24/04/2024
..........................ماشاء الله تبارك الله.......................................
Tartan aqooneedka fasalada siddeedaad
Maanta oo ahayd maalin Arbaca ah, bisha April na ay ahayd 24.04.2024, waxa dugsiyada hoose-dhexe ee Noradin ka bilaabmay Tartan aqooneedka Kedis ee fasalada siddeedaad.
Tartan aqooneedkan, waxa ku tartamaya 13 fasal oo fasalada siddeedaad ah, 7 fasal oo hablo ah iyo 6 fasal oo wiilal ah.
Tartan aqooneedkan oo uu saaka uu munaasabad ku furay maamulaha guud ee Dugsiyada hoose-dhexe Noradin Siciid Yuusuf Xuseen (Siciid Carab), kana qabsoontay dugsiga Noradin Daloodho ee wiilasha, waxa maamulaha guud ardayda ku booriyey in ay fahmaan ujeedka tartan aqooneedkan, kaas oo ah; in ardaydu buugta dib ugu laabtaan oo wax akhriyaan. Waxa kale oo maamulhu xusay in tartan aqooneedkan uu fasal waliba yeelan doono laba is-arag taas oo marna ay habaluhu ku tartami doonaan dugsiga wiilasha marna dugsigooda ay wiilashu ugu iman doonaan, dabadeedna la isu geyn doono dhincaha labada kulan, fasalka dhibco bataana uu marwalba sidaa ku bixi doono, hadday barbarro noqdaanna, kulanka labaad lagu kala saari doono.
Waxa kale oo maamulaha guud ka dhawaajiyey, in ugu yaraan fasal kasta ay weydiimuhu gaadhi doonaan 28 arday, halka fasalada gudba tartanku ay dhammaan ardayda weydiimuhu wada gaadhi doonaan, sidaas darteedna uu arday kastaa fisho weydiimaha kana diyaar garoobo, maadaama ay qori tuur yihiin.
Haddaba, waxa saaka tartanka lagu furay labada fasal ee 8C gelin h**e oo hablo ah iyo 8A Daloodho oo wiilal ah, kaas oo ahaa mid adag oo dhibco yar lagu kala baxay. Gari laba nin k**a wada qoslisee, waxa saaka guushu raacday fasalka 8C gelin h**e ee metelayey dugsiga hablaha.
Hambalyo. Hambalyo Hambalyo 🎊 8C gelin h**e dugsiga Noradin hablaha ee Jidka 150-ka.
23/08/2023
...........Xirfadaha Nolosha(Life Skills)...........
Dugsiyada Noradin Schools, uma furna keliya in ay ilmaha cilmi iyo aqoon baraan, balse waxa kale oo ay baraan xirfadaha nolosha.
Ardayda yar-yar ee barbaarinta, waxa la baraa dugsiga dhexdiisa in ay ilmuhu wax-qabsan karo, noloshiisana maarayn karo, wakhtiga nusasaacaha.
Waxa la baray in ilmuhu soo faraxasho, si edeb leh u fadhiisto halka loo cayimay, biskinka ku bilaabo cuntada uu cunayo kuna cuno gacanta midig.
Fullinta xeerarka fasalka, dugsiga, is-maqalka iyo kala dan-bayntu waa xirfad nololeed oo ilmuhu ku barto dugsiga.
Waa muhiim in ilmaha la baro aadaabta cuntada ee Islaamka.
🏤 Dugsiga Barbaarinta ee Xawaadle.
09/08/2023
....Aqoon iyo edab wanaagsan oo isku ladhan..
Waalid, aad baanu u jecelnahay in aad ka mid noqoto bulshada ballaadhan ee ubadkooda uga faa'iideeya adeegga waxbarashada hufan ee ay ku astaysanyihiin Dugsiyada Noradin Schools .
Waalid, maaddaama sannad-dugsiyeedka 2023-2024 uu bilow yahay, booqo xarumaha kala duwan ee dugsigu ku leeyahay Caasimadda Hargeysa, si loo qiimeeyo heerka waxbarasho ee ardaygaaga, isla markaana loogu diiwaan-geliyo heerka waxbarasho ee ku habboon.
Waalid, tacabka iyo dedaalka waxbarasho ee uu ilmahaagu maanta helaa, waa mid anfici doona noloshiisa danbe, qaybna ka noqon doona harumarkiisa shakhsi iyo guulaha uu gaadhi doonaba Insha Allah.
01/08/2023
Waa muhiim in ilmuhu helo waxbarasho tayo leh heerka barbaarintuna(Kindergarten),waa kuwa ugu muhiimsan.
..........................................................................
Waalid aad bay muhiim u tahay in ilmuhu helo waxbarasho tayo leh, siiba marxaladda barbaarinta iyo dugsiga Hoose-dhexe.
Waxa mudan in ilmaha heerka barbaarinta(Kindergarten), la qorayaa uu helo barayaal waaya-arag ah, aqoonna u leh habka kobcinta garaadka ardayga, sidoo kalena dulqaad u leh culayska shaqada adag ee ardaygu u baahanyahay.
Dugsiyada Noradin Schools, qaybta barbaarinta, waxa ka hawl-gala maamul iyo macalimiin hablo ah oo aqoon iyo khibrad ba u leh aqoonta barbaarinta iyo daryeelka ilmaha.
Waxa hubaal ah in ilmuhu sannad keli ah ku qaato barbaarinta una gudbo dugsiga hoose isaga oo aan ka dhib mudan bilowga qoraal iyo akhris wanaagsan oo ku habboon heerkiisa. Waxa intaa dheer, in Qur'aanka, magacyada wanaagsan ee Alle, ducooyin iyo axaadiis ku habboon ba la xafidsiin doono ardayda yar-yar inta ay ku jiraan barbaarinta. Ma jiro wakhti kaga lumaya in uu barbaarinta fadhiyo laba sanno ama wax ka badan.
Haddaba, waalid waxa aanu jecelnahay in caruurtaadu ka mid noqdaan ardayda sannad-dugsiyeedka 2023-2024, fursadda u hesha in ay helaan waxbarasho barbaarineed oo tayo.
Sidoo kale, dugsigu waxa uu qaadanayaa heerarka kala duwan ee ardayda dugsiga hoose-dhexe.
la xidhiidh 063-4000087, ama booqo qaybta Xawaadle
14/07/2023
.............................War-gelin..............................
Dhammaan waalidka sharafta badan ee ubadkooda la jecel waxbarasho tayo sare leh iyo akhlaaq wanaagsan oo isku ladhan, waxa lagu war-gelinayaa in berri oo Sabti ah, bishuna ay tahay 15ka, Julay 2023, ay si rasmi ah uga bilaabmi doonto Dugsiga Noradin Xawaadle, diiwaan-gelinta ardayda cusub ee loo qaadanayo sannad-dugsiyeedka waxbarasho ee 2023-2024.
Heerarka waxbarasho ee ardayda la qaadanayaa waxa ay isugu jiraan barbaarinta, dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe.
Ardayda la qaadanayaa waa tiro xaddidan ee h**e u gaadh Dugsiga Noradin Xawaadle oo ku yaal galbeedka Idaacadda Radio Hargeisa ama Wasaaradda warfaafinta iyo Wacyi-gelinta oo diiwaan-gelintu ka socoto.
La xidhiidh telefanka 063-4000087.
F.G: Digsiyada Hoose-dhexe ee Noradin, waxa ay ka koobanyihiin 7 qaybood oo ku kala yaal goobo kala duwan. Dhammaan xaafadaha caasimadda waxa ardayda ka soo qaadaya basas, kuwaas oo keenaya goobaha waxbarasho ee dugsiga.