahow; kaalmaysta samirka iyo salaadda "
(7)- : لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ ۖ وَلَئِن كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِى لَشَدِيدٌ (إبراهيم - 7)
= Haddii aad shukri-naqdaan, waan idiin kordhinayaa
(8)- : فَٱسْتَقِمْ كَمَآ أُمِرْتَ ......(هود - 112)
= Ku taagnow tubta lagu amray
(9)- : وَلَن تَرْضَىٰ عَنكَ ٱلْيَهُودُ وَلَا ٱلنَّصَٰرَىٰ حَتَّىٰ تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ ۗ ....(البقرة - 120)
= "Yahuudda iyo Kiristaanku weligood, raalli kaa noqon maayaan, haddaanad raacin milladdooda".

(10)- : وَلَكُمْ فِى ٱلْقِصَاصِ حَيَوٰةٌ يَٰٓأُوْلِى ٱلْأَلْبَٰبِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ (البقرة - 179)
= Kuwa caqliga lehow! QISAASTA waxaa ku jirta noloshiinna
(11)- : وَعَاشِرُوهُنَّ بِالْمَعْرُوف. {النساء:19}
= Dumarka ula dhaqma si wanaagsan
(12)- ?: وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِأَعْدَآئِكُمْ ۚ ....... (النساء - 45)
= Ilaahay baa yaqaan cadowgiinna (muuminiintaay)
(13)- : (وَالصُّلْحُ خَيْرٌ) [ النساء : 128]
= Heshiisiintu waa khayr
(14)- : فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ (43)
= Wax waydiiya dadka cilmiga leh, haddii aydaan garanayn

(15)- : "وَلَا تَنسَوُا الْفَضْلَ بَيْنَكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ" (البقرة: 237)
= Ha illoobina samafalka dhexdiinna (Wixii h**e iyo waxa soo socdaba)

(16) : ﴿ وَلَا تَبْخَسُوا النَّاسَ أَشْيَاءَهُمْ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ﴾
[ الشعراء: 183]
= Dadka ha ka musuqmaasuqina xaqooda, dhulkana ha fasahaadinina

08/07/2022

Maanta waa Maalib aad u wayn oo aad u qiimo Badan, waxa kulmay maalinki Carafo iyo Maalinka Jimce oo ay ku jirto Fursad aad u wayn o ah Saacatul istijaabah, Ha dayacina o ka Faaideysa Fursadahaas aadka u qiimaha badan.

Duco Lagu Ducaysto maalinka Carafo waxa ugu qiimo Badan ducada Tan. Ku cel celi.

06/07/2022

Maalinka oo Jumcaha ku'aadan Mala Soomi karaa?

06/07/2022

Maalinka Fadliga ey leedahay |

11/06/2022

Mid kamid ah culumadii islamka ee caarifiinta aha ayaa Wuxuu yidhi: Waxaan lahaa jaar kadibna wuu geriyooday maalmo geeridiisa ka dib waxaan ku arkay riyo waxaan weydiiyey maxaad kala kulantay qabrigii?

Isna Wuxuu yidhi, sheekhow Waxaan arkay balaayo iyo argagax weyn, gaar ahaan markay labada malaa'igood ee Munkar iyo Nakir ii yimaadeen oo ay bilaabeen inay i weydiiyaan su'aalo badan, laakiin k**a aanan jawaabin maxaa yeelay waxaan waayey awooddii aan ku hadli lahaa kadib markii uu carrabkaygu istaagay marka waxaan is iri: Maxay tani u tahay ciqaabta aadka u weyn ee ku heshay?

Waxana naftaydii dib uway diiyay
Miyaanan noloshaydii muslim ahayn !
Miyaadan dhiman anoo muslim ah!
Oo labada malaa'ig baa i culaysinaya oo jawaabo i weydiinaya, saacaddaas adag
Anoo ku jira wal-wal iyo walbahaar iyo murugo

Markiiba nin dhalinyaro ah oo qurux badan ayaa ii yimid,oo aad u u'dgoon, wuxuuna noqday gidaar na dhexmara aniga iyo labadii malag Wuxuu i baray oo i shegay sida looga jawaabo su'aalaha Waxaan is weydiiyay yuu ahaa wiilkaas quruxda badan Waxaan ku iri alla ha u naxariistee yaa tahay? Waxaad iga badbaadisay nasiibxumo weyn iyo masiibee
Ninkii dhalinyarada ahaa wuxuu yiri: waxaan ahay qof laga abuuray saligaaga aad ku salin jirtay Nabi Muxamed (SCW) naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee

Wuxuu yidhi xabiibkenu scw melkasta ood joogtaan igu saliya saliginu wuu isogadhi "
Wuxuu rasulku scw yidhi waxaad badisaan saligayga waayo saligaygu qabriga ayuu nuuri yaa jidaka siradka ayuu nuuriyaa janadana wu nuuriyaa "

Codsi yar Hadii aadan Naga mid Ahayn bal soo boqo Facebookan kadib waxaan ku qoro hadaad ku qanacdo inshalaah Fallow nosaar Mahadsanid

Hadaad dhamaysato aqrinta, kusali nabi Muxamed scw lana wadag walaladaa oo
geree

Maxamuud Axmed Askar

19/05/2022

Mid ka mid ah culumadii saalixiinta ahaa ayaa Wuxuu yidhi: Waxaa jirtay gabadh kacbada dawaafaysay, Waxay ku celcelinaysay inbadan
"Kariimoow balanataadii h**e! ياكريم عهدك القديم
Markaas ayaan waydiiyay, Maxaad eraygan Uun ugu Celcelinaysa ? Waxay tidhi: aniga oo badda ku jira dabayl ayaa nagu soo dhacday oo jebisay markaan saarayn qof kasta oo sara Wuu quusay, aniga, ilmahaygii iyo nin loox kale saarna mooyee, dedna markii ay noqotay aroor ayaa Waxaa igu soo dhawaaday ninkii saaraa looxa yar bada badhtankeeda Wuxuu igu codsaday inaan xumaan samayno sino!!
Anoo yaaban ayaan ku idhi adoonkii ilahayow
Waxaynu ku suganahay bad badhtankeed mana Rajaynayno inaynu babaadno Maxaad ku keentay aynu sinaysano ? Intaan ooyay.

Wuxuu yiri: I daa, Illaahay baan ku dhaartaye Waa kuu baahanahay, oo intuu gacantiisa u fidiyay cunuggii ayuu badda igaga tuuray, Dedna Wuxu iska bixiyay dharkii looxii yaraa ayuu dul saartay Wuuna isoo lacay markaasan idhi: ( Alloow adaa qofka iyo qalbigiisa Udhexeeya, aniga iyo ninkan Wax xumaanta uu igula soo socda iga difaaca noo dhaxaysii Alloow adaa Wax kasta wooda oo qadiree )

Isla markiiba mid ka mid ah noolaha badda ayaa afka kala qaado oo uu ninkii liqayba, markaasay iska joogay ilaa ay mawjadihii iga dageen, markaan badii iyo masiibadii ninka ka badbaaday ayaan la kulmay qoom dedna Waxaan oo uga warramay Xaaladayda, markaasay dheheen: waxaan Anaguna Kaaga warramaynaa waxaan kasii yaab badan. Arintaada Anaga oo badda ku dhex jira Ayaan Aragnay Libaax badeed korkiisa Waxa Saaraa ilmo yar Waxaa dhawaaqay Qof anaan arag, Wuxu noogu qayl yayay Ilmahan qaado, haddii kale Waan idin Rogayaa, markaasaannu qaadnay oo ilmihii Waxay tidhi bal itusa ilmaha markii la tusayna Waaba ilmeheedii
Waxaa usoo noqday ilemheedii, bada lagaga tuuray Waxaa uu ilaahay ka badbaaiyay ninkii Xumaanta la doonay ilaahayow ada waoda le

Hadaad dhamaysatay akhriska soo qor mid kamida magacyada ilaahay Subxanuhu Wt
👉 soo biir oo saar insha allaah
Lawadaag walalaaladaa garee inshaa allah.

14/05/2022

"Fadliga iyo faa'idada ay sadaqadu leedahay waxa ka mid ah in ay tahay cibaadada ugu wanaagsan ee Alle loogu dhawaado, cadhadda iyo ciqaabta Allena damisa, cudurka iyo caydha suulisa, cimriga qofka dhowrta, cadowga ka caabisa, carruurta barakaysa, cuud iyo calaf weyna lagu helo.

Hadh iyo hoos ayey qiyaamaha u noqota dadka, jawharad Jidka siraad lagu dhaafo weeye jahannabana lagaga badbaado,
Jannada Rabbina lagu galo, qiimaha iyo qaddarka ay leedahayna waxa inagaga filan in Salaadda iyo Soonka ay tahay sadaqadu ta saddexaad ee Alle ku ladhay!

qof kaste qabriba sugaya wixi qadarkiisa ah bixiyo maalin aynu ka baahi badannahay ayaa iman doonta'e."

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

12/05/2022

Ardeynimada iyo Faqriga |

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa