09/04/2023
”Dagaalka-Gala” ama ”Gala dagaalka”
Waa kelmad nafo bini aadam badan lagu waayi doono, waa kelmad gacal iyo xigaal kala irdhayn doonta,waa kelmad dhaymaheeda soomaali ku daali doonto ugu yaraan afartanka sano ee soo socda.
Waa kelmad markiiba la sheekaysanaysa caadifadaha qofka bini aadamka gaar ahaan qaybaha dareemaha u nugul colaada.
Waa kelmad qof walba oo tuhun ka qaba in la dulmayo uu dabka toos ugu dhacayo.
Waa kelmad qof walba oo wax laga tabanayo loo digayo oo digtooni siinaysa.
Waa kelmad jaangoyn doonta hab nololeedka jiilasha hada Ka yar 16jir iyo kuwa dhalan doona labadaba.
Waa kelmad ceeb iyo fashil lagu sheekaysan doono oo weliba cid gaara lagu takoori doono mudo dheer keenaysa. (”Dagaalka-gala”)