๐๐๐ซ๐ง๐๐๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐
๐จ๐ซ๐ฆ ๐
๐จ๐ฎ๐ซ-๐ค๐ โ ๐๐๐ซ๐ญ๐๐ง ๐๐ช๐จ๐จ๐ง๐ง๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ซ.
Mid ka mid ah ardaydii ka qayb gashay Tartanka Aqooneedka Barnaamijka Kaabista Ramadaanta ee Jaamacadda Beder ayaa cabiray dareenkiisa, muhiimadda tartanka iyo waxa uu ka bartay. Tartankani waxa uu dhiirrigelinayaa aqoonta, wada-shaqaynta iyo is-dhexgalka ardayda Form Four-ka.
Beder International University
BIU is located in Hargeisa, the capital of Somaliland. It is a communal and non-profit university,
It is a communal and non-profit university, accredited by the Somaliland Ministry of Education and Science. The main objective of BIU is to address the educational needs of society in the Horn of Africa at large, particularly Somaliland. It currently offers different programs in the fields of Islamic Economics and banking, modern management, Information technology, Accounting and finance, Educatio
11/03/2026
๐๐๐ซ๐ง๐๐๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐
๐จ๐ซ๐ฆ ๐
๐จ๐ฎ๐ซ-๐ค๐ โ ๐๐๐ซ๐ญ๐๐ง ๐๐ช๐จ๐จ๐ง๐ง๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ซ
Maanta waxa Jaamacadda Beder ka qabsoomay tartan aqooneed u dhexeeyay ardayda dhigata fasallada kala duwan ee ๐๐๐ซ๐ง๐๐๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ซ.
Tartankan oo ay ka qayb galeen 35 arday oo kala matalayay 7 fasal, ayaa ardaydu ku muujiyeen dadaal, aqoon iyo iskaashi. Tartanku waxa uu dhiirrigelinayaa u tartamida si caafimaad qabta, wada-shaqaynta, isdhexgalka ardayda iyo kobcinta aqoonta ardayda.
Ugu dambayn, guushu waxa ay raacday ardaydii matalaysay ๐๐๐ฌ๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ซ ๐๐, waxaana la abaal-mariyey dhammaan ardaydii fasalkaas ka tirsanays ee guushu raacday
Alla Mahad Leh.
10/03/2026
Hambalyo iyo Bogaadin.
Guddoomiyaha Jaamacadda Beder International University waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ardayda Jaamacadda Beder oo guul weyn ka soo hooyay Tartan Aqoonneedka DALJIR ee Fahamka Dastuurka iyo Barashada Waddaniyadda.
Guddoomiyuhu waxa uu ku ammaanay ardayda dadaalka, kartida iyo aqoonta ay muujiyeen, kuwaas oo horseeday in Jaamacadda Beder ay ka mid noqoto jaamacadaha guusha ka gaadhay tartankan.
Allah Mahad Leh
10/03/2026
๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ โ ๐๐๐๐๐ซ ๐๐ง๐ญ๐๐ซ๐ง๐๐ญ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐๐ง๐ข๐ฏ๐๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒ
Kuliyadda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Beder International University ayaa soo gabo-gabaysay tababar ku saabsan Excel Accounting, kaas oo lagu baranayay xirfadaha muhiimka ah ee Excel-ka iyo sida loogu adeegsado xisaabaadka iyo ganacsiga.
Tababarkan ayaa ardayda iyo ka qaybgalayaashu ku barteen aqoonta aasaasiga ah ee Excel, xisaabinta ganacsiga, isticmaalka formulas-ka horumarsan, iyo sida loogu diyaariyo warbixinaha Xisaabeed (Financial statements) si xirfad leh.
09/03/2026
Qaybta 1aad: Tartanka Aqooneedka Jaamacadda Beder
Jaamacadda Beder ayaa u qabatay tartan aqooneed ardayda dugsiyada sare ee Form Four-ka, kuwaas oo sanadkan ka qayb galay barnaamijka Kaabista Ramadaanta.
Ardaydii kaalmaha h**e ka gashay tartanka ayaa la guddoonsiiyay abaal-marinno iyo shahaado sharaf.โ
09/03/2026
Hambalyo!
Ardayda Jaamacadda Beder ayaa guul weyn ka soo hooyay Tartanka Wadaniyadda iyo Dastuurka ee Jaamacadaha Dalka, taas oo muujinaysa dadaalkooda, aqoontooda iyo wacyigooda qaran.
07/03/2026
Maamulka Jaamacadda Beder ayaa Afur sharafeed u sameeyay ardaydii ka qayb gashay Tartanka Dastuurka iyo Waddaniyadda. Kulankan oo ahaa mid dhiirrigelin ah, ayaa maamulka jaamacaddu ardayda ugu hambalyeeyay guulihii isdaba-joogga ahaa ee ay ka soo hooyeen saddexdii wareeg ee h**e, isla markaana ugu duceeyay in ay guul ka gaadhaan wareegga k**a dambaysta ah.
Alle Mahad leh.
07/03/2026
๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ โ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ซ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐ก๐๐ซ๐ ๐๐ฒ๐ฌ๐.
Ardayda Jaamacadda Beder International University ayaa mar kale, wareegii 3aad guul sharaf leh ka soo hooysay Tartanka Jaamacadaha ee Dastuurka iyo Waddaniyadda, iyaga oo ka adkaaday dhiggooda Jaamacadda Hargaysa, isla markaana muujiyay aqoon, karti iyo diyaar-garow heer sare ah.
Ardayda Jaamacadda Beder waxa ay u gudbeen wareega k**a danbaysta ah ( Final).
04/03/2026
๐ Hambalyo Mar Labaad Ardayda Jaamacadda Beder! ๐
Wareega 2aad ee Tartanka Dastuurka iyo Waddaniyadda.
Ardayda Jaamacadda Beder International University ayaa mar kale guul sharaf leh ka soo hooysay Tartanka Jaamacadaha ee Dastuurka iyo Waddaniyadda, iyaga oo ka adkaaday dhiggooda Jaamacadda Shaafi, isla markaana muujiyay aqoon, karti iyo diyaar-garow heer sare ah.
Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalka joogtada ah ee ardayda, hagidda iyo garab istaagga maamulka, iyo himilada jaamacadda ee ku dhisan tayada waxbarasho iyo kobcinta aqoonta.
Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa dhammaan ardaydii ka qayb qaadatay tartankan, kuwaas oo si sharaf leh oo masuuliyad leh u matalay jaamacaddooda.
๐ Guul iyo horumar joogto ah ayaan idiin rajaynaynaa! ๐๐
04/03/2026
๐๐๐ซ๐ง๐๐๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐
๐๐ฌ๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ (๐
๐จ๐ซ๐ฆ ๐
๐จ๐ฎ๐ซ)
Waxa Xarunta Jaamacadda Beder International University si habsami leh uga socda toddobaadkii labaad Barnaamijka Kaabista Ramadaanta, kaas oo jaamacaddu sanad kasta ugu talagasho ardayda Fasalka Afraad ee dugsiyada sare ee sanadkan dhamaynaya.
Barnaamijkani waxa uu ardayda siinayaa fursad ay ku xoojiyaan aqoontooda, ku bartaan mawduucyo muhiim u ah Imtixaannada Qaranka, isla markaana ku helaan hagitaan ku saabsan sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen imtixaannadaas.
Jaamacadda Beder International University waxay guul, aqoon iyo natiijooyin wanaagsan u rajaynaysaa dhammaan ardayda sanadkan dhamaynaysa dugsiyada sare. Sidoo kale, jaamacaddu waxay ardayda u diyaarisay fursado waxbarasho oo qiimo leh iyo jawi aqooneed oo dhiirrigeliya horumarka waxbarasho.
03/03/2026
๐ Hambalyo Ardayda Jaamacadda Beder! ๐
Wareega 1aad ee Tartanka Dastuurka iyo Wadaniyadda.
Ardayda Jaamacadda Beder International University ayaa guul sharaf leh ka soo hooyay tartanka Jaamacadaha ee Dastuurka iyo Waddaniyadda, iyaga oo ka guulaystay dhiggooda Jaamacadda Edna Adan University, isla markaana muujiyay aqoon, karti iyo diyaar-garow heer sare ah.
Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalka joogtada ah ee ardayda, hagidda iyo garab istaagga macallimiinta, iyo himilada jaamacadda ee ku dhisan tayada iyo kobcinta aqoonta.
Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa dhammaan ardaydii ka qayb qaadatay tartanka, kuwaas oo si sharaf leh oo masuuliyad leh u matalay jaamacaddooda.
Guul iyo horumar joogto ah ayaan idiin rajaynaynaa! ๐๐
27/02/2026
Iskaashiga Jaamacadda Beder & Cisbitaalka Al Ihsaan
Maamulka Cisbitaalka Al Ihsaan ayaa imtixaan ka qaaday dadkii soo codsaday shaqooyinka kala duwan ee Cisbitaalka weyn ee Al Ihsaan, kaas oo dhawaan laga furi doono magaalada Hargeysa.
Qaybta koowaad ee umulisooyinka ayaa Xarunta Jaamacadda Beder ee magaalada Hargeysa ugu fadhiistay Imtixaanka kala saarista, iyadoo si daah-furan oo caddaalad ah loo kala saarayo codsadayaasha, isla markaana qof walba waxaa lagu qiimeynayaa aqoontiisa iyo xirfaddiisa si loo hubiyo in la helo shaqaale caafimaad oo tayo leh.
Jaamacadda Beder iyo Cisbitaalka Al Ihsaan waxa ay leeyihiin xidhiidh wada-shaqayn oo rasmi ah, kaas oo xoojinaya isku xidhka tacliinta iyo adeegga caafimaadka, isla markaana kor u qaadaya tayada adeegyada Caafimad.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Guryo Samo Street1, Maxamuud Haybe District
Hargeisa