Red Sea Waves

Red Sea Waves

Share

Hoyga Barashadda Xirfadda Forex, ku baro si lacag la'aan ah

17/10/2025

Maxaa looga baahan yahay Trader-ka si uu u noqdo mid guulaysta

Marka laga hadlayo ganacsiga suuqa maaliyadeed ee online-ka ah, waxaa jira afar qodob oo muhiim ah oo dhibaatada ku ah trader-yada cusub iyo kuwa khibradda lehba. Qodobbadan waa Fear (Cabsi), Greed (Hunguri Wayni), Hope (Rajo), iyo Revenge (Aargoosi). Qodobadani waa kuwa ka dhasha maskaxda bini’aadamka, waxayna awood u leeyihiin inay saameyn xooggan ku yeeshaan go'aamada ganacsiga.

1. Fear (Cabsida):
Cabsidu waa mid ka mid ah cadowyada ugu weyn ee trader-ka Forex-ka. Marka aad aragto in currency pair uu hoos u dhacayo, waxaad dareemi kartaa cabsi ku kallifta inaad si degdeg ah uga baxdo trade-ka, xitaa haddii Analysis-kaaga h**e uu tilmaamay in qiimuhu mar kale kor u kici doono. Cabsidu waxay ku riixi kartaa inaad ka soo baxdo trade wanaagsan si aad u badbaadsato waxa yar ee kaa hadhay, halkii aad ka sii adkeysan lahayd oo aad u dulqaadan lahayd isbedbeddelka suuqa.

Xalka:
Raac trading plan oo cad, isticmaasho stop-loss, una adkeyso isbedbeddelka suuqa.

2. Greed (Hunguri Wayni):
Xamaasada maalin ku taajirka ah ee loo yaqaan Hunguri Waynidu waxay kugu kallifi karaa inaad sii haysto trade faa'iido leh ilaa aad lumiso wixii aad h**e u heshay.

Xalka:
Usamayso Trade-yadaada take-profit oo ku qanac marka aad gaadho bartilmaameedkaaga, iskana ilaali in aad trade yo badan gasho adoo faa'iido doon ah.

3. Hope (Rajo):
Rajadu waxay kugu riixi kartaa inaad sii haysto trade khasaare leh, adigoo sugaya in suuqu soo noqdo.
Rajayntu waxay ku kalliftaa trader-ka inuu ku sii dhaganaado trade khasaare leh, isagoo rajaynaya in currency pair-ku uu dib u soo noqon doono. Tani waa khalad weyn oo ay sameeyaan trader-yo badan, waxaana sababa rabitaanka ah in la iska indhatiro xaqiiqooyinka suuqa. Rajadu waxay keeni kartaa inaad sameyso "hold and hope" oo ah inaad sugto inta khasaare ballaaran kugu dhaco.

Xalka:
Raac technical analysis oo ku saleysan xog sax ah, isticmaal stop-loss si loo xakameeyo khasaare.

4. Revenge (Aargoosi):
Aargoosigu wuxuu kugu kallifi karaa inaad si aan caqli-gal ahayn u trade garayso si aad u soo ceshato khasaarahaaga. Suuqa lagama aargoosado, balse waxaa laysku dayaa in khasaarahaaga lagu saleeyo qaab boqolay ah, hadii laba ama kabadan aad ku khasaarto waxaad garan kartaa xadiga yar ee kaa luntay, waxaanad si miyir qab ah u saxaysaa khaladkaaga keenaaya khasaraha soo noq-noqday.

Xalka:
Ka fogaaw ganacsiga xamaasadda ku saleysan, oo samee taxliilin sax ah kadib khasaare hadii aad ku soo gasho.

16/10/2025

Awooda Akhrinta Suuqa Ee Red Sea Waves
From 09/08/2025 to 16/10/2025
Full Updates

15/10/2025

: Nashqadee ayey ku dhamaan kartaa?

15/10/2025

It’s a free platform where you can learn financial market skills, including Forex, Cryptocurrency, Stock Trading, and Digital Finance.

30/05/2025

Sida loo xisaabiyo PIP-ka, PIP Value iyo Lot size-ka

13/05/2025

Ku dhex mushaax website-ka Red Sea Wave oo si rasmi ah hawada u soo galay, daawo habka fudud ee aad u isticmaali doonto website-ka iyo qaybihiisa.
https://redseawaves.com

01/05/2025

Waa sheeko caan ah oo dhif iyo naadir ka ah taariikhda lacagaha dhijitaalka ah, gaar ahaan Bitcoin. Qisadan waxay dhacday 22-kii May 2010, waana waxa maanta loo yaqaanno Bitcoin Pizza Day.

Sheekadu waxay ku saabsan tahay nin lagu magacaabo Laszlo Hanyecz, oo u dhaashay wadanka Maraykan ah. Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee lacagta Bitcoin ku iibsada shay. Wuxuu Laszlo rabay inuu arko haddii Bitcoin loo adeegsan karo in wax lagu iibsado oo wuxuu doonaayey in sidii lacag caadi ah loo isticmaalo, xiligan caan may ahayn Bitcoin wax saamayn ahna kumay lahayn dunida.

Laszlo ayaa soo dhigay qoraal bar qoraalada lagu wadaagi jiray oo u khaas ahayd Bitcoin oo la odhan jiray BitcoinTalk forum uu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu bixiyo 10,000 Bitcoin si uu u helo laba xabbo oo pizza ah. Ujeeddadiisu waxay ahayd in uu helo cunto isaga oo lacagta Bitcoin adeeg-sanaaya.

Ugu dambeyn, qof kale oo ka mid ahaa dadka isticmaali jiray forum-ka Bitcoin Talk oo xiligaas caan ahaa ayaa ka aqbalay dalabkiisa, wuxuuna Laszlo u diray labadii pizza ahaa ee uu dalbaday. Wuxuuna isagu sidaas ku qaatey 10,000 bitcoin.

Xilligaas, qiimaha 10,000 Bitcoin wuxuu ahaa ku dhawaad $40 ilaa $50 USD. Laakiin maanta (xiligan aan qormada qoraayo), 10,000 Bitcoin waxay u dhiganta $996 milyan, taas oo ka dhigaysa pizza-dii ugu qaalisanaa taariikhda! Mar la waydiiyey Laszlo wuxuu sheegay in hadii aanu sidaas samayn lahayn maanta halka ay taagan tahay lacagta Bitcoin iyo qiimaha ay leedahay aysan lahaateen.

Qisadan waxay si wayn ugu suntan-tahay oo calaamad u tahay bilowgii isticmaalka lacagta ee Bitcoin, waana sababta 22-ka May loo xuso sanad walba si loogu dabaaldego horumarka lacagaha dhijitaalka ah.

Mohamed DEEQ

Photos from Mohamed DEEQ's post 12/04/2025

Eng Emran, waa bahda Red Sea Waves ee qaybta Premium-ka. Waa successful trader, wuxuu awoodaa in uu trade-ka haysan karo bilo. $0.25 lot ayuu ka sameeyey $2,879 hal trade oo ah EURUSD oo buy uu soo qaatey. Sidoo kale isla trade kan ayuu Sell u soo qaatey wuxuuna ka sameeyey $2,100.

Muu khamaarin, lot wayn muu isticmaalin, wuxuu muujiyey aqoon iyo dulqaad.

Hambalyo Eng Emran
Adna Waad awoodaa

Photos from Red Sea Waves's post 09/04/2025

Halka Dad-yowga kale Cabsi iyo khalkhal ka Muuqdo

waxaa umuqato suuqa in uu joogo halki ugu habooneed waxaana suuragal ah in ay fursadaan oo kale dib kuso marin ee hadii aad isleedahay waa ka faiideysan kartaa si miir leh ugu faideyso insha allaah

🤝
t.me/redsewaves

07/04/2025
28/01/2025

Michael Saylor oo Soo Bandhigay Sida Usamayso Maalgashiga Bitcoin.

Shirkadda MicroStrategy, oo ah shirkad hormuud u ah maalgashiga Bitcoin, ayaa ku guuleysatay inay faa’iido dhan $1 bilyan ka hesho istiraatijiyad cusub oo ay ku wajahday suuqa Bitcoin. Hoggaamiyaha shirkadda, Michael Saylor, ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin qorshaha shirkadda ee lagu xoojinayo maalgashiga hantida dhijitaalka ah.

Shirkadda ayaa markii h**e iibsatay Bitcoin qiimihiisu ahaa $500 milyan, markaasoo uu qiimuhu hooseeyay. Kadib, markii qiimaha Bitcoin uu sare u kacay, waxay shirkaddu go’aansatay inay dib u iibiso Bitcoin-kaas, taasoo keentay faa’iido aad u weyn oo ka dhalatay farqiga qiimaha. Faa’iidada ka soo baxday iyo lacag kale oo ay shirkadda haysay, ayaa si buuxda loogu isticmaalay in mar kale lagu soo iibsado Bitcoin qiimihiisu gaadhayo $1.5 bilyan.

Michael Saylor ayaa sharaxay in shirkadda MicroStrategy ay si xeeladaysan uga faa’iidaysatay farsamo maaliyadeed oo loo yaqaano arbitrage, taasoo ka dhigan in shirkaddu ay faa’iido ka sameysay farqiga qiimaha ee u dhaxeeya iibsiga iyo iibinta Bitcoin. Farsamadaan ayaa shirkadda u suurtogelisay inay u isricmaasho lacagteeda mid si degdeg ah oo wax ku ool ah faa'iido uga samayso, iyadoo maalgashigeeda sii kordhinaysa.

Sidoo kale, shirkaddu waxay samaysay qorshe kale oo ay ku soo saartay dayn dhan $3 bilyan, iyadoo $600 milyan oo Bitcoin ah loo isticmaalay damaanad. Dayntaasi waxay shirkadda u suuragelisay inay iibiso Bitcoin kale oo qiimihiisu gaadhayo $3 bilyan, iyada oo aan wax dulsaara ah lagu soo rogin. Ganacsigan ayaa shirkadda u keenay faa’iido dhan $2.4 bilyan oo oo ay ka heshay isbadalka qiimaha.

Michael Saylor ayaa ku adkeystay in qorshahani uu yahay mid shirkadda ka caawin doona inay mustaqbalka laba-laabto ama xitaa afar-laabto maalgashigeeda, maadaama Bitcoin uu yahay hanti qiimihiisu si xawli ah kor ugu kacayo. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ganacsigani uu u yahay tusaale muujinaya sida ay MicroStrategy ugu dhiirran tahay inay ka faa’iidaysato fursadaha suuqa dhijitaalka ah.

Ganacsiga shirkadda MicroStrategy ayaa mar kale soo jiitay dareenka suuqyada caalamka, iyada oo shirkaddu noqotay tusaale caddaynaya sida ay hantida dhijitaalka ahi u door mihima ugu ciyaari karto mustaqbalka dhaqaalaha caalamka.

Halkan Ka Daawo:
https://www.tiktok.com//video/7465011994458934534

31/08/2024

Shirkadda NCR Atleos oo ku caan ah adeegyada lacag-bixinta, ayaa ku dhawaaqday adeeg cusub oo dadka u oggolaanaya inay lacagta dhijitaalka ah ee ay haystaan gaar ahaan Bitcoin ay si fudud ugu badalan karaan lacag kaash iyagoo isticmaalaaya ATM.

In ka badan 30,000 ATM oo ku yaalla Mareykanka ayaa adeegan lagu isticmaali doonaa. Adeeggan cusub oo la yidhaahdo LibertyX Bitcoin Cashout, waa nidaam dadka isticmaala Bitcoin u fududeynayaa inay lacagta dijitaalka u badalan karaan lacag kaash ah, taasoo dadka ka caawin doonta inay Bitcoin si sahlan ugu isticmaalaan noloshooda maalinlaha ah.

Shirkadda NCR Atleos ayaa sheegtay in ay ku hawlan tahay sidii ay isugu xidhi lahayd nidaamka bangiyada ee hada jira iyo dunida lacagaha dhijitaalka ah.

Want your school to be the top-listed School/college in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa
252